">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer
  1. Sababaha ay u fashilmaan wareejinta cryptuhu

Wareejinta cryptaha waxay u fashilmaan si ka badan inta dad badani fahansan yihiin, balse feejignaanta adeegsadaha ayaa badbaadin karta inta badan khasaaraha.

Inkasta oo cryptaha loo xayeysiiyo sidii nidaam fudud oo xuduud la’aan ah, haddana wuxuu noqon karaa mid niyad jab leh marka wareejintu fashilanto, iyadoo aan jirin xarun adeeg macmiil oo lagala xidhiidhi karo ama waddo fudud oo lagu saxayo khaladaadka. Dhab ahaantii, mas’uuliyadda in si sax ah loo fuliyo waxay si buuxda u saaran tahay qofka diraya.

Laakiin waxaa jira arrin wanaagsan oo inta badan fashilka waa laga hortagi karaa. Fahamka sababaha keena fashilka wareejinta cryptaha waxay kaa caawinayaan inaad iska ilaaliso khaladaadka qaaliga ah ee khasaare wayn ku soo gaadhsiin kara, si aad si wanaagsan uga dhex shaqaysato shabakadaha kala duwan, isla markaana aad si kalsooni leh ugu dirto lacagaha. Diyaargarow yar ayaa kaa badbaadin kara dhibaatooyin badan.

Cilmi-baadhis dhawaan la sameeyay ayaa muujisay in 37% dadku ay sheegeen in khataraha amniga ay yihiin caqabadda ugu weyn ee ka hor istaagta isticmaalka cryptaha ee lacag bixinta, taasoo xasuusin u ah sida muhiimka u tahay in amniga la siiyo mudnaanta.

  1. Khaladaadka caadiga ah ee wareejinta cyptaha

Hal khalad oo yar — sida cinwaan(Address) qaldan, shabakad khaldan, ama lacagtaada oo khidmaddu ka go’ayn — ayaa noqon karta mid kugu sababta khasaare weyn.

Khaladaadka ugu badan:-

Cinwaan(Address) qaldan: Macaamil, blockchain-ka lama xakamayn karo. Hal xaraf oo qaldan oo ku jira cinwaanka qofka aad lacagta u direyso waxay keeni kartaa in lacagtu lunto ama u dhacdo qof kale.

Shabakad(Network) qaldan: Tusaale ahaan, diridda USDT adigoo adeegsanaya shabakadda Ethereum halkii aad ka isticmaali lahayd shabakadda Tron ayaa ah qaladka ugu badan waana qalad caan ah. Had iyo jeer la jaanqaad shabakadda uu qofka loo diraya adeegsanayo.

Khidmad hoose: Haddii aad bixiso khidmad yar oo aan ku filneyn inay wareejinta xaqiijiso (gas fee), wareejintaadu waxay noqon kartaa mid hakata ama aan marnaba dhammaystirmayn.

Iswaafajin la’aanta wallet-yada: wallet-yo badan ma aqbalaan dhammaan tokens-ka ama blockchain-yada. Had iyo jeer xaqiiji ka hor inta aad wax dirin.

  1. Sida ay u fashilmaan wareejinta cryptuhu?

Xitaa marka macluumaadka aad geliso uu sax yahay, wareejintu way fashilmi kartaa haddii gas fee-gu hooseeyo, smart contract-gu qalad leeyahay ama shabakaddu aad u mashquulsan tahay.

Sababaha ugu waaweyn:-

Gas Fee hoose: Haddii gas-ka aad bixisay uu aad u hooseeyo, ansixiyeyaasha blockchain-ka (validators) ma aqbali karaan macaamilka inay u adeegaan.

Dhibaatooyinka smart contract-ga: Gaar ahaan DeFi, haddii codsiga smart contract-gu leeyahay cillad ama uusan fahmi karin xogta aad gelisay, macaamilka wuu ku soo celin karaa hantida.

Mashquulka shabakadda: Shabakadaha sida Ethereum, oo aad u camiran, macaamil kasta wuxuu la tartamayaa in horey isaga loogu adeego. Tani waxay sababi kartaa dib u dhac ama fashil.

Daraasad lagu eegay in ka badan 1.5 bilyan oo crypto wareejin fashilmay oo ka dhacay Solana ayaa muujisay in bot spam iyo mashquul xad-dhaaf ah ay ahaayeen sababaha ugu waaweyn.

  1. Tilmaamaha xallinta dhibaatooyinka wareejinta cryptaha

Haddii lacagtaadu aanay gaarin ciddii aad la rabtay, ha argagixin. Hubi qodobadan shanta ah:

  1. Xaqiiji in cinwaanka loo diray uu sax yahay.
  2. Hubi shabakadda la adeegsaday (Ethereum, BNB Smart Chain, Polygon, iwm).
  3. Fiiri xaaladda macaamilka adigoo adeegsanaya block explorer sida Etherscan ama Solscan.
  4. Eeg wallet-kaaga si aad u aragto haddii wareejintu wali sugayso ansixin.
  5. Xaqiiji in wallet-ka loo diruhu ay aqbalayso token-ka la diray.

Haddii aad si degdeg ah u aragto dhibaato, barnaamijyada qaar waxay kuu oggolaanayaan inaad dedejiso ama joojiso wareejinta adigoo bixinaya khidmad dheeraad ah.

Kahor Dirista hubi qodobbadan:-

Had iyo jeer copy-paste samee markaad gelinayso cinwaanka (ha ku qorin gacanta).

Hubi in cinwaanku u dhigmaayo shabakadda iyo token-ka la dirayo.

Hubi in aad haysato token-ka shabakadda (tusaale ETH) si aad u bixiso gas fee-ga.

Iska hubi in wallet-ka loo diraha aysan xaddidneyn ama aysan lahayn xayiraado saaran.

Hal khalad oo copy-paste ah ayaa sababay in ganacsade crypto ka ganacsada uu lumiyo $26 milyan oo ah ezETH, taasoo aan dib loo soo celin karin, xitaa iyadoo ay caawiyeen kooxo hackers ah oo sharciyaysan.

5. Sida La Iskaga Ilaaliyo crypto wareejin fashilanta

Talooyin:-

Dir lacag tijaabo ah oo yar ka hor intaadan dirin qadarka weyn.

La soco qiimaha gas fee-ga adigoo adeegsanaya Etherscan ama Blocknative.

Isticmaal wallet sumcad leh oo bixisa talooyinka khidmadaha iyo muuqaal hordhac ah oo macaamilka sida wax loo diro u tilmaamaysa.

Ha ku degdegin. Fashilka badan wuxuu dhacaa marka dadka ay degdeg wax dirayaan ama ay dareemayaan cadaadis.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

Leave a comment