">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Suuqa saamiyada ayaa hoos u dhacay, halka doolarkuna uu gaadhay heerkii ugu hooseeyay muddo saddex sano ah Isniintii, iyadoo maal-gashadayaashu ay walaac ka muujiyeen hanjabaadaha Madaxweyne Donald Trump uu u jeediyey madaxbannaanida bangiga dhexe ee Maraykanka.

Tusmada Doolarka Maraykanka (DXY) ayaa hoos u dhacday ilaa 97.92 subaxnimadii Isniinta, taasoo ah heerkii ugu hooseeyay tan iyo bishii March ee 2022. Tan iyo bilowgii April, tusmadan doolarka ayaa hoos u dhacday qiyaastii 5%, kadib markii Madaxweyne Trump uu suuqyada caalamiga ah gilgilay isagoo shaaciyey cashuuro ballaadhan oo ku socda ku dhowaad dhammaan dalalka dunida.

Maalgashadayaasha Wall Street ayaa Isniintii diiradda saaray xiriirka Trump iyo Guddoomiyaha Federal Reserve ama bangiga dhexe ee Maraykanka, Jerome Powell, kaasoo uu madaxweynuhu ku amray in uu si tartiib ah u dhimo heerka ribada. Trump ayaa Khamiistii sheegay in “ka-qaadista xilka Guddoomiyaha” ay tahay mid aan dib loo dhigi karin.

La-taliyaha arrimaha dhaqaalaha ee Aqalka Cad, Kevin Hassett, ayaa Jimcihii warbaahinta u sheegay in madaxweynuhu uu baarayo suurtagalnimada in Powell laga eryo xilka, inkastoo uu isagu horey u magacaabay sanadkii 2018.

Doodda ku saabsan madaxbannaanida bangiga dhexe ee Maraykanka ayaa ah tii ugu dambeysay ee khalkhal gelisa maal-gashadayaasha. Saamiyada ayaa la iska iibiyey, dulsaarada deynta dowladda ayaa kor u kacday, halka doolarkuna uu hoos u dhacay toddobaadyadii u dambeeyey kadib markii Trump uu soo bandhigay qorshihiisa “cashuuraha jawaab celinta ah” ee ka dhanka ah ku dhowaad dhammaan dalalka kale.

Falanqeeyeyaasha suuqyada ayaa walaac ka muujiyey in jahawareerka ka jira suuqyada saamiyada uu lahaa in uu keeno in maal-gashadayaashu u cararaan meelo ammaan ah sida doolarka iyo bonds-ka dowladda, balse taas ma dhicin.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Maraykanka, Janet Yellen, ayaa dhawaan sheegtay in tani ay muujinayso in “maal-gashadayaashu ay bilaabeen in ay ka fogaadaan hantida ku saleysan doolarka.”

Balse maal-gashadayaashu waxay si xooggan ugu jeesteen hal meel oo ammaan ah waana dahabka. Qiimaha dahabka ayaa kordhay qiyaastii 30% sanadkan, isagoo gaaray rikoor cusub oo ah in ka badan $3,440 halkii wiqiyad Isniintii.

Dulsaarada muddada dheer ee bonds-ka dowladda ayaa si dhexdhexaad ah u kordhay duhurnimadii Isniinta. Tusaha 10-ka sano ee Treasury-ga, kaas oo saameeya ribada amaahda macaamiisha iyo ganacsiyada, ayaa haatan leh dulsaar dhan 4.39%, iyada oo uu gaadhay heerkii u sarreeyay oo ahaa 4.42%, balse dib uga soo degay gallinkii dambe ee shalay kuna soo laabtay 4.33%.

Dagaalka u dhexeeya Trump iyo Powell wuxuu saameyn ballaaran ku yeelan karaa dhaqaalaha caalamiga ah. “Waxaa la odhan karaa in xasilloonida sicir-bararka ee sannadihii la soo dhaafay ay ahayd natiijo ka dhalatay madaxbannaanida bangiyada dhexe,” ayuu qoray Paul Donovan, oo ah Madaxa Dhaqaalaha ee UBS Global Wealth Management, Isniintii. “In kasta oo siyaasadda lacagta ay tahay aalad aan aad u sax ahayn, haddana waxay leedahay awood ay ku xakameyso sicir-bararka muddo aanan fogeyn. Taasi waxay ku xirnaanaysaa kalsoonida lagu qabo bangiga dhexe. Dhisidda kalsoonidaasi waxay qaadan kartaa sannado, balse way burburi kartaa hal habeen gudaheed.”

Madaxweyne Trump ayaa mar kale hadal weerar ah u jeediyay Powell subaxnimadii Isniinta, isagoo baraha bulshada ee Truth Social ku qoray in “si dhab ah aysan jirin wax sicir-barar ah” isla markaana ku baaqay in Powell uu si degdeg ah u dhimo heerka ribada.

Go’aanka xiga ee Federal Reserve ku saabsan heerka ribada ayaa la filayaa inuu dhaco 7-da May. Mas’uuliyiinta Fed ayaa muujiyey in ay qaadan doonaan hab taxaddar leh ka hor inta aysan go’aansan in ay hoos u dhigaan ribada, iyagoo eegaya sida cashuuraha cusub ay u saameeyaan koboca dhaqaalaha iyo sicir-bararka dalka Maraykanka.

Our Courses

  • Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
  • Forex Trading A-Z Af-soomaali
  • Website Design WordPress.
  • Cisco Certified Network Associate (CCNA 200-301)
  • Dropshipping Mastery Course
  • Somali alibaba Online Course
  • MongoDB No-SQL Database
  • Ultimate react JS course
  • HTML and CSS beginner to advanced Course
  • Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
  • Facebook Ads (Digital Marketing).
  • Somali Alibaba Online Course.
  • Git and Github Course
  • Modern Javascript master Course
  • Graphic Design Course.
  • Basic Computer and Office  Mastery.
  • Premiere Pro (Video Editing).
  • Python for beginners
  • Blogging & Monetisation(WordPress).
  • E-commerce Course.
  • Tailwind CSS modern Course.
Our Services
  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing

Leave a comment