">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Suuqa lacagaha dijitaalka ah hoos ayuu u dhacay maanta

Dhaqaaqqa suuqyada crypto ayaa sare u kacay isaga oo ka falcelinaya weerarka Israa’iil ay ku qaadday Iiraan, balse tiknikaal ahaan waxaa muuqda in korodhka suuqyadu weli sii socdo.

Qiimaha guud ee dhammaan lacagaha crypto ayaa hoos u dhacay in ka badan 4% 24-kii saac ee la soo dhaafay, isagoo gaaray $3.24 trillion June 13-keeda sababo la xidhiidha weerarka Israa’iil ku qaaday Iiraan.

Dhaqaaqa 24-saac ee lacagaha waaweyn ee crypto. Xigasho: Coin360

Bal aan si dhow u eegno arrimaha hoos u dhigay suuqyada crypto maanta.

Qiimaha crypto-ga oo hoos u dhacay ka dib markii Israa’iil weerartay Iiraan

Xasilooni darrida siyaasadeed, gaar ahaan Bariga Dhexe, ayaa gilgilay suuqyada maaliyadeed ee caalamka, oo ay ku jiraan suuqyada crypto. Israa’iil ayaa fulisay hawlgal ciidan oo gudaha hawada Iiraan ah, taasoo khilaafka u sii fogeysay inuu u gudbo dagaal buuxa.

Ra’iisul Wasaaraha gumaystaha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dalkiisu weeraray xeryaha nukliyeerka Iiraan iyo bartilmaameedyo kale oo dalkaas ah, isagoo intaa ku daray in weerarradu sii socon doonaan ilaa khatarta ay iska fogaynayaan.

Hubanti la’aanta ku saabsan jawaabaha laga yaabo inay ka yimaadaan Iiraan iyo xulafadeeda ayaa sababtay in maal-gashadayaasha ay yareeyaan maalgashiga hantida khatarta leh ee crypto, taasoo horseeday hoos u dhac xooggan oo ku yimid qiimaha crypto.

Bitcoin ayaa hoos u dhacay ilaa 5.6% isagoo gaaray $102,700 ee Bitstamp ka hor intaanuu dib ugu soo laaban heerar kor u dhaafaya $104,000. Lacagaha kale ee cryptaha ayaa si ka daran u saameeyeen, iyadoo Ether uu hoos ugu dhacay ilaa $2,400 June 13-keeda, isagoo la kulmay khasaare dhan 9.4% 24-kii saac ee la soo dhaafay. XRP iyo Solana ayaa sidoo kale si weyn hoos ugu dhacay, iyagoo lumiyay 5.8% iyo 9.6%, siday u kala horeeyaan.

Lacagaha crypto ugu sarreeya. Xigasho: CoinMarketCap

Suuqyada saamiyada Mareykanka ee futures-ka ayaa sidoo kale hoos u dhacay markii warkan soo baxay.

Xigasho: The Kobeissi Letter

Dhanka kale, qiimaha bonds-ka, dahabka iyo shidaalka ayaa sare u kacay iyadoo maal-gashadayaashu ay u dhaqaaqeen hantida “badbaadada leh”.

“Qiimaha shidaalka ayaa hadda ka sareeya $72/foostadii markii ugu horreysay muddo 4 bilood ah,” ayay tiri warbixin ka timid The Kobeissi Letter June 13 oo lagu qoray X, iyadoo lagu daray:

“Suuqu wuxuu u muuqdaa mid ka falcelinaya dagaal cusub.”

In ka badan $1.1 bilyan oo lagu waayay suuqa crypto

Hoos u dhaca suuqyada crypto maanta wuxuu la jaan qaadayaa mowjad baaxad leh oo ah khasaarooyin ka dhacay suuqa futures-ka, kuwaasoo gaadhaya $1.15 bilyan 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Gaar ahaan, suuqa futures-ka wuxuu arkay khasaare weyn oo dhinaca longs-ka ah(Buy) oo gaadhaya $1 bilyan, taasoo ahayd maalintii ugu weynayd ee hal maalin lagu khasaaro hanti intaas le’eg tan iyo Feb. 25-keedii, 2025. Ganacsatada shorts-ka(Sell) waxay la kulmeen khasaare aad u yar oo ah $93 milyan.

Jaantuskan khasaaraha suuqa crypto (24 saac). Xigasho: CoinGlass

Bitcoin iyo Ether ayaa hoggaaminaya khasaaraha iyadoo lagu waayay $448.1 milyan iyo $288.4 milyan, siday u kala horeeyaan. Solana ayaa soo raacda iyadoo khasaarooyinkeeda ay gaadhayaan $52.1 milyan, halka Dogecoin iyo XRP lagu waayay $27.6 milyan iyo $23 milyan.

Baaxadda noocan ah ee khasaaraha waxay sii xoojisaa hoos u dhaca qiimaha waxayna cabsi galisaa ka maalgashadayaasha kale ee suuqa, taasoo sii kordhisa cadaadiska iska iibinta.

Dib u hagaajin tiknikaal ah?

Hoos u dhaca maanta ee suuqyada crypto wuxuu raacayaa korodh xooggan oo suuqyadu sameeyeen, iyadoo TOTAL ahaan qiimaha guud ee lacagaha crypto uu kor u kacay in ka badan 51% isagoo gaaray $3.5 trillion intii u dhaxeysay March iyo badhtamihii May.

Qiimuhu wuxuu tan iyo markaas dib soo laabtay wax yar isagoo hadda taagan $3.24 trillion. Dhaqdhaqaaqan wuxuu sameeyay shax “bull flag” ah marka la eego jaantuska toddobaadlaha ah, sida ku cad shaxda hoose.

Suuqu wuxuu sare uga baxay xariiqda sare ee bull flag-ka oo ahayd $3.35 trillion horraantii toddobaadkan, ka hor intaanu dib ugu laaban xadka calanka June 13-keeda. Haddii uu si cad uga baxo heerkan, waxaa la filayaa in korodh kale oo dhan 58% uu dhaco, taasoo qiimaha guud ee suuqa crypto gaadhsiinaysa $5.05 trillion.

Qiimaha guud ee suuqa crypto. Xigasho: Cointelegraph/TradingView

RSI wuxuu ku jiray aagga togan oo ahaa 57, taasoo muujinaysa in xaaladaha suuqu weli tilmaamayaan kor u kaca.

Dhanka hoose, haddii isbuuca la soo xiro iyadoo qiimaha uu ka hooseeyo xariiqda hoose ee calanka ee $3.1 trillion, waxaa dhici karta hoos u dhac kale oo u jihaysan dhaqaaqa celceliska 50-maalmoodka (SMA) waa xarriiqa huruudka ah ama jaallaha ah oo ah $2.75 trillion ka dibna u sii soconaya salka calanka ee $2.31 trillion.

Mararkan oo kale waa fursadaha looga faa’idaysto suuqan oo waa xilli jeebka wax walba oo raqiis ah laga buuxsado si uu kuugu jibbaarmo marka xaaladdu degto.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

Leave a comment