OpenAI Oo Heshiis $200 Milyan Ah La Gashay Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka Si Ai-da Loogu Adeegsado Dagaalka

Jacfar
By Jacfar

OpenAI oo hadda ah shirkadda hormuudka u ah horumarinta garaadka macmalka (Artificial Intelligence), ayaa dhawaan ku guulaysatay heshiis dhan $200 milyan oo doolar ay la gashay Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka (U.S. Department of Defense, DoD). Heshiiskan wuxuu qeexayaa in OpenAI ay siiso Wasaaradda Gaashaandhigga adeegyo iyo qalab ku saleysan AI, si kor loogu qaado awooda Ciidaka milateri-ga ee Mareykanka, iyadoo la adeegsanayo Ai-da casriga ah.

Muxuu Heshiisku Ka Dhigan Yahay?

Heshiiskan wuxuu calaamad u yahay in shirkadaha tiknoolajiyada, gaar ahaan kuwa hormuudka ka ah AI, ay si rasmi ah ugu lug yeelanayaan howlaha milateri ee waddanada waa-weyn sida Mareykanka. Waxaa la filayaa in adeega AI-da ee OpenAI ka caawin doonaan milateriga Mareykanka dhinacyo badan, sida:

  1. Falanqaynta Xogta – AI-da waxay si dhakhso leh u falanqeyn kartaa xogo badan oo laga helo goobaha dagaalka, taasoo ka caawinaysa go’aan qaadashada deg-deg ah si hufan.
  2. Saadaasha Halista – Garaadka macmalka ah wuxuu saadaalin karaa khataraha, weerarada, iyo xaaladaha deg-degga ah, isagoo siinaya milateriga fursad uu uga jawaabo ka hor inta aan waxyeello dhicin.
  3. Tababarka – AI-da waxaa loo adeegsan karaa tababarka ciidamada iyada oo la adeegsanayo “simulation”, taasoo yaraynaysa kharashka iyo halista tababarka qadiimiga ah.
  4. Hawlgalka Robot iyo Drones-ka – Qalabka AI-da waxaa lagu dari karaa drones ama robot-ka si ay u sameeyaan hawlgallo ammaan iyo xakameyn leh.
  5. Horumarinta Sirdoonka iyo Tignoolajiyada – OpenAI waxay ka caawin kartaa ciidamada horumarinta qalabka sirdoonka, ay ka mid yihiin barnaamijyada lagu ogaado argagixisada iyo khataraha ka imaan kara waddamada kale.

Sababta Heshiiskan u Yahay mid muhiim ah?

- Advertisement -

Heshiiskan oo ku kacaayo $200 milyan wuxuu muujinaya sida Ai uu u noqday qayb muhiim oo ka mid ah dagaalka casriga ah. Milateriyada waddamada horumaray waxay si weyn u adeegsadaan AI si ay u kordhiyaan awooda ciidan iyo sirdoon.

Waxaa xusid mudan in OpenAI, oo ah shirkad caan ku ah horumarinta AI-da sida Chat-GPT, Sora iyo DALL·E, ay hadda awood u yeelan doonto in ay farsameyso qalabyo iyo adeegyo gaar u ah milateriga. Tani waxay ka dhigan tahay in AI ay si toos ah ugu adeegto hawlaha amniga qaranka, taas oo ah horumar weyn oo ka baxsan adeegyada caadiga ah ee ganacsi.

Heshiiskan wuxuu sidoo kale keenay dood iyo su’aalo ku saabsan isticmaalka AI ee milateriga. Khubaro badan ayaa ka digaya in aan AI-da loo adeegsan howlo milateriga balse hadii loo adeegsado ay keeni karto:

  • Khatar xasuuq – Hadii AI loo isticmaalo si toos ah fulinta hawlgallo milateri waxay dhalin kartaa dhibaatooyin culus ay adagtahay in la maareeyo.
  • Xadgudubka Sirdoonka – Adeegsiga AI-da ee milateriga wuxuu keeni karaa in xog badan oo qarsoodi ah ama sirdoon muhiim ah la ururiyo , taas oo khatar gelin karta amniga dadka caadiga ah.
  • Tartanka Ai ee Militariga waddamada Caalamka– Heshiiskan wuxuu ka dhigan yahay in waddamada kale ay sidoo kale ku dhiiran doonaan adeegsiga AI-da milateri, taasoo kordhinaysa xiisadda caalamiga.

Dhanka kale, Khubarada taageersan heshiiskaam waxay sheegeen in AI-da hadii loo adeegsado milateriga ay keeni karto:

  • Waxtar iyo Badbaado Sare – Ciidamada waxay heli doonaan qalabyo cusub oo ka caawinaya badbaadada iyo go’aan qaadashada.
  • Hawlgal Degdeg Ah – AI-du waxay awood u leedahay in ay falanqeyso xogta si dhakhso leh, taas oo kordhinaysa waxtarka hawlgallada.
  • Horumarinta Tiknoolajiyada – Heshiiskan wuxuu dhiirrigelinayaa horumarka tiknoolajiyada cusub ee AI iyo barashada xogaha waaweyn.

Sida heshiiskaan u saameyn karo mustaqbalka dagaalada Caalamka?

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99$12.99Get It Now

Heshiiskan wuxuu noqon karaa bilowga Jiho cusub oo la xiriira adeegsiga AI ee milateriga. Waxaa la filayaa in mustaqbalka dhow:

  • Ciidamada Mareykanka ay isticmaali doonaan qalabyo AI oo horumarsan kuwaasoo lagu xakameeyo hawlgallada dagaalka.
  • AI-da milateriga ay horumarin doonto sirdoonka xogta, iyadoo ka caawinaysa qorsheynta istiraatiijiyadeed.
  • Shirkadaha kale ee AI ay sidoo kale raaci doonaan talaabada OpenAI, iyagoo helaya heshiisyo la mid ah.
  • Doodaha anshaxa iyo siyaasadda ee ku saabsan isticmaalka AI-da milateriga ay sii xoogeysan doonaan.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article
Leave a Comment