LACAGO AAN
LA TAABAN KARIN

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

Register Form

Si sharfan oo maamuusan uga soo qeyb gal kulanka

Intii uu aadanuhu noolaa, dhaqaaluhu wuxuu ahaa laf-dhabarta nolosha. Dhaqaale la’aantu waxay keensanaysay colaad, sinnaan la’aan, dil, iyo xad-gudubyo joogto ah.

Dhibaatooyinka dhaqaalaha ee soo jireenka ah sida sicir-bararka, hoos-u-dhaca qiimaha lacagta, iyo awood xad-dhaaf ah ee ay hay’adaha dhexe haystaan (Central Authority), waxay muddo dheer ahaayeen arrimo laga dayriyo. 

Nidaamka dhaqaalaha ee caalamiga ah wuxuu u muuqday mid aan dadka caadiga ah u adeegaynin, isla markaana ay adagtahay in la isla xisaabtamo. 

Arrimahan waxay si gaar ah u soo jiiteen dareenka dhaqaalyahanno, cilmi-baadheyaal, iyo hal-abuurayaal teknoolojiyeed, kuwaas oo is weydiiyay su’aal adag: Ma jirtaa waddo kale? Ma suuragal baa in la dhiso nidaam dhaqaale oo furan, dadku si toos ah iskula macaamili karaan, lagana takhaluso dhexdhexaadiyayaasha, oo aan marar badan u adeegaynin danaha guud?

Dadaalo badan kadib, su’aashii waa loo helay jawaab, waxaana u helay “Satoshi Nakamoto“.

Sanadkii 2009-kii waxaa markeedii ugu horraysay la abuuray lacag loogu magac daray Bitcoin, oo aan nooceeda hore loo arag, oo aan cidna hoos imanaynin, oo gabi ahaantii madax-bannaan, oo ay dadku u siman yihiin, oo aysan cid gaar ah raacsanayn.

– Hordhaca Buuga

FAQ

Su'aalo koob-kooban oo ku saabsan kulanka, iyo sida uu u dhacayo
Waa maxay event-gan, ama bandhigan?

Waa bandhig lagu daah-furaya dhiganahan “Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad”, oo uu qabanayo Gelle Bashir.

Waa kulan aqooneed iyo is-dhexgal bulsho, laguna soo bandhigi doono dulucda buugga, waxaana jiri doona dood furan, su’aalo iyo jawaabo, iyo fursad lagu dhisayo xidhiidho wax-ku-ool ah.

Maya, waa gabi ahaantii bilaash. Waa bandhig daahfur, oo loogu talagalay buugga, laguna kulmayo qoraagiisa, iyadoo sidoo kale la isweydaarsanayo aqoon iyo khibrado kala duwan oo isku dhafan.

Kulanku wuxuu fursad u yahay in la dhiso xidhiidho cusub, la isdhexgalo, lana kobciyo fahamka ku saabsan mowduuca buugga ee crypto-da.

Event-gu waa bilaash, qof walbana wuu u furan yahay, hasa ahaatee wuu xaddidan yahay, sidaa darteed waa in hore la isku diiwaan galiyaa.

Markaad kasoo qayb gasho event-gan, waxaad filan kartaa:

    • La kulan qoraaga: Gelle Bashir oo si toos ah su’aalo uga jawaabaya.
    • Buuga oo saxiixan: Fursad aad ku helayso buugga “Crypto: Kacdoonka Qarniga 21-aad” oo uu qoraagu kuu saxiixayo.
    • Soo-bandhigid kooban: Warbixin kooban oo ku saabsan sida loo fahmo, loona faa’iideysto crypto.

Kulanku waa mid ka dhacaya magaalooyinka waa-weyn ee ay Soomaalidu degto, sida Nairobi, Muqdisho, Hargeysa, iyo Garoowe.

Waxaa sidoo kale suurtagal ah in bandhiga si online ah looga qeyb gali karo, si dadka aan joogin goobahaas ay fursad ugu helaan inay ka faa’iidaystaan. Hasa yeeshee wali maynaan taas go’aamin.

Kulanka ugu soo horreeya :

Taariikhda: ...
Goobta: ...
Waqtiga: ...

Si fudud, buuxi foomkan aad dusha sare ku soo aragtay, oo gali magacaaga, email-kaaga rasmiga ah, si loaguugu soo socodsiiyo wixii Update ah, iyo magaalda aad nagala soo qeyb gali doonto.

Fiiro gaar ah: Maadaama uu kulanku yahay bilaash, waxaa suuragal ah in ay hore u buuxsamaan, sidaa darteed hore isku diiwaan gali, oo hubso kursigaaga.

Haa, waad keeni kartaa, laakiin ugu horrayn hubi in uu qof waliba iska diiwaan galiyo, si aan loogu waayin boos.

Waxaa suuragal ah in qeyb ka mid ah event-ka lagu baahiyo live barta YouTube ama Facebook ee Gelle Bashir, laakiin dadka kasoo qayb gala goobta ayaa heli doona waayo-aragnimada buuxda iyo la sheekaysi toos ah.

Haddii aad qabto su’aalo dheeraad ah, waxaad nagala soo xiriiri kartaa:

Email: info@gellecrypto.com
WhatsApp: +252 90 5582 875