">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Erayada ugu muhiimsan Technologyada Blockchain

Blockchain waa technologyad ku cusub caalamka oo hadda ku socoto marxalad bilaaw ah, waxaa la rajaynayaa mustaqbalka inay noqon doonto mid dunida laga adeegsado qayb walibo oo nolasha ka mid ah sida Maaliyada, Caafimaadka, Doorashada iyo transportation-ka.

Qofkii hadda barto qaabka ay u shaqayso technologyadaan lana qabsado hormarada ay samaysanayso waxuu mustaqbalka noqon doonaa mid loo daba fadhiisado kana samayo faa’ido dhaqaale.

Isticmaalkeeda kaliya hadda waxuu ku koobanyahey lacagaha Digital-ka ee cryptocurrency balse mustaqbalka waxay noqon doontaa mid gabi ahaanbo badesho technologyadaha aan hadda adeegsano ee ‘centarals-ka ah’ gacan dhexe maamusho.

Waxaa jiro ‘terminology’ erayo u gaar ah technologyadaan loona adeegsado kuwaasoo ku xeran adeegyada ay qabato, iyo qaabka ay u shaqeyso waa kuwaan inta ugu muhiimsan.

  • Block: Waa xirmo lagu kaydiyay macluumaadka is dhaafsi labo qof ‘transactions’, xilliga ay is dhaafsadeen ‘timestamp’ waxaana lagu xeraa xogta block-gii isaga ka horeyay ‘hash block’.
  • Chain: Waa silsilada suurta galinayso in la isku xero labo Block, waxaana la adeegsadaa nidaam sir ah ‘cryptographic hash’.
  • Node: Waa shaqsiga iska leh Computer ama Device-ka qaybta ka ah Network Block chain si uu u fududeeyo wax is dhaafsiga, sugano amaankeeda.
  • Decentralized: Waa nidaam meesha ka saarayo ‘Central authority’ awooda dhexe suurta galinaayo in labada qof si toos ah wax isku dhaafsadaan ‘Peer-to-peer transaction’.
  • Miner: Waa hanaanka ay isticmaalaan dadka Mining gareeyo “Soo saaro” lacagaha crypto kuwa ku shaqeeyo nidaamka Prof of  Work Sida Bitcoin waxuuna xaqiijiyaa wax is dhaafsiga ‘transactions’ si uu ugu daro blockchainta.
  • Validator: Waa qofka xubinta ka ah Networka projectiyada ku dhsan Blockchainta kuna shaqeeyo nidaamka Prof of Stake sida Eth, Sol, Ada waxuuna hubiyaa ‘verified’ is dhaafsiga si uu u xaqiijiyo ugana daro Block-ga.
  • Transaction: waa macaamilka ay is dhaafsadaan labo qof taasoo lagu kaydiyo xogtooda Block Chainta.
  • Gas Fee: waa qarashka ay qaataan ‘Nodes’ dadka xubinta ka ah network Block chain, fududeeyo macaamilka hubiyana wax la isdhaafsanaayo tusaale Bitcoin miners.
  • Hash: Waa number gaar eh taasoo loo sameeyo xog walibo oo is dhaafsi si loo hubiyo amniga iyo in aan xogta wax laga badelin.
  • Ledger: Waa diwaan digital ah, waxuuna ilaaliyaa dhamaan xogta la is dhaafsadey lagu kaydiyay Block-chainta.
  • Immutable: Waa sifo u gaar ah Blockchainta, waxaana loola jeedaa markii uu block-ga xirmo in aan wax laga badeli Karin sida in wax laga tir tiro ama xog kale lagu daro.
  • Cryptocurrency: Waa lacago digital ah kuna shaqeeyo Block chainta aan lahayn cid dhexe oo maamusho sida Banki ama shaqsiyaad, is dhaafsikoodana waxaa lagu kaydiyaa Block chainta.
  • Coin: Waa lacag Crypto leh Block chain iyada u gaar ah, sida Bitcoin, Ether, Sol, Xrp, Ada, Sui, Ton, Avalencha.
  • Token: Waa “Digital asset’ hanti digital ah ama lacag crypto lagu dul dhisay Block chain hori u jiray Sida ERC-20 Tokens, Eth Block chain.
  • Peer-to-peer(P2P): Waa hanaan ay labada qof si toos wax isku dhaaf-sanaayn iyagoo aan u baahan cid dhexe ‘intermedia’s’.
  • Wallet: Waa boorso digital ah aan jirin cid dhexe oo maamusho taasoo ku kaydsan kartid lacagaha crypto, aadna ka diri kartid ‘Send’ laguna soo diri karo ‘receive’.
  • Public key: Waa furahaaga guud kaasoo aad isticmaalaysi marka lacag laguu soo diraayo ama waa address wallet-ka uu ku siinaayo.
  • Private key: Waa furahaaga gaarka eh kaasoo aad ku maamulanaysi boorsadada digitalka.
  • BitCoin (BTC): Waa lacagtii ugu horaysay ee Cryptocurrency, waxayna soo baxday 2008 ilaa 2009, waxaana ka dambeeya koox isku magacaawday “Satoshi Nakamoto”.
  • Ethereum (ETH): Waa lacag Crypto leh Block chain iyada u gaar ah waxayna taagertaa ‘Smart Contract’ iyo ‘Decentralized Application’ waxaana lagu dul dhisi karaa lacago kale.
  • Smart Contract: Waa heshiis digital ah oo ka dhaxeeyo labada qof ay wada galaayo, waxaana lagu kaydiyaa xogtiisa Blockchainta.  
  • Consensus Mechanism:  Waa hababka kala duwan ay adeegsadaan xaqiijiyaasha wax is dhaafsiga, sugo amaanka Block chain, waxaa ka mid ah Prof of Work, Prof of Stake, Prof of History.

Sidee ayuu u shaqayaa Block Chain?

Tusaale, Cali iyo Gelle waxay is dhaafsadeen bitcoin, Cali waxuu u diray Gelle 10 BTC, inta aysan gaarin Gelle ka hor waxaa xaqiijinaayo ‘nodes’ miners-ka bitcoin ku jiro shabakada, kolka ay hubiyaan ka dib waxay abuurayaan Block cusub oo lagu kaydiyo transaction ‘wax is dhaafsigaas’ waxaa samaysmanaayo chain ‘Sil silad ku xerayso block-ga isaga ka horayay, ka dib waxaa lagu faa’finayaa wax is dhaafsigaas dhamaan nodes ‘computerada xubinta ka ah shabakada’ marka ay ansixiyaan xogtaas, Block halkaas ayuu ku xermayaa oo dib dambe wax lagama badali karo immutable, waxaana xogtaas laga heli karaa Bitcoin Blockchain Explorer.

Lacag walibo oo crypto ku dhisan Blockchain ama lagu dul dhisay lacag leh Blockchain sida Eth, sidaas aye u shaqaysaa, xogtoodana loo kaydiyaa balse waxay ku kala duwan yihiin nidaamyada ay adeegsanayaan ‘consensus mechanism’.  

Halkaan ka baro Coursada Crypto bilaaw ilaa dhamaad

Leave a comment