">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ka waran hadii lagu dhaho saadaali sida uu noqon karo tartan ka dhaxeeyo 8 billion oo qofood doonayaan in ay qaybsadaan 21 Million!

Waa tartan mucjisadiisa wato, kaasoo qof walibo fahmay habkuu u shaqeeyo dhaqaalaha caalamka, doonaayo in uu maalgashto si uu bari ugu faa’ido, tartankaas waa BTC ‘Bitcoin’- ‘The Digital Gold’ ama Digital Reserve.

Ma ahan mid kaliya ku kooban tartankaan dadka caadiga ee waa mid ay ku hardamayaan dowladaha waa wayn, institutionada dhaqaalahacaalamka maamulo, miners ‘dadka ka qaybta ah shabakada bitcoin, tech-companies saamaynta ku leh caalamka sida micrsoft, Googale, Apple, Whales Billionarada caalamka iyo ETF-yada. koox walibana waxa ay doonaysaa in ay gacanta ku dhigto noqotana cidda ugu badan ee haysto bitcoin-ka.

Hadaba waa kuwee waadamada haysto Bicointa ugu badan? The Bitcoin holding countries.

Maraykanka waa wadanka haaysto inta ugu badan BTC, waxaana lagu qiyaasaa inta u maalgashan 207 kun xabo, maalin kastana dowlada maraykan waxay ku jirtaa sida ay u kordhin laheed kaydka BTC ay haaysato, Sannadkaan aan ku jirno ee 2025 bisha Marso 6-dayda. madaxweyne Donal Trump waxuu saxiixay sharciga Strategic bitcoin reserve kaas oo dhigaayo in dhamaan Gobalada maraykan ee 50 ka ah kayd qaran BTC lahaadaan. waxaa ku soo xego wadanka kala dhaxeeyo U.S tartanka ugu xoogan dhanka dhaqaalaha ee china waxaana u maalgashan BTC lagu qiyaaso 194 kun, wadanka 3aad ay haaysta inta ugu badan BTC, waa boqortooyada ingriiska waxaana u maalgashan 61,000, Russia waa wadanka afaraad ee haaysto tiro badan oo BTC, inkastoo aan hada laga ogayn tirade saxda eh ee u maalgashan, balse waxa uu qayb ka yahey tartankaan waana wadanka ay joogaan Miners-ka ugu badan caalamka marka laga soo tago maraykan waxayna soo saareen “mining” sanadkaan 2025 BTC lagu qiyaaso tiradeeda 54 kun oo xabo. Wadanka Ukrain waxaa u maalgashan uu haystaan tiro lagu qiyaaso 46,351 oo BTC, wadanka Bhutan waxuu haaystaa tiro dhan BTC 13,029 wadanka ka yaabiyay aduunka ee El Salvador waxa uu caalamka tusiyay in BTC xalin karto wadan uu ka jiro dhaqaalo burbur waxaana u maal-gashan tiro dhan 6,089 BTC. una dhiganto hada $550 million.

wadamada kale ee u maalgashan Bitcointa ugu badan aan laga haayn tirade saxda ay haystaan, waxaa ka mid ah Finland, turkey, Germany, UAE, Bhutan, Saudi Arabia, Qatar.

Xigasho: BitcoinTreasuries.com

Sidee ayee u kala haystaan company-da Mining gareeyo BTC?

Mining gareeynta bitcoin waxay iskugu jirtaa mid dad gaar ah mining sameyaan iyo mid Companyo mining sameyaan, waqtigii ay bitcoin cusbeed way fududeed in lagu sameeyo mining sababtoo ah kaliya waxaa qofka ka xigtay si uu qayb ugu noqdo network Bitcoin in soo degsado software “Bitcoin protocol” ka soo iibsado qalab hardware helana koronta joogta ah 24/7 maalmood, balse waqtigaan way adagtahey in shaqsi caadi ah uu noqdo Bitcoin Miner, sabta oo ah waxaa loo baahanyahey koronto awood badan iyo qalab hardware qaali ah sida Asti miner s19 pro iyo Avalon Miner 1246, waxayna u qaybsantaa habka loo mining gareeyo BTC labo nooc oo kala ah Solo Mining iyo Pool Mining.

Solo Mining, habkaan waxaa samayn karo shaqsi caadi oo qayb ka ah network bitcoin, si uu mining u sameeyo uguna guulaysto tartanka xerida block-ga, hadii uu ku guulaystana waxa uu helayaa 3.125 BTC, halving u dambeeye.

Pool Mining Habkaan waxaa mining samaynaayo team isku tagey haaystaan awood koronto xoogan si ay u helaan block uguna guulaystaan xeridiisa, una qaybsadaan awaalmarinta BTC

Combanyada mining sameeyo ee haaysto bitcointa ugu badan waxaa ka mid ah; Marathon Digital Holding inc waa mida haysto Bitcoin ugu badan waxaana laga leeyahey Maraykanka waxaa u maalgashan 40,435, waxaa ku soo xegto Riot platforms inc waxayna haysataa 18,221 bitcoin. waxaa kalo oo haysato BTC-da ugu badan cleanSpark inc, Hut 8 crop  oo laga leeyahey Canada waxaana u maalgashan tiro dhan 10,96 Bitcoin, BitFuFu inc waa company mining gareeyo btc waxaa laga lee yahey Singapore waxay haaysataa 1,720 , Sos limited  waxaa laga leeyahey Chaina waxay haaysataa 676 xabo oo Bitcoin.  

Xigasho: BitcoinTreasuries.com

Sida ayey u kala haystaan ETF-yada Bitcoin?

ETFs waa shirkado u ogalaanaayo Dadka caadiga ah ay rabo inay maalgaashtaab BTC in ay iibsadaan Bitcoin iyagoo u marayaao Exchange trade fund waxaa hantidooda masull ka ah ETF-ka.

waxaa haysto Bitcoin-ka ugu badan Blackrock waxaa lagu qiyaasaa inta u maalgashan 507,636 una dhiganto dollar ahaan $52 billion, waxaa ku xego Micro Strategy uu madax ka yahey Michal Sylor waxayna haaystaa 402, 100 xabo oo BTC, Grayscale Investment oo ah company maalgashi u sameeyo dadka waxuu haystaa Bitcoin lagu qiyaaso 215,188 xabo una dhiganto dollar ahaan $20 billion. 

Etf-yadaan kale Fidelity, Ark 21share, Bitswe,invesco, franklin, Hashdex Bitcoin Etf waxay iyagana haaystaan bitcoins badan.

xigasho: coinglass

ka baro halkaan Koorsada Crypto bilaaw ilaa dhamaad

Leave a comment