Russia & China: Saaxiibtinnimada “No Limits” iyo Qiimaha Sare ee Cunaqabataynta.

Jacfar
By Jacfar

Sanadihii ugu dambeeyay, xiriirka u dhexeeya Ruushka iyo Shiinaha wuxuu gaaray heer ay labada dal ku tilmaamaan friendship with no limits—saaxiibtinimo aan xad lahayn. Weedhan waxaa dunida u sheegay Vladimir Putin iyo Xi Jinping bishii Febraayo 2022, wax yar ka hor inta aan Ruushku weerarin Ukraine. Tan iyo markii cunaqabataynta culus ee reer Galbeedku kusoo rogeen Moscow, Shiinuhu wuxuu noqday dowladdii ugu awoodda badneyd ee Ruushka ka taageerta dhinaca ganacsiga, farsamada, badeecadaha iyo qalabka warshadaha.

Laakiin warbixinno dhowaan soo baxay ayaa muujinaya arrin lama filaan ah:
Ruushka wuxuu alaabaha Shiinaha ku bixiya markup (kordhin qiime) gaaraysa ilaa 90%, halka waddamada kale ee aan cunaqabataynta saarneyn ay Ruushka siiyaan tiro aad uga hooseysa — qiyaastii 9% oo keliya.

Tani waxay dhalisay su’aalo culus, waxaa ka mid ah:
Haddii xiriirka Shiinaha & Ruushku yahay “saaxiibnimo aan xad lahayn”, maxaa Ruush looga qaadaa qiimo laban-laab ah ama ka badan?
Maxuu Shiinuhu ugu tilmaamay in uu Moscow ka helo faa’iido ganacsi oo aan horey loo arag?
Maqaalkan

Maxaa Laga Wadaa Markup-ka 90%?

- Advertisement -

Markup-ku waa kordhinta qiimaha ee badeecadaha lagu daro marka la iibinayo.
Tusaale ahaan:

  • Haddii badeeco $100 ku kacaysa lagu iibiyo $190 → markup-ku badeecadaas waa: 90%
  • Haddii $100 lagu iibiyo $109 → markup-ku waa: 9%

Warbixinta ay soo saareen khubarada suuqa caalamiga ah iyo falanqeeyayaasha xogaha suuqyada waxay muujiyeen in:

🟥 Badeecadaha Shiinaha ee Ruushka loo dhoofiyo ay kordheen qiimahooda 90% marka loo eego qiimihii caadiga ahaa.

🟩 Badeecadaha waddamada kale sida Kazakhstan, Turkey, Serbia, UAE iyo kuwo kale loo dhoofiya aan Ruushka ahayn waxay kordheen keliya 9% celcelis ahaan.

Tani waa kala duwanaansho aad u weyn oo muujinaya in Shiinuhu ka helayo Ruushka faa’iido dhaqaale oo aan caadi ahayn, isla markaana Ruushku uusan lahayn ikhtiyaar uu meel kale ku dooran karo.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99$12.99Get It Now

Maxuu Shiinaha u Kordhiyay Qiimaha badeecadaha Ruushka loo dhoofiyo?

Inkasta oo labada dal sheegtaan saaxiibtinimo aan xad lahayn, haddana ganacsigu wuxuu raacaa dan, ee ma raaco hadal siyaasadeed.

Haddaba, sababaha ugu waa weyn waxaa ka mid ah:

  1. Cunaqabataynta Reer Galbeedka oo Ruushka ka Xirtay Suuqa caalamka

Kadib markii Ruushku duulaan ku qaaday Ukraine:

  • EU, UK, US iyo dalal kale ayaa xiyiraad ku soo rogay suuqayada Ruushka
  • Badeecado badan oo muhiim u ahaa warshadaha, teknoolojiyadda, baabuurta, qalabka elektroniga & qaybaha mishiinnada Ruushka ayaa la mamnuucay
  • Shirkado badan oo reer Galbeed ah ayaa ka baxay Moscow

Natiijada:
Ruushku wuxuu noqday mid ku tiirsan waddamo faro-ku-tiris ah, gaar ahaan Shiinaha, Iiraan iyo waqooyi korea.

  • Ruushka oo Ilaa Xad Ku “Qasban” Inuu Kharashka Qaato

Ruushka hadda ma haysto:

  • Tiknoloojiyad ka timaadda Germany
  • Qalab warshado oo ka iman jiray Japan
  • Microchips ka iman jiray Taiwan
  • Baabuur iyo qalab casri ah oo ka iman jiray Faransiiska & Maraykanka

Shiinaha ayaa noqday dookha aan la beddeli karin.

Marka aad adiga tahay iibsade aan haysan fursad kale, qiimaha waa lagugu kordhin karaa adiga oo aan waxba ka qaban karin.

  • Khatarta Shiinuhu Dareemayo (Sanctions Risk Premium)

In kasta oo Shiinaha aanu ka mid ahayn wadamada cunaqabataynta saran tahay, haddana:

  • Shirkadaha Shiinaha waxay ka baqaan in ay si toos ah ugu lug yeeshaan
  • Waxay kordhiyaan qiimaha si ay uga daboolaan khataraha mustaqbalka
  • Waxay ku kordhiyeen dul-saar qiimaha badeecad kasta oo Ruushka loo dhoofiyo

Taani waxay ka dhigan tahay:

“Haddii Maraykanku nagu soo rogo cunaqabatayn, khasaaraha aan filayno ayaa ku jirta qiimaha aan Ruushka ka qaadeyno.”

  • Faa’iido Siyaasadeed oo Shiinaha Ka Helayo Ruush Daciif ah

Shiinahu wuxuu rabaa Ruush daciif ah, laakiin aan burburin, siu u uga faa’iidaysto in uu ka iibsado shidaalka iyo gaaska qiimo jaban. Arintaan Moscow waxay ka dhigaysa mid ku tiirsan Beijing

Marka dal uu ku tiirsan yahay dal kale:

Qiimaha suuqa waxaa go’aamiya kan awoodda badan leh.

Shiinaha wuxuu noqday kan awoodda sare leh.

Badeecado noocee ah ayay Saameeyeen mark-up 90%?

Inta badan qiimahan kordhay waxaa lagu arkay badeecadaha:

  1. Qalabyada elektarooniga sida:
  • chips
  • motherboards
  • semiconductors
  • processors
  • Qalabyada baabuurta (Auto Parts) Sida:
  • sensors
  • transmissions
  • braking systems
  • ECU chips
  • Qalabka warshadaha sida:
  • mashiinnada culus
  • qalabka kiimikada
  • qalabka macdanta
  • robot-ka warshadaha ka shaqeeyo
  • Qalabka isgaarsiinta sida:
  • 4G/5G routers
  • networking components
  • Qalabka milatariga ee isticmaalaan ciidamada Ruushka

Kuwani waa alaabo muhiim u ah Ruushka, gaar ahaan marka la xayiray suuqyada reer Galbeedka.

Maxay waddamada kale u kordhiyeen kaliya Mark-Up 9%?

Waddamada ay ka mid yihiin:

  • Kazakhstan
  • Turkey
  • UAE
  • Armenia
  • Serbia

Inkasta oo ay iyaguna Ruushka u dhoofiyaan alaabo, haddana:

  • Iyagu khatar yar ayay dareemayaan
  • Qiyaastii 60% badeecadaha ay u dhoofiyaan waa re-export ama third-party shipments
  • Waxay rabaan in aanay ka fogaan ganacsiga Ruushka, laakiin sidoo kale aanay lumin xiriirka Waddamada Reer-Galbeedka
  • Qiimuhu waa caadi, si aysan u abuurin shaki ama indhaha Washington iyo EU u qaban.

Shiinaha keligii ayaa awood u leh inuu kor u qaado qiimaha si weyn iyada uusan Ruushku ka caroon karin.

Ruushka Maxaa Ku Qasbaya Inuu 90% Markup Bixiyo?

Si sahlan oo kooban, Jwaabtu waxay noqonaysaa;

  • Ma haystoSuuq kale uu waxa uu doono ka iibsan karo
  • Shiinuhu waa isha keliya oo ka heli karo badeecado, qalabyo iyo teknoolojiyad heer sare ah
  • Moscow waxay ka baqaysaa in Shiinaha uu ka tago
  • Shiinuhu wuu og yahay in Ruushku ku tiirsan yahay

Waxay u egtahay arinta xiriir:

Saaxiibnimo diblomaasiyadeed — laakiin ganacsi ku saleysan dan gaar ah.

Saameynta Suuqyada Maaliyadeed ay ku yeelan karto arintaan?

Kororka 90%-ka ee markup-ka Shiinaha ku kordhiyay badeecadaha Ruushka wuxuu leeyahay saameyn ballaaran oo saameynaysa suuqyo badan oo dhaqaale oo caalami ah. Inkasta oo arrintani asalkeedu ku saabsan tahay xiriirka ganacsiga ee Moscow iyo Beijing, haddana saamaynteedu waxay gaartay ilaa suuqyada Caalamka maaliyada sida saamiyada, Forex (lacagaha qalaad), crypto, iyo xitaa suuqa tamarta.

  1.  Saamaynta Suuqa Saamiyada (Stock Market)
  • Shirkadaha Shiinaha ee chips-ka, qalabka warshadaha iyo teknoolojiyadda soo saaro waxay ka faa’iidaysanayaan qiimaha kordhay.
    Tani waxay keeni kartaa:

Koror ku yimaada dakhliga & faa’iidadooda

Qiimaha saamiyadooda oo kor u kaca, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya:

  • Semiconductors
    • Warshadaha mashiinka
    • Qalabka elektarooniga
  • Shirkadaha Reer Galbeedka, iyaga waxa saameyn ku yeelanaya:

Hoos u dhac ku yimaada saamigooda suuqa caalamka, maadaama Ruushku aanu wax ka iibsan karin

Khatarta sare ee cunaqabataynta oo kordhisa qiimaha wax-soosaarkooda

Shirkadaha Ruushka, waxaa saameynaya laba arrimood:

  1. Qiimaha wax-soosaarka oo kordhay (industry cost inflation)
  2. Hoos u dhac ku yimaada faa’iidooyinka warshadaha, gaar ahaan kuwa u baahan qalab iyo spare parts ka iman jiray Galbeedka.

2. Saamaynta Suuqa Crypto

Suuqa crypto wuxuu aad ugu nugul yahay wararka siyaasadda caalamiga ah. Qiimaha 90%-ka ee Ruushka ku bixiyo badeecadaha Shiinaha wuxay u keeni kartaa suuqa crypto dhowr saameyn:

  1. Kororka isticmaalka Crypto ee Ruushka

Ruushku wuxuu u arkaa crypto (gaar ahaan stablecoins sida USDT) inay yihiin: Hab uu kaga baxsado lacagaha qalaad ee xaddidan iyo Hab lagu fududeeyo lacagaha re-export-ka

Tani waxay kordhin kartaa isticmaalka: USDT (Tether) iyo USDC (Circle)

  1. Qiime kor u kac ku yimaada Bitcoin marka xiisadaha siyaasadeed kordhaan
    Bitcoin waxaa loo arkaa: Safe haven digital ah, Alternative currency iyo mid lagu fogaado nidaamyada bangiyada caalamiga ah.

Xiisadaha Ruushka & Shiinaha waxay kor u qaadaan qiimaha BTC  “amaan dhaqaale”.

  1. Khatarta cunaqabataynta Crypto ee shirkadaha Shiinaha

Haddii US ama EU ay ku adkeeyaan cunaqabataynta digital assets, waxay saameyn kartaa qiimaha ay haystaan shirkado ama bangiyo Shiinaha oo adeegsada blockchain payments.

3. Saamaynta Suuqa Lacagaha Qalaad (Forex Market)

  1. Rubalka Ruushka (RUB)

Qiimihiisa ayaa sii dhacaya maadaama: Ruushku uu ku bixinayo lacag badan dibadda, Kharashaadka soo dejintana ee badanayso

Ruble-ka hadii uu daciif noqda wuxuu Moscow ku qasbaa inuu sii kordhiyo ku tiirsanaanta yuan-ka Shiinaha.

  1. Yuan-ka Shiinaha (CNY)

Wuxuu sii yeelanayaa awood weyn: Ruushku waxa uu ku tiirsanaan doonaa yuan-ka inta badan ganacsiga, Arintaan waxay kor u qaadaysaa rabitaanka CNY ee suuqyada caalamka.

  1. Dollarka Maraykanka (USD)

Dollar-ku wuxuu sii ahaanayaa lacagta ugu awooda badan ee lagu sharad bixiyo marka ay jiraan arrimo halis siyaasadeed ama dhaqaale, Arrimaha noocan ah waxay kordhiyaan “risk-off sentiment”, taas oo keenta in maalgashadayaashu u wada jeestaan USD.

4. Saamaynta Suuqa Shidaalka & Tamarta

  1. Shiinaha oo iibsada shidaalka Ruushka qiimo jaban

Marka uu Ruushku bixiyo 90% markup badeecadaha Beijing waxay ku badaletaa shidaal si ka jaban qiimaha caalamiga ah.

Tani waxay Shiinaha siinaysaa faa’iido laba jibaaran

  • Qiimaha shidaalka adduunka

Waxa laga yaabaa inay saamayn ku yeelato arintaan: Kor u kac haddii Ruushku hoos u dhigo wax-soosaarkiisa ama dhoofintiisa iyo Isbeddel ku yimaada qiimaha Brent & WTI

Kororka Mark-Up 90% ee Ruushku ku bixiyo badeecadaha Shiinaha ma aha oo keliya arrin ganacsi — waa arrin weyn oo wadata

  • Saameyn geopolitics
  • Saameyn suuqyada maaliyadda caalamiga ah

Waxay sidoo kale muujinaysaa in Shiinaha uu noqday awoodda dhaqaale ee ugu muhiimsan Caalamka iyo tan ee Moscow ku tiirsan tahay, halka khubarada ka faalooda is-badelka Caalamka ay arintaan u arkaan inay tahay isbeddel weyn oo dhanka awoodda dhaqaale iyo siyaasadda.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article
Leave a Comment