Iska ilaali “5-ta Qalad ay galaan dadka ku cusub suuqa Cryptocurency”
Cryptocurrency Market waa suuqa aad ugu taajiri kartid si fudud adigoo aan malaysanayn, waxa uuna soo saaraa sanad walibo millionairo. Cagsigeeda waxa aad ku qasaari kartaa hantidaada oo dhan waxaana laga yaabaa in aad ka qaato “Psychological damage”.
Hadaba maxaa xal ah?
Kaliya waxaa jirto hal qaacido oo ay ka wada siman yihiin dadka maalgashiyada ku guulaysta, taasoo ah “Learn before your investment” Baro waxa aad Maalgashanayso, waana qaladka ugu way ay sameyaan dadka ku cusub suuqyada financialka iyagoo iska indha-tira barshada kaliyana focus-ka saara faa’ida “Profit”
Hadaba Si aad ugu fogaato in aad ku qasaarto maal-gashiga suuqa, Iska ilaali 5-taan qalad!
- FOMO “fear of missing out” qaladkaan oo ah midka ugu badan oo dadka ka cusub crypto-da sameeyaan ayaa ah in ay Coin walibo ay maqlaan maalgashi ku sameeyaan iyagoo aan samayn wax baaritaan ah ayna, jecel yihiin meel walibo faa’ido laga sheego in ay joogaan, waana mida dhacdo in Scammers project u xayeesiiyaan ka dib ugu baxaan, waxaana jirto qaacido can ka ah suuqaan oo dhahayso “DYOR” – Do your own research. “Baaritaan-kaaga gaarka kuu eh sameey”. “Wax aadan baarin hadaa maalgashato, wax aadan filayn ayaad kala kulmaysaa”
- Over Investing, waa caqabad kale oo haysato dadka ku cusub suuqyadaan waana in ay sameeyaan maalgashi tiro badan, Tusaale qof ayaa maalgashanaayo Coin X, ka dib wuu la soo daadanayaa, wax yar ka dib waxa uu arkayaa project cusub oo la xayeesiinayo waxa uu isku dayaa in uu maal-gashto mashruucaas uusan ka Fagan “FOMO”, xitaa hadii uusan haaysan lacag waxa uu isku dayaa inuu soo daynsado si uu u maalgashado, marka uu kala kulmo qasaaro wayn ayuu sidaas ugu niyad jabaa suuqaan waxa uuna bilaabaa in uu dhaho meeshaan waa la isku dhacaa oo faa’ido ma taalo !.
- Putting all your funds in to one Coin, qaladkaan waa in qof-ka uu maal-gshigiisa dhan wada galiyo hal mashruuc, taasoo kaynayso in porto-foli-yahaada eber noqoto “Zero”, “ukumahaaga hal dambiil ha wada galin” waa in aad samaysaa “diversification’ oo coins kala duwan maalgshataa hadii uu mid qasaaro kan kale si aad faa’ido ugu heshid.
- Emotional trading, qaladkaan waxaa sameeyo tarders-ka ku cusub suuqaan waana labo qaab mida kowaad waa in ay sameeyaan wax la yiraahdo “panic Sell’ oo ah in uu ku dhaco qal-qal marka ay arkaan in uu suuqa soo daadanaayo ay Sell ku qabtaan iyagoo qilaafaayo strategy-yadooda u dagsaneed, mida labaad “Fomo Buying”, oo ah in ay suuqa ka galaan meel aan ku haboonayn in trade laga qaato iyagoo aan dajisanayn “Entry Strategy”.
- Ignoring Security, Qaladkaan waa mid common ah oo qof walibo crypto ku jiro, sida uu amaankiisa u ilaaliyo ay ku xeran tahey dadaalkiisa waxaana dhacdo in dad suuqaan muddo ku jiray la hacking gareeyo.
Hadaba sidee iskaga ilaalin karataa?
- Isticmaal 2FA- ‘Two factor Authenticator” oo ku xer Gmail-kaaga, Exchange-ka aad isticmaasho, Wallet-kaaga iyo Platform walibo oo muhiim kuu ah.
- ISticmaal Wallet-yada hadii aad tahey investor waxaa kuu wanaagsan in aad ku kaydsato hantidaada Col wallet ama Hot wallet-yada sida trust wallet, Ledger, Trazor iwm.
- Ha furin fariimaha ay kuu soo diraan scammers-ka “Phishing messages” waxaa dhacdo in aad aragto fariima luguu soo diraayo oo leh ku maalgasho intaas waxad helaysaa bil walibo intaas, marka aad aragto delete ku qabo dib dambe ha u fiirin oo faa’ido guarantee waligeed ma dhicin!
- Meel ku qoro oo xafid Password-yada iyo Seed phrase-ka ay wallets-ka ku siiyaan, cidna hala wadaagin.
“Sida aad isku ilaaliso, ayee hantidada u ilaalshantaa”
ka baro halkaan Coursada Crypto Bilaaw ilaa dhamaad luqadaada Hooyo
nagala soo xariir WhatsApp