Aasaasaha Binance iyo agaasimihii hore Changpeng “CZ” Zhao ayaa ugu baaqay madallada crypto inay hirgeliyaan “hab dardaaran” si ay dadka isticmaala crypto ugu gudbin karaan hantidooda dhijitaalka ah kuwa dhaxlaya marka ay geeriyoodaan.
“Waa mowduuc dadka badankood ka dhuumanayaan, balse xaqiiqadu waxay tahay: aadanuhu ma noolaan karo weligii,” ayuu CZ ku qoray baraha bulshada X.
“Madal kasta waa inay lahaataa ‘will function’ si haddii qofku geeriyoodo, hantidiisa si toos ah loogu wareejiyo akoonnada loo cayimay, iyadoo la raacayo hab qeybin uu horey u dejiyay.”
CZ wuxuu soo jeediyay in madallada crypto lagu daro hab/qaab dhaxal (will function).
Xigasho: CZ
Arrintan ayaa timid iyadoo Binance ay soo saartay akoonno cusub oo xaaladaha degdegga ah iyo dhaxal siinta loo adeegsan doono oo qeyb ka ah cusboonaysiintii June 12-keeda, taasoo u oggolaanaysa isticmaaleyaasha inay magacaabaan dhaxal-sugayaal heli kara hantidooda haddii ay dhintaan.
Marka akoon aan la isticmaalin muddo dheer, madashu waxay la xidhiidhi kartaa qofka xaaladda degdegga ah loo magacaabay. Qofkaas ayaa markaas furan kara codsi dhaxal helid ah.
Bulshada crypto oo si diirran u soo dhawaysay
Isticmaale X ah oo la yiraahdo CryptobraveHQ ayaa ku amaanay astaantan cusub inay tahay “mid aad looga fikiray.” Wuxuu sheegay in in ka badan $1 bilyan oo crypto ah ay sannad kasta khasaarayso sabab la xidhiidha dhimasho lama filaan ah iyo hannaan dhaxal la’aaneed.
Isticmaale kale oo adeegsada Uniswap12 ayaa sheegay in akoonnada Binance aysan kaliya ahayn token, balse ay hayaan hanti aan la taaban karin sidana sumcadda bulsho iyo saamayn aad u weyn.
“Tani waxay ii tahay mid ka muhiimad badan hantida lacageed,” ayuu yiri, isagoo soo jeediyay in akoonnada laftooda si buuxda loogu wareejiyo dhaxal-sugayaasha, sida lambarada telefoonka.
Ganacsade Ghazi ayaa ku tilmaamay arrintan “xaqiiqo aan la iska indho tiri karin,” halka Binn uu ku amaanay tallaabada Binance inay u dhowdahay decentralization dhab ah, isagoo xusay in dadka isticmaala ay hadda dareemi karaan kalsooni inay hantidooda si sharci ah uga tagi karaan.
Xigasho :- Binn
Maxaa ka jira baahida wasiyad crypto ah?
Qareen ku sugan Dubai, Irina Heaver, ayaa 2023-kii u sheegtay Cointelegraph in qoysas badan aysan heli karin crypto uu qof dhintay uga tagay sababo la xidhiidha hab-raac la’aan dhaxal awgeed.
Waxay sheegtay in inta badan maalgeliyeyaasha crypto ay da’doodu u dhaxeyso 27–42 sano – koox aan inta badan mudnaanta siin qorsheynta nolosha-danbe.
“Diyaarinta wasiyad ama dardaadan waa tallaabada ugu yar ee maalgashaduhu qaadi karo,” ayay tiri.
Qareen Hennessy ayaa xusay in wasiyaduhu aysan ku ekaan in la xuso jiritaanka crypto, balse ay tahay in si faahfaahsan loo qoraa tilmaamaha farsamo ee helitaanka hantidaas.
Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo