Muxuu ugu dhigan yahay Suuqa Kiribto booqashada Trump ee Shiinaha.

Jacfar
By Jacfar

Bishaan May ee sanadkan, indhaha caalamka waxay si weyn ugu jeedaan dhacdo weyn oo gilgishay siyaasadda iyo dhaqaalaha adduunka: booqashada rasmiga ah ee Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu ku tagay dalka Shiinaha, isagoo halkaas kula kulmay dhiggiisa Xi Jinping.

Safarkan ma ahan mid ku kooban oo keliya is-gacan-qaad iyo heshiisyo diblomaasiyadeed oo iska caadi ah, balse waa kulan xambaarsan miisaan culus oo go’aamin kara jihada dhaqaalaha adduunka.

Marka aynu eegno xaaladda uu adduunku ku sugan yahay maanta, waxaan aragnaa in isbeddelo waaweyn ay socdaan. Dagaalada ka socda bariga dhexe iyo guud ahaan xiisadaha siyaasadeed ee is-daba-joogga ah ayaa sababay in qiimaha shidaalka uu cirka isku shareero, iyadoo halkii fuusto ee saliidda ay gaartay in ka badan $102. Sidoo kale, cabsi laga qabo sicir-barar iyo in la waayo meel aamin ah oo hantida la dhigto ayaa keentay in qiimaha dahabka uu gaaro heerar ku dhow $4,600 halkii wiqiyadood (ounce). Dhacdooyinkan oo dhan waxay abuurayaan jawi maalgashi ay ka buuxdo hubanti la’aan badan.

Suuqyada saamiyada ee Aasiya iyo Mareykanka ayaa dareemaya culeys, halka maalgashadayaasha waaweyn ay baadi-goobayaan habab cusub oo ay hantidooda ku xafidan karaan. Halkan ayuu suuqa Kiribto, gaar ahaan Bitcoin, ka ciyaarayaa door aad u muhiim ah inuu noqdo “Hanti la isku halayn karo xiliyada qalalaasaha” (Safe haven asset) iyo sidoo kale hanti laga raadiyo macaash degdeg ah xiliyada ay socdaan isbedelada waaweyn.

Dagaalada Socda iyo xiisadaha Adduunka

Si aynu u fahamno saameynta kulankan, waa in aynu marka hore sawir guud ka bixinaa xaaladda dunida ee waqtigan la joogo. Sanadka 2026 waxa uu la kowsaday xiisado hubaysan iyo dagaalo xagga dhaqaalaha ah oo u dhaxeeya quwadaha waaweyn ee adduunka.

  1. Dagaalka Bariga Dhexe iyo Cunaqabateynta Shidaalka: Dagaalada ka socda bariga dhexe gaar ahaan midka u dambeeyaya ee u dhaxeeyo Maraykanka/Isreal iyo Iran oo dhinac ah, wuxuu saameyn ba’an ku yeeshay marinada ganacsiga caalamiga ah si gaar ah Marinka Hormuz, waxaana hoos u dhac ku yimid xaddiga shidaalka ee loo iibgeeyo suuqyada caalamka. Tani waxay dhalisay in qiimaha uu qaaliyoobo, taas oo toos u saameysa warshadaha waaweyn iyo gaar ahaan shirkadaha qoda (Mining) lacagta Bitcoin.
  2. Xiisadda Taiwan: Intii uu socday kulanka Trump iyo Xi Jinping ee Beijing, madaxweynaha Shiinaha ayaa si cad u diray digniin culus oo ku aadan arrinta Taiwan, isagoo sheegay in faragelin kasta ay sababi karto “Isku dhac toos ah” oo dhexmara Mareykanka iyo Shiinaha. Hadalkaas oo qura ayaa ku filnaa inuu ruxo suuqyada saamiyada ee Aasiya, isagoo cabsi geliyay maalgashadayaasha.

Dhamaan arrimahan waxay abuureen fowdo dhaqaale. Marka ay xaaladdu sidaas tahay, lacagaha dawliga ah sida Doolarka iyo Yuanka Shiinaha waxaa ku yimaada isbed-bedel.

Muxuu kulankan ugu dhigan yahay Suuqa Kiribtada?

In kasta oo ajandaha rasmiga ah ee kulanka Trump iyo Xi uusan ahayn mid gaar u ah Kiribto, haddana dhacdo kasta oo dhaqaale oo dhexmarta labadan dal waxay leedahay mowjado saameyn oo toos u gaarta suuqaan dhijitaalka ah. Inta ay socdeen wada-hadalada Beijing, qiimaha Bitcoin ayaa muujiyay kobac gaaraya ilaa 2.3%, isagoo gaaray heerka $80,800.

- Available -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now

A. Aragtida Maalgashadayaasha

Suuqa Kiribtada waxa uu inta badan ku dhaqaaqaa dareenka iyo rajada dadka. Booqashada Trump waxay dhalisay rajo ah in la gaaro heshiis xabbad-joojin dhaqaale oo u dhaxeeya labada dal. Haddii Mareykanka iyo Shiinaha ay isku afgartaan in la khafiifiyo canshuuraha iyo xayiraadaha ganacsiga, waxay keenaysaa in koboca dhaqaalaha caalamka uu soo naqaaso. Maalgashadayaashu waxay helayaan kalsooni ay lacagahooda ugu weeciyaan hantida halista wadata laakiin faa’iidada badan bixisa, sida Bitcoin, Ethereum, iyo lacagaha kale ee Altcoins-ka.

2. Xiriirka Doolarka iyo Bitcoin

Waa xeer dhaqaale oo soo jireen ah in marka uu doolarka Mareykanka qiimihiisu hoos u dhaco ama la filayo in hoos u dhac ku yimaado, maalgashadayaashu waxay iibsadaan hanti kale si ay awoodooda wax-iibsi u xafidaan. Wada-hadaladan diblomaasiyadeed waxay dad badan tuseen sawir ah in daciifnimada doolarku ay sii socon karto, taas oo dhiirigelisay in suuqa Crypto uu helo lacago cusub oo la soo geliyo. Intaa waxaa dheer in xiriirka ka dhexeeya suuqa saamiyada tiknoolajiyadda ee Nasdaq iyo Bitcoin uu noqday mid aad isugu dhow. Sidaas darteed, guul kasta oo ay gaaraan shirkadaha tiknoolajiyadda Mareykanka xilligan, waxay toos u anfacaysaa Crypto, gaar ahaan Bitcoin.

Arrin kale oo si weyn ugu xiran kulankan waa silsiladda saadka qalabka wax lagu soo saaro. Inkastoo macaamiisha caadiga ah ay arkaan kaliya iibsiga iyo iibka, in nidaamka Bitcoin uu shaqeeyo waxay u baahan tahay mashiino waaweyn oo awood badan oo loo yaqaan ASIC miners.

Mashiinadani si loo sameeyo waxay u baahan yihiin qaybo yaryar (Microchips) iyo “Macdanaha Dhifka ah” (Rare earth minerals). Shiinaha ayaa maamula qaybta ugu weyn ee macdanahan laga helo adduunka. Haddii wada-hadalada Trump iyo Xi ay ku dambeeyaan fashil ama la isku afgaran waayo, waxay keeni kartaa in mashiinada qodista kiribtada ay aad qaali u noqdaan ama silsiladooda saadka ay go’do. Tani waxay caqabad ku noqon doontaa shirkadaha waaweyn ee qoda Bitcoin (Bitcoin Miners) ku yaala Waqooyiga Ameerika.

Taas beddelkeeda, heshiis laga gaaro in si xor ah loo iibgeeyo macdanahan waxay xoojin doontaa awoodda wax soo saar ee shirkadaha sameeya qalabka dhismaha shabakadda Blockchain-ka Bitcoin, taasoo deganaansho iyo kobac siinaysa guud ahaan suuqa Crypto.

Maalmahan iyo toddobaadyada soo socda ayaa caddayn doona in kulankani uu u gogol xaarayo dib-u-kobac xooggan oo ku yimaada hantida dhijitaalka ah ama uu horseedi doono dhibaatooyin cusub iyo hoos u dhac soo food-saara dhaqaalaha caalamka.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article