Waa maxay Coin?
“Coin” waa lacag dijitaal ah (digital currency) oo ka tirsan Cryptocurrency waxayna leeyihiin teknoolojiyada blockchain iyaga u gaar ah, waxaa loo isticmaalaa sidii lacag rasmi ah oo lagu kala iibsado,la kaydsado, laguna kaydsado hanti, ama loo diro qof kale — sida lacagta caadiga ah (dollar, euro, iwm), balse dhijitaal ah.
Astaamaha ay leeyihiin lacagaha Coins-ka
- Waxay leeyihiin blockchain u gaar ah, Tusaale: Bitcoin wuxuu ku shaqeeyaa Bitcoin blockchain, Ethereum-na Ethereum blockchain.
- Waa Lacago rasmi ah oo dhijitaal ah, Waxaa loo isticmaalaa in lagu bixiyo adeegyo, alaabo, ama in lagu keydiyo qiime.
- Waxay lacago decentralized ah, ma jirto cid dhexe oo maamusho sida Dowlada, banki ama koox gaar ah oo qof kasta ayaa ka qayb qaadan karo maamulka shabakadda (network) ay ku dhisan yihiin xogtoodana lagu kaydiyo.
lacagaha Coins ka ee Crypto ugu caansan
- Bitcoin (BTC) – waa lacagta ugu horreysay iyo midda ugu qaalisan cryptocurrency.
- Etehereum (ETH) – waa lacagta labaad ugu qaalisan cryptocurrency waxaana loo isticmaalaa smart contracts ‘in mashruucyo lagu dul dhiso’.
- Litecoin (LTC) – waa lacag leh Blockchain u gaar ah
- BNB (Binance Coin) – waxaa loo isticmaala Binance exchange.
- Solana (SOL) – waa coin ka ugu caansan cryptocurrency lehna Blockchain u gaar ah waxaana loo adeegsadaa in lagu sameeyo mashaariicda Memocoins
Maxay tahay ula jeedada lacagaha Coinska?
- Lacag-bixin Caalami ah (Payment system) – Sida Bitcoin ama Xrp loo adeegsado diris deg deg ah
- Kayd Hanti (Store of Value) – Sida Bitcoin oo dadku u arkaan “digital gold”.
- Samaynta mashaariic – Sida Ethereum iyo Solana oo Blockchains kooda lagu dul dhiso adeegyo iyo Tokens
Waa maxay Token?
Token waa shay matelo lacag ama hanti dijitaal ah oo lagu dhisay blockchain kale waxayna matali karaan wax kasta oo qiimo leh sida: lacag, hanti, xuquuq, ama adeeg. Waxaa loo isticmaalaa mashaariic kala duwan sida DeFi, NFTs, Web 3.0 iyo dApps.
Noocyada Tokens-ka
- Utility Tokens: Waxaa lagu isticmaalaa adeegyo gudaha mashruuca., Tusaale: BNB (Binance fees), BAT (advertising on Brave).
- Security Tokens: Waxay metelaan saamiyo, deyn, ama xuquuqda faa’iido ee shirkad.
- Governance Tokens: waa token loo adeegsado in lagu qayb qaato wax ka badelid lagu sameynaayo mashruuc, hadii aad haysato token-kiisa waxaa xaq u leedahay inaad bixiso cod. Tusaale: UNI (Uniswap), COMP (Compound)
- Stablecoins: WaaTokens leh qiimo joogto ah, sida 1 USDT = $1 USD. Tusaale: USDT, USDC, DAI
- MemoCoins: waa Tokens aan lahayn wax qiimo ah ku soo baxo qaab kaftan waxaana ka dambeeyo bulsho buun buunuiso. Tusaale waxaa ka mid ah DOGE, SHIP inu, Trump Coin.
- NFTs (Non-Fungible Tokens): waa Tokens gaar ah loo adeegsado qaab Arts ah. Tusaale: CryptoPunks, Bored Ape NFTs
Sidee loo sameeyaa Token?
Tokens si fudud ayaa loo abuuri karaa iyadoo la adeegsanayo blockchain sida: Ethereum (ERC-20, ERC-721, ERC-1155), BNB Chain (BEP-20), Tron (Trc-20) Solana, Polygon, Avalanche iwm
Maxay tahay ula jeedada loo adeegsado Tokens-ka?
- in lagu hormariyo mashaariic: Waxaa loo adeegsan karaa in lagu suuq geeyo Dex, Cex, DApps, DeFi, GameFi, iwm.
- in lagu bixiyo abaal marino: Tokens waxaa lagu siin karaa dadka mashruuca taageera (airdrops, staking, iwm).
- inay matalaan adeeg ama hanti: Shirkad bixiso adeeg bulsho waxay samaysan kartaa Token iyada u gaar ah
Maxay ku kala duwan yihiin Coins-ka iyo kuwa Tokens

Coins Waa lacago dhijitaal ah leh blockchain u gaar ah, waxaa loo adeegsadaa lacag dirid, kaydin, iyo lacag-bixin caalami ah.
Tokens Waa hanti dhijitaal ah oo lagu dhisay blockchain kale, waxayna meteli karaan wax kasta sida lacag, xuquuq, adeeg, ama NFTs.
Waxaa jirto 5 qodob ay ku kala duwan yihiin Coins iyo Token waxayna kala yihiin:
1. Blockchain
Lacagaha Crypto ee Coins waxay leeyihiin blockchain u gaar ah, halka lacagaha Tokens lagu dul dhisay blockchain kale oo horay u jiray, sida Ethereum ama BNB Chain.
2. Ujeedada
Lacagaha Coins waxaa loo adeegsadaa sida lacaga caalami ah, la isku diro, lana kaydsado waxaana ka mid ah BTC, LTC, XRP, halka Tokens loo adeegsado qaab qaab hanti ama adeeg bixin oo kale sida utility, governance, DeFi, NFTs waxaa ka mid ah Shiba Inu (SHIB), Tether (USDT), Uniswap (UNI), Aave (AAVE).
3. Samaynta
Coins waa adag tahay in la sameeyo sababtoo ah waxay u baahan yihiin blockchain cusub., halka Tokens si sahlan loo sameeyo maadaama lagu dhisi karo contract yar oo ku shaqeeya blockchain hori u jiray.
4. Isticmaalka
Coins waxaa loo adeegsadaa shabakad dhameystiran sida Bitcoin Network, halka Tokens waxaa loo adeegsadaa mashaariic gaar ah sida DApps ama adeegyada DeFi.
5. Madaxbannaanida
Coins waa lacago madax-bannaan oo leh shabakad gaar ah sida BTC waxaa loo, halka Tokens ay ku tiirsan yihiin blockchain kale oo ay ku shaqeeyaan, tusaale USDT waa token ku shaqeeya Ethereum, Tron Blockchain iwm.
Halkaan ka baro Coursada Crypto bilaaw ilaa dhamaad