4- Bitcoin kaydsiga muddada dheer(Holding) Qalabka iyo barnaamijyada loo adeegsado 2025-ka.
Sanadka 2025 inaad Hodling sameyso micnaheedu ma aha inaad furahaaga sirta ah ku aasto beerta gadaasha gurigaaga adigoo rajo ka qaba nasiib wanaag. Maanta, waxaa jira nidaam iyo qalab dhameystiran oo si gaar ah loogu dhisay kuwa haynaya Bitcoin muddo dheer.
Cold wallet iyo hot wallet: Sidee ayay hodlers-ku u kaydiyaan Bitcointooda
Heerka aasaasiga ah, hodlers-ka weli waxay kala doortaan hot wallet (internet-ka ku xiran) iyo Cold wallet (keydinta offline-ka ah).
Cold wallet — sida Ledger, Trezor, ama qalabka aan internet-ka la xidhiidhin sida Ellipal Titan — ayaa weli ah kuwa ugu habboon ee loogu tala galay kaydinta muddada dheer. Waa adag tahay in la jabsado, way fududahay in la xakameeyo, waana ku habboon yihiin dadka aan doonaynin inay taabtaan Bitcointooda muddo sanado ah.
Kuwa doorbidaya inay si fudud ku helaan Bitcoin-toodana, hot wallet-yada sida Sparrow, BlueWallet ama xitaa kuwa ku saleysan browser-ka ee ku shaqeeya Nostr ayaa si weyn ugu horumarsan dhanka amniga.
Qaar badan ayaa hadda la jaanqaaday nidaamyada multisig ama waxay adeegsanayaan aqoonsiyo dhexdhexaad ah si loo hubiyo soo-kabashada haddii xogta aad wax ka illowdo, taasoo ka dhigaysa isticmaalka mid ka sahlan sidii hore.
Kaydinta heerka hay’adaha iyo fursadaha cidda faa’iido-doonka ah
Hodlers-ka aan rabin inay si toos ah gacanta ugu hayaan — gaar ahaan shaqsiyaadka hantida badan leh iyo hay’adaha maalgashiga — waxay u leexdeen adeegyo kaydin oo la shatiyeeyay.
Barnaamijyada sida Fidelity Digital Assets, Coinbase Custody iyo BitGo waxay bixiyaan xalal kaydin oo ammaan ah oo leh waafaqnaan sharciyeed. Adeegyadani waxay inta badan la yimaadaan faa’iidooyin dheeraad ah, sida caymiska faylalka, isku dheelitir toos ah.
Laakiin arrintu keydin kaliya ma aha hadda. Sanadka 2025-ka, tiro sii kordhaysa oo hodlers ah ayaa ka dhigaya BTC mid wax soo saar leh:
•Lido, oo caan ku ah staking-ka(ku kaydinta hantida dhijitaalka ah meelo cayiman si looga helo dulsaar ama ribo) Ether, ayaa u gudbay Bitcoin, isagoo u oggolaanaya isticmaalayaasha inay ka helaan faa’iido wrapped BTC ah iyagoo aan lumin xakameynta jeebabkooda.
•Barnaamijyo sida Liquid iyo Babylon ayaa tijaabinaya moodallo staking ah oo u gaar ah Bitcoin, kuwaasoo u oggolaanaya BTC inuu sugo sidechains ama uu kasbado abaalmarinno la mid ah kuwa validators-ka iyadoo aan la adeegsanin dib-u-kireyn (rehypothecation).
•Vaults-yada T-bill ee la token gareeyay iyo stablecoins ay dammaanad u yihiin BTC ayaa hadda u suurtagelinaya isticmaalayaasha inay helaan faa’iido iyagoo weli haysanaya Bitcoin-tooda. (Tani waxay u egtahay nooca DeFi oo akoon kaydin muddo dheer ah.)
Qalabka Automatic-ga ah
Hodling maanta sidoo kale waxaa laga dhigi karaa Automatic. Adeegyada sida Swan Bitcoin iyo River Financial waxay kuu oggolaanayaan inaad dejiso iibsi joogto ah oo u shaqeeya sida dollar-cost averaging iyo soo bixin toos ah oo laguugu shubo kayd qabow(cold wallet). Dhanka kale, barnaamijyada sida Casa iyo Unchained Capital waxay bixiyaan multisig setups oo leh qorshe dhaxal qaybin iyo hab-soo kabasho degdeg ah.
Waxaa kaloo jira qalab sida Zaprite ama Timechain Calendar kuwaasoo u oggolaanaya hodlers-ka inay la socdaan kobaca hantidooda iyagoo aan si toos ah ugu xidhin wallet-yo taasoo ku habboon dadka doonaya muuqaal guud iyagoo aan ku yeelanayn faro-gelin.
Halkan ka aqriso qaybtii hore ee maqaalka
Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo