">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Dunida suuqyada maaliyadeed, laba xeeladood oo caan ah ayaa si weyn loogu adeegsadaa kobcinta hantida ito si loo helo faa’ido, maalgelinta muddada dheer iyo ganacsiga maalinta gudaheeda (day trading). Inkastoo labada habba ay ku saabsan yihiin iibsashada iyo iibinta hanti sida saamiyada ama lacagaha dhijitaalka ah, haddana way kala duwan yihiin dhanka qaab-dhismeedka, yoolka, halista iyo waqtiga la geliyo.

Waa muhiim in la fahmo kala duwanaanshaha labadaas xeeladood si qof walba uu u doorto midka ku habboon baahiyihiisa maaliyadeed. Maqaalkan waxa uu si kooban u sharraxayaa mid kasta, wuxuuna kuu fududaynayaa inaad go’aan ka gaadho midka kugu habboon.

Waa maxay maalgashiga muddada dheer?

maalgashiga muddada dheer waa istaraatiijiyad lagu iibsado hanti (sida saamiyo, ETF-yada ama lacagaha dhijitaalka ah) si loo hayo muddo dheer, badanaa sanado ama tobannaan sano. Ujeeddadu waa in laga faa’iidaysto korodhka qiimaha hantida waqti ka dib, mararka qaarna lagu daro dakhli dheeraad ah sida dulsaar ama qayb lacageed.

Maalgeliyeyaasha muddada dheer waxay aamminaan horumarka mustaqbalka ee shirkad ama hanti, waxayna inta badan ku saleysan yihiin falanqayn aasaasi ah sida baadhista dhaqaalaha shirkadda, qaabka ganacsigeeda iyo isbeddelada shirkadaha ku socda.

Faa’iidooyinka Maalgelinta Mudada Dheer

Dhibaato yar: Maadaama aan la dhex fadhin suuqa maalin walba, cadaadis maskaxeedka ayaa yaraanaya.

Kharash yar: Ganacsi yar oo la sameeyo micnaheedu waa kharash ganacsi oo yar iyo canshuur yar.

Faa’ido kuu ururaysa: Maalgelintu waxay si weyn looga faa’idaa waqti ka dib sababtoo ah kolba faa’ido yar ayaa ku kordhaysa iyada oo isu-tagta unbaa keenta hantida weyn.

Istaraatiijiyad fudud: Ku habboon dadka aan waqti badan u hayn suuqa.

Waa maxay Ganacsiga Maalinlaha ah?

Horey ayaan ugaga soo hadalnay maqaalkan.

Ganacsiga maalinta gudaheeda (day trading) waa xeelad lagu iibsado lana iibiyo hanti isla maalintaas gudaheeda, iyadoo loo jeedo in laga faa’iidaysto isbedbedelka degdegga ah ee qiimaha.

Ganacsatadu waxay u baahan yihiin inay si joogto ah ula socdaan qiimaha suuqa, wararka maaliyadda, iyo garaafyada. Waxaa la adeegsadaa falanqayn tiknikaal ah (technical analysis) sida shaxaha, tilmaamayaasha, iyo dhaqdhaqaaqa qiimaha suuqa isla xilligaas lo joogo.

Faa’iidooyinka Ganacsiga Maalinlaha ah

Dakhli degdeg ah: Waxaa suuragal ah in faa’iido laga helo maalintii iyadoo laga faa’idaysanayo isbedbedel yar.

Xakameyn: Ganacsadaha ayaa go’aaminaya dhammaan dhinacyada ganacsiga hadday tahay xilliga uu galayo suuqa iyo hantida uu ku talagalayaba.

Farqiga Ugu Muhiimsan ee U Dhaxeeya Labada

Inkastoo labada xeeladoodba ay la xidhiidhaan faa’iido raadinta suuqa, haddana way kala duwan yihiin:

Waqtiga La Haynayo: maalgashiga dheer waa mustaqbal fog; ganacsiga maalinlaha ahna waa hadda aan galo oo hadda aan helo.

Halista: Ganacsiga maalinta waa ka halis badan yahay, maalgashiga muddada dheer.

Xirfadda iyo Waqtiga: Ganacsiga maalinta waxa uu u baahan yahay xirfad iyo waqti badan, halka maalgelinta dheer ay fududdahay in la maareeyo.

Xakamaynta Dareenka: Labaduba waxay u baahan yihiin xakameyn, laakiin ganacsiga maalinta wuxuu la yimaadaa culays nafsiyeed sareeya.

Kee ayaa kugu habboon?

Doorashada saxda ah waxay ku xidhan tahay yoolkaaga maaliyadeed, dulqaadkaaga halista, iyo waqtiga aad heli karto. Haddii aad leedahay dulqaad iyo aragti fog, maalgelinta muddada dheer ayaa kugu habboon. Haddii aad tahay qof firfircoon, jecelna falanqaynta suuqyada ah, ganacsiga maalinta ayaa laga yaabaa inuu kuu shaqeeyo.

Dad badan ayaa labadaba isku dara qayb ka mid ah lacagtooda ayay si deggan u maalgeliyaan, halka qaybta kalena ay ku ganacsadaan si joogto ah.

Shaxda is-barbardhigga labada xeeladood

Shaxda isbarbardhigga labada xeeladood

Labada xeeladoodba waxay leeyihiin faa’iido iyo khasaare u gaar ah. Maalgelinta muddada dheer waxay ku saleysan tahay dulqaad iyo aragti fog, halka ganacsiga maalinta uu yahay firfircooni, xirfad iyo go’aan degdeg ah. Ka hor intaadan dooran, hubi inaad si fiican u fahanto waxa aad rabto, heerka halista aad qaadi karto, iyo inta waqti ee aad heli karto.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

Leave a comment