Waa maxay Teknolojiyadda Blockchain?
Erayga “Blockchain” wuxuu ka kooban yahay laba eray oo isku xeran waxayna kala yihiin:
Block oo macnaheedu yahay “xirmo ay ku kaydsan tahay xog ” iyo Chain oo ah Silsilada isku xerto xirmooyinklaas “Blocks”
Marka Si guud Blockchain waa diwaan guud oo madax banaan kaasoo si Digital ah xogta u keediyo Block-yo oo mid waliba ku jirto xog gaar ah waxuuna si toos ah ugu xiran yahay Block-gii isaga ka horreysay waxaana isku xero chain ‘silsilad’.
Sidee buu u shaqeeyaa Blockchain-ku?
Blockchain waxuu u shaqeyaa Sidaan:
- Marka uu dhaco macaamil maaliyadeed sida diris lacag, isdhaafsi fariin ama samaynta mashruuc xogtaas waxaa keediya block u gaar ah.
- Block-gaasi waxaa la mariyaa nidaam xaqiijin ah (validation) si loo hubiyo in macluumaadka uu sax yahay.
- Marka la xaqiijiyo block-ga waxaa lagu daraa diwaanka guud ee Blockchain waxuuna isku xero Chain
- Marka block la geliyo, lama beddeli karo, waana mid hufan oo dad-ka arki karaan
Sidee ayuu Blockchain u saamayn doonaa Maaliyada Caalamka?
Blockchain waa tignoolajiyad wax ka beddeli doonta sida aan u keydino, u dirno, ugana shaqeyno xogta, gaar ahaan dhaqaalaha. Waa nidaam aamin ah, hufan, bixiyo adeegyada maaliyadeed oo madax baan. Meelaha uu ka saamayn doono maaliyadda caalamka waxaa ka mid ah:
- Hufnaanta iyo Daahfurnaanta (Transparency & Immutability)
Blockchain waxay bixisaa hab furan oo la socon karo dhaqdhaqaaq kasta oo lacageed. Dadka, shirkadaha, iyo dowladuhuba waxay si fudud u heli karaan diiwaannada lacagaha lagu kala wareegay. Tani waxay meesha ka saareysaa musuqmaasuqa iyo hoos u dhaca kalsooni ee nidaamka dhaqaalaha caalamka.
- Ka-bixidda Hababka Dhexe ee maaliyadda (Decentralization)
Nidaamka dhaqaalaha caalamka wuxuu ku tiirsan yahay oo maamula hay’ado sida bangiyada dhexe iyo hay’adaha kale ee maaliyadeed. Blockchain waxay meesha ka saaraysaa baahidaasi, iyadoo oggolaanaysa in dadku si toos ah isugu diraan lacag, iyaga oo aan u marin hay’ad dhexe. Tani waxay beddeli kartaa habka dhaqaale caalamka u shaqeeyo.
- Xawilaad Deg-deg ah iyo Qiimo yar (Faster & Cheaper Transaction)
Wareejinta lacagaha gaar ahaan kuwa xuduudaha ka gudba waxay qaadataa waqti badan sida isbuuc ilaa bil waxayna leedahay kharashyo badan. Teknolojiyadda Blockchain waxay ka dhigtay mid dhakhso badan, kharash yar, islamarkaana aamin ah. Tusaale ahaan, halkii lacag loogu diri lahaa qof kale ay qaadato 3 maalmood, waxaa suurto gal ah in ay ku gaarto daqiiqado gudahood.
- Lacahaha Crypto ee ku shaqeeya Blockchain oo badeli doono lacagaha Fiat ‘hadda la adeegsado’
Cryptocurrencies sida Bitcoin, Ethereum, iyo kuwa kale ee ku saleysan Blockchain waxay noqdeen hanti la maalgashado. Maanta, shirkado waaweyn ayaa aqbalaya lacagahan Crypto, halka qaar kalena ay ku sameynayaan cilmi baaris. Waxaa sidoo kale suurtagal ah in mustaqbalka ay ka mid noqdaan lacagaha rasmiga ah ee caalamka laga adeegsado.
- Amniga iyo Ka-hortagga Xatooyada Maaliyadeed
Mid kamid ah faa’iidooyinka ugu weyn ee Blockchain waa amniga sare. Mar kasta oo wax la diiwaangeliyo, ma fududa in lagu sameeyo wax ka badel. Tani waxay yaraynaysaa fursadaha khiyaanada xatooyada lacagaha, iyo been abuurka dukumiintiyada maaliyadeed. Xog kastaa waa la xaqiijiyaa oo dad waynaha ayaa wada arki kara.
- La qabsiga Dowladaha, banigya iyo Hay’adaha Maaliyadeed
Dowladaha, bangiyada, shirkadaha caymiska, iyo Hay’adaha maaliyadeed ayaa hadda bilaabay inay hirgeliyaan Blockchain si ay u horumariyaan adeegyadooda. Waxaa suuragal ah in sanadaha soo socda la arko nidaam bangk-yeed ama ganacsi oo gebi ahaan ku saleysan Blockchain.
- Horumarinta Maaliyada madax banaan (DeFi)
Blockchain waxay suurta gal ka dhigaysaa abuurista DeFi-Decentralized Finance oo ah nidaam maaliyadeed aan lahayn bangi ama Hay’ad dhexe oo maamusha ayna sharciyo u sameyso Dowlad. Dadka waxay iibsan karaan, iska iibin karaan, amaahsan karaan iskana amaahin karaan iyagoo adeegsanaya madalaha DeFi ku shaqeeyo Smart Contract laguna maamulo Blockchain-ta.
- Samaynta ay qorshaynayaan dowladaha lacagaha CBDCs ku dhisan Blockchain.
Dowlado badan ayaa bilaabay tijaabooyin ku saabsan lacagaha dijitaalka ah oo ku dhisan Blockchain inay soo saaraan (CBDCs). Tani waxay ka dhigan tahay in ay dowladuhu doonayaan maaliyadooda inay ku xakameeyaan Blockchain si ay ugu hortagaan lacagaha Cryptocurrency oo adeegsada Blockchain, waxayna arkeen dowladuhu muhiimadda ay leedahay tignoolajiyaddan.
Teknolojiyadda Blockchain waxay wiiqi doontaa mustaqbalka maaliyada dhexe, iyadoo ka dhigayso mid hufan, la heli karo, oo lagu kalsoon yahay. Inkastoo ay jiraan caqabado, haddana dunidu waxay u muuqataa mid u socota jihada ay Blockchain horkacayso. Waxaa suuragal ah in mustaqbalka, qof walba uu isticmaali doono nidaam maaliyadeed oo Blockchain ku dhisan, isagoo aan u baahnayn bangi dhexe ama hay’ad maliyadeed.
Halkaan ka baro Coursada Cryptocurrency