Sanadihii la soo dhaafay, OpenAI waxa ay noqotay magaca ugu weyn ee la adeegsado marka laga hadlaayo hal-abuurka garaadka macmalka ah (Artificial Intelligence – AI). Shirkaddan oo uu asaasay Sam Altman, ayaa si degdeg ah u noqotay xarunta ugu weyn ee isbeddelka tiknoolojiyadda garadka macmalka ah dunida.
Wararka ugu dambeeyay waxay muujinayaan in OpenAI ay ka fiirsanayso in ay suuqa saamiyada gasho (IPO – Initial Public Offering) ugu dambayn qeybta labaad ee sanadka 2026, iyadoo la sheegay in shirkaddu ay bartilmaameedsanayso qiimayn dhaqaale oo gaadhaysa $1 trillion — taasoo haddii ay rumowdo ka dhigi doonta mid ka mid ah shirkadaha ugu qiimaha badan taariikhda casriga ah.
Markii la aasaasay sanadkii 2015, OpenAI waxa ay ahayd shirkad aan faa’iido doon ahayn oo ujeeddadiisu tahay in la hubiyo in horumarka AI uu u adeego aadanaha oo dhan. Si kastaba ha ahaatee, markii la gaaray 2019, shirkaddu waxay samaysay “OpenAI LP” — qayb ganacsi ah oo u suurtagelinaysa in ay hesho maalgelin ballaadhan si ay u sii waddo tartanka adag ee garaad-ka macmalka ah.
Mid ka mid ah talaabooyinkii ugu waynaa ee qaado waxay ahayd soo saarista ChatGPT dhammaadka sannadkii 2022, taas oo si lama filaan ah u bedeshay qaabka dadku u fahmaan AI. Adeeggaasi wuxuu ku faafay adduunka si degdeg ah, wuxuuna noqday mid ka mid ah adeegyada lagu isticmaalkooda badan yahay taariikhda internetka casriga ah.
Kadib guushaas, OpenAI waxa ay soo saartay taxane tignoolajiyad Ai cusub sida GPT-4, GPT-5 iyo DALL·E 3, kuwaas oo xoojiyay awoodda garaadka macmalka ah ee ku saabsan qoraalka, sawirrada, muuqaal samaynta iyo codadka. Waxaa intaa dheer, shirkaddu waxay noqotay mid si dhow ula shaqeysa Microsoft, oo hadda leh saamiga ugu weyn ee maalgashiga OpenAI, taasoo xiriirkooda ka dhigtay mid muhiim u ah isbeddelka AI ee caalamka.
Maxay ka dhigan tahay OpenAI inay suuqa Saamiyada gasho? (IPO)
Marka shirkad sida OpenAI ay “IPO” samayso, waxay ka dhigan tahay inay saamigeeda ay ku iibin doonto suuqayada si dadweynaha iyo maalgashadayaasha waaweyn ay u iibsadaan. Tani waxay keeni kartaa in OpenAI hesho balaayiin doolar oo dheeraad ah si ay u maalgeliso hal-abuur cusub, koritaanka adeegyada, iyo tartanka ka dhexeeya shirkadaha kale sida Google DeepMind, Anthropic, iyo Meta AI.
Haddii qiimaynta $1 trillion ay run noqoto, OpenAI waxay geli doontaa liiska shirkadaha adduunka ugu qiimaha badan, sida Apple, Microsoft, Amazon, iyo Nvidia.
Waxaa la filayaa in maalgashadayaasha waaweyn sida Wall street, BlackRock, Vanguard, SoftBank, iyo sovereign wealth funds ay si xoog leh u xiiseyn doonaan in ay qayb ka noqdaan IPO-gaas, maadaama AI uu noqday tiirka cusub ee dhaqaalaha casriga ah.
Maxaa Sababa u ah in OpenAI ay noqon karto shirkad $1 Trillion u qalanto?
- Horumarka joogtada ah ee AI:
OpenAI waa hoggaamiyaha AI ee ganacsiga iyo cilmi-baarista. Soo saarista taxanaha GPTs iyo adeegyada sida ChatGPT Enterprise waxay sare u qaadayaann kalsoonida maalgashadayaasha.
- Ganacsi si degdeg ah u koraya:
Shirkaddu waxay hadda leedahay kumanaan macaamiil ganacsi ah oo isticmaalaya adeegeeda API-ga iyo barnaamijyada AI-geeda sida Chatgpt iyo Sora. Dakhliga dhaqaalaha ay sameeysay sanadka 2025 waxaa la qiyaasayaa inuu kor u dhaafay $5 bilyan, iyadoo rajadu tahay inuu labanlaabmo marka ay IPO samayso.
- Iskaashi adag oo lala leeyahay Microsoft:
Microsoft waxa ay bixisay kumanaan bilyan oo doolar si ay u maalgeliso OpenAI, iyadoo adeegyada Azure AI iyo Copilot ay ku tiirsan yihiin tignoolajiyada GPT. Taasi waxay siinaysaa OpenAI kalsooni iyo taageero dhaqaale oo aan caadi ahayn.
- Awoodda suuqa iyo sumcadda caalamiga ah:
OpenAI waxay noqotay magaca ugu horeeya ee dadka maqlaan marka la sheego “AI.” Sumcaddaas lafteedu waa hantida ugu weyn ee kor u qaadi karta qiimaynta suuqa.
Maxaa caqabad ku noqon kara qorshaha IPO-ga shirkada?
Inkasta oo rajada suuqa ay aad u weyn tahay, haddana OpenAI waxa ay wajihi doontaa dhowr caqabad:
- Xeerarka dawladaha iyo ilaalinta xogta:
Waddamo badan ayaa bilaabay inay soo saaraan sharciyo adag oo la xiriira isticmaalka AI, gaar ahaan ilaalinta xogta dadka iyo mas’uuliyadda natiijooyinka uu soo saaro AI. Tani waxay keeni kartaa xadidaadyo cusub oo saameeya dakhligooda.
- Tartanka sii kordhaya ee shirkadaha kale:
Shirkado sida Google DeepMind, Anthropic, iyo “xAI” waxay si weyn ugu tartamayaan inay bixiyaan adeegyo la mid ah OpenAI. Tani waxay cadaadis ku keeni kartaa saamiga suuqa.
- Kharashaadka xisaabinta iyo tamarta:
Hawlgalka AI ee heerka GPT-5 ama GPT-6 wuxuu u baahan yahay awood xisaabeed (compute power) aad u ballaaran, taasoo kharashkeedu gaarayo boqolaal milyan doolar sanadkii. Haddii aan la helin nidaam waara, tani waxay saameyn kartaa faa’iidada shirkadda.
- Kalsoonida bulshada iyo sumcadda amniga AI:
Dhaleeceyno badan ayaa la xiriirta halista AI ee shaqooyinka, xogaha beenta ah, iyo saameynta bulsho. Haddii OpenAI aanay si sax ah u xakameyn arrimahan, waxay saameyn kartaa kalsoonida dadka iyo maalgashadayaasha.
Saamaynta IPO-ga ee suuqa guud iyo maalgashadayaasha?
Haddii OpenAI ay IPO samayso 2026, waxay noqon doontaa dhacdo beddeli karta suuqyada saamiyada caalamka. Maalgashadayaal badan waxay u arkaan AI “maalgashiga casriga ah” ee dhaqaalaha mustaqbalka. IPO-ga noocan ah wuxuu keeni karaa:
- Dhaqdhaqaaq weyn oo suuqayada sida Nasdaq iyo NYSE.
- Fursado cusub oo ganacsi la xiriira Ai.
- Kor u kac guud oo ku yimaada qiimaha saamiyada teknoolojiyadda.
Waxaa la filan karaa in ku biiritaanka suuqa saamiyada OpenAI ay dhiirrigelin doonto shirkado kale oo AI ah inay raacaan isla dariiqa IPO-ga, sida Anthropic, Deep-Seek, Hugging Face, iyo Cohere.


