Nvidia Oo Soo Bandhigtay Blackwell Ultra GPU “horaanta 2026”

Jacfar
By Jacfar

Sanadihii u dambeeyay, tartanka ku saabsan xawaaraha, wax-qabadka, iyo awoodda Garaadka macmalka (AI) waxa uu gaaray heer aan hore loo arag. Shirkadaha sida Nvidia, Intel iyo AMD waa kuwa ugu wayn dunida ay ku tartamaayo soo saarista GPU-yada (Graphics Processing Units), Nvidia waa hoggaamiyaha aan muranka galin, waxaana horey loo ogaa sida ay u burburisay suuqyadii AI-da 2023–2024 iyadoo ay ugu wacnayd taxanaha Hopper, Grace, iyo Blackwell ay ku dhawaaqday 2024.

Haddaba, horumarkaan cusub —Nvidia Blackwell Ultra, kaas oo la filayo in uu soo baxo horaanta sanadka 2026. waxa uu noqonayaa mid ka sii horumarsan Blackwell-kii hore, isaga oo lagu daray awood farsamo oo saameyn weyn ku yeelan doonta AI training, inference, gaming, data centers, iyo supercomputing.

Waa Maxay Nvidia Blackwell Ultra GPU?

Blackwell Ultra waa nooc casri ah oo ka mid ah taxanaha GPU-yada Nvidia Blackwell, kuwaas oo markii ugu horeysay lagu dhawaaqay 2024. Blackwell Ultra waxa uu noqonayaa jiilka soo socda ee lagu daray isla dhismaha Blackwell, laakiin waxa lagu soo kordhiyay:

- Advertisement -
  • AI supercomputers
  • Data centers global
  • Model-yada waaweyn ee LLMs
  • Training-ka iyo inference-ka deg-deg ah
  • Enterprise cloud AI
  • Edge AI iyo Robotics
  • Gaming high-end (marka la sameeyo nooca gaming-ka)

Blackwell Ultra waxaa loo dejiyay in uu noqdo GPU-ga ugu awoodda badan Nvidia ee 2025, waxaana la filayaa in uu ka gudbo wax-qabadkii B200 iyo B100 ee Blackwells-yadii hore.

Maxaa Ka Dhigaya Blackwell Ultra Mid Ka Duwan Blackwell-kii Hore?

Inkasta oo Blackwell (B200/B100) uu hore u ahaa GPU-ga ugu xoogga badan 2024-2025, haddana Blackwell Ultra ayaa lagu sameeyay waxyaabo muhiim ah oo kor u qaaday awooddiisa.

  • Wax-qabad (Performance) Kor U Kaca – 30% ilaa 60%

Warbixinaha warshadaha waxay soo jeedinayaan in Blackwell Ultra uu noqon doono:

  • 30% – 60% ka dhakhso badan Blackwell B200
  • 2x ka waxtar badan marka loo eego training-ka LLM-yada
  • 1.5x ka awood badan inference-ka real-time

Tani waxay keenaysaa in shirkaduhu kordhiyaan xawaaraha asaagga AI-ga iyagoo aan kordhin qarashka hardware-ka.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99$12.99Get It Now
  • NVLink 6.0 – Xawaare Isku Xidhan

NVLink waa “bridge-ka” isku xira GPU-yada si ay u wada qaybsadaan xogta si ka dhakhso badan.

Blackwell Ultra waxa uu la imaanayaa:

  • NVLink 6.0
  • Waxay gaadhi kartaa trillions bits per second
  • Waxay suurtogal ka dhigaysa in 100+ GPU ay wada shaqeeyaan sidii hal maskax

Tani waa mid muhiim u ah supercomputing-ka iyo training-ka LLM-yada ballaaran.

  • Memory Bandwidth-ka oo La Kordhiyay

Blackwell Ultra waxa la filayaa in uu isticmaalo:

  • HBM4 ama HBM3E memory
  • Capacity u dhexeysa 192GB – 256GB
  • Bandwidth ka badan 8 TB/s

Tani waxay u sahlaysaa in ay si dhakhso badan u farsameeyaan datasets aad u ballaaran.

  • Nidaamka Tamarta oo La Hagaajiyay

Blackwell Ultra waxa uu isticmaali doonaa architecture tamarta yareeya, taasoo:

  • yaraysa kulaylka
  • hoos u dhigaysa isticmaalka korontada
  • laakiin kordhinaysa wax-qabadka

Waxaa la filayaa in uu noqdo mid ka cimri iyo waxtar badan GPU-yada hadda jira.

Saamaynta Blackwell Ultra Ku Yeelan Doonto AI-ga

Nvidia waxa ay horey u ahayd maskaxda ka dambeysa horumarka AI-ga casriga ah, sida ChatGPT, Claude, Gemini, DeepSeek, Grok, iyo dhammaan LLM-yada waaweyn waxa ay ku shaqeeyaan GPU-yo Nvidia ah.

Marka Blackwell Ultra soo baxo, waxa ay beddeli doontaa dhowr arrimood:

  • Training Omnimodels & LLMs

LLM-yada sida:

  • GPT-5 (midka u dambeeya ChatGpt)
  • Gemini Ultra 3
  • Grok 3
  • Claude 4.x
  • Llama 4
  • Deepseek V3

Waxay u baahan yihiin computing aad u sarreeya.
Blackwell Ultra waxa uu siin doonaa:

  • Training degdeg ah oo jaban
  • Waxtar sare (efficiency)
  • Scalability ballaaran

Shirkadaha AI-ga waxa ay awood u yeelan doonaan in ay soo saaraan:

Model-yo ballaaran oo awood badan, Inferencing degdeg ah iyo Deployment qiimo jaban

  1. AI Inference-ka oo Degdeg Noqda

Inference waa marka model-ka la adeegsado si uu jawaab u bixiyo (sida ChatGPT markuu kuula hadlayo).

Blackwell Ultra waxa uu keeni karaa:

  • jawaabo 2x ka degdeg badan
  • latency yar
  • awood u leh in uu ka jawaabo 100+ million queries maalintii
  • Supercomputing iyo Ilaalinta Cloud-ka

Shirkadaha sida: Google Cloud, Microsoft Azure, Oracle, Meta iyo Tesla waxay aad u xiisayn doonaan Blackwell Ultra si ay u dhisaan:

  • AI Super Datacenters
  • Robotics mega clusters
  • Video Analysis systems
  • Self-driving AI
  • Digital Twins
  • Cloud LLM services

Saamaynta uu ku lahaan doono Suuqa GPU-yada, Tech Industry iyo si guud Suuqa saamiyada (Stock) iyo Crypto?  

Marka la soo saaro GPU-gaan cusub, waxa si toos ah loo arki kara isbedel suuqeed sida:

  • Qiimaha GPU-yadii hore oo hoos u dhaca

Marka Blackwell Ultra uu soo baxo:

  • Qiimaha B200 iyo B100 ayaa hoos u dhaci doona
  • Shirkadaha yar-yar waxay heli doonaan fursad qiimo jaban
  • Suuqa AI-ga wuxuu noqonayaa mid tartan xoogan ka dhex dhaca
  • Qiimaha Blackwell Ultra wuxuu ku soo bixi doonaa qiyaastii:
  • $40,000 – $60,000 (server GPU)
  • taasoo shirkado yaryar aan heli doonin
  • Shirkadaha Tartanka kula jira Nvida sida AMD & Intel oo is-badel cusub la yimaada

AMD waxay wajaheysaa tartan adag, waxayna ka shaqeynaysaa soo saarista.

  • AMD MI300 iyo MI325

Intel waxay ka shaqeynaysaa is-badello cusub.

2. Shirkadaha AI-ga Caalamka oo dhan ayaa sugaya

Shirkadaha sida OpenAI, Anthropic, Clude, xAI, Meta, Google, iyo kuwa kale ee AI-da, waxay u baahan yihiin computing badan si ay u dhisaan LLM-yada casriga ah 2026.

Waxay daneynayaan

  • Inay kordhiyaan adeegsiga AI Compute
  • Inay dhisaan datacenters awood badan
  • Inay iibsadaan GPU qaali ah.

Baahida loo qabo AI training, video generation, iyo robotics ayaa sii laban-laaban doonta.

Blackwell Ultra Ma Bedeli Doonaa Mustaqbalka AI-ga?

Jawaabtu waa Haa—si weyn.

Blackwell Ultra waxa uu noqon doonaa GPU cusub oo:

  • kordhinaya awoodda supercomputers
  • bilaaba era cusub oo AI ah
  • fududeyo LLMs aad u waaweyn
  • yareeya kharashka computing-ka
  • fura albaabyo cusub oo robotics iyo AI la xariiro
  • awoodsiinaya datacenters heer caalami ah

Horaanta sannadkaan 2026, Blackwell Ultra wuxuu noqon doonaa mid ka mid ah qalabka ugu danbeeya ee isbaddel weyn ku keena dunida tignoolajiyada—sida Hopper iyo Blackwell horey u sameeyeen.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article
Leave a Comment