- Khiyaanada bulshada ee suuqa cryptaha.
Dunida lacagaha loo yaqaan ‘cryptocurrency’, amniga wuxuu dhaafaa xafididda ‘wallet’-kaaga iyo ‘private key’-gaaga. Mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu sirgaxan uguna khatarta badan ee maanta wajahaya dadka isticmaala crypto waa khiyaanada bulshada (social engineering).
Halka weerarrada cyber-ka badankood loo maleeyo inay yihiin kuwo farsamo sare leh, khiyaanada bulshadu waxay beegsanaysaa dabciga bini’aadamka. Ujeedadeedu waa in dad la khiyaaneeyo si ay u bixiyaan xog sir ah ama ay u oggolaadaan gelitaan-ka wallet-yadooda.
Weerarradan ma beegsadaan nuglaanta tiknoolajiyadda, balse waxay ku saleysan yihiin qiyaano, xeelado maskaxeed iyo kalsoonida qofka. Cidda la weeraray waxay bixin kartaa xog xasaasi ah, ‘credentials’ ama xitaa lacag iyagoon ogayn.
Tani waxay u halis badan tahay crypto-ga sababtoo ah diritaanka lacagtu waa mid aan laga noqon karin, iyo maadaama nidaamka uu yahay mid aan la xakameynin, dib u helidda lacagta way adag tahay.
Xog muhiim ah: Sanadkii 2024, ‘phishing’ iyo ‘spoofing’ ayaa noqday dambiyada internet-ka ee ugu badan ee FBI-da Mareykanka laga diiwaangeliyey, waxaana dadku ku waayeen in ka badan $6.5 bilyan oo la xiriira khiyaanooyinka maalgelinta crypto-ga.
- Sida weerarka khiyaanada bulshadu u dhaco — Tallaabo tallaabo ahaan.
Tallaabada 1aad: Baadi-goobka bartilmaameedka
Scammer-ku wuxuu ka raadiyaa dad cusub baraha bulshada sida X, Telegram, Reddit iyo Discord. Waxay eegaan:
- Kuwo cusub oo weydiinaya caawimaad
- Kuwo muujiya faa’iidooyinka ay heleen
- Kuwo si kama’ ah u muujiyey ‘wallet address’ ama email
Tallaabada 2aad: Soo dhowaanshaha — Helidda kalsoonida cidda nugul
Waxay isku dayaan inay isu ekaysiiyaan:
- Shaqaalaha caawimadda ee shirkadaha (MetaMask, Binance)
- Saaxiib ama maamulaha shirkad weyn
- Shaqsi caan ka ah crypto-ga
- Waxay isticmaalaan sawirro, magacyo la mid ah kuwa asalka ah, xitaa astaan been ah oo xaqiijin ah ayay samaystaan.
Tallaabada 3aad: Dareen-gelin — Cabsigelin ama kicin degdeg ah oo Waxay kuu soo diraan farriimo degdeg ah:
- “Wallet-kaaga halis buu ku jiraa — dhaqso u dhaqaaq!”
- “Airdrop gaar ah oo dhamaanaya 5 daqiiqo gudahood!”
- “Waxaan helnay dhaqdhaqaaq shaki leh — fadlan xaqiiji akoonkaaga!”
Tallaabada 4aad: Weydiin — Soo saarista xogta xasaasiga ah Waxay ku waydiisanayaan:
- ‘Seed phrase’ ama ‘private key’ (waa halis weyn)
- Inaad gujiso link ‘phishing’ ah
- Inaad ansaxiso ‘smart contract’ khiyaano ah
- Inaad dirto lacag yar si loo xaqiijiyo akoonkaaga
Tallaabada 5aad: Bilawga dhaca
- Wallet-kaaga way faarujiyaan Markay helaan xogtaada
- Waxay isla markiiba saaraan lacagta
- Waxay beddelaan hantidaada una wareejiyaan coins qarsoodi ah
- Waxay lacagta ku dhex marsiiyaan mixers ama exchanges
Xog muhiim ah: Falanqeeye on-chain ah oo la yiraahdo ZachXBT ayaa shaaciyey in laga xaday $45 milyan oo dheeraad ah isticmaaleyaasha Coinbase bishii May 2025 — iyadoo la isticmaalayo khiyaano bulsho.
- Noocyada ugu badan ee khiyaanada bulshada ee crypto-ga
- Phishing: Websites ama apps been ah oo loo ekaysiiyey kuwa dhabta ah
- Isu-ekaysiinta: Scammers oo isu ekaysiiya shaqaale, saaxiibo ama dad caan ah.
- Giveaway scams: “Dir 1 ETH, hel 2 ETH” oo ah been la isla og yahay
- Khiyaanada jaceylka/saaxiibtinimada beenta ah in Laguugu dhowaado, laguna khiyaaneeyo inaad maalgeliso coins been ah.
- Madal maalgelin been ah: Website-yada sheegaya faa’iidooyin aan macquul ahayn
- Sababaha ay khiyaanada bulshadu ugu shaqeyso si fiican crypto-ga dhexdiisa
- Cabsigelin iyo degdegsiin
- Damac badan iyo hunguri joogto ah oo qofku is leeyahay “Degdeg lacag ku hel!”
- Aqoon la’aan amni oo Dad badan ma garanayaan sida crypto amnigiisa u shaqeeyo
- Hanti diridda aan laga noqon karin — Marka lacagta la diro, lama soo celin karo
- Sida aad iskaga ilaalin karto weerarrada noocan ah
- Ka digtoonow fariimaha lama filaanka ah
- Had iyo jeer isticmaal two-factor authentication (2FA)
- Ka fiirso link kasta — URL-ka sax ah xaqiiji
- Baro waxyaabaha lagugu khiyaani karo, dadka kalena bar
- Isticmaal hardware wallet oo ha ku keydin seed phrase-yada meel online ah
Gunaanad: Dunida crypto waa mid fursado leh laakiin qatartuna way jirtaa. Difaaca ugu wanaagsan waa feejignaan, aqoon lahaansho iyo inaad ilaaliso amnigaaga oo xitaa tiknoolajiyadda ugu caansan ma difaaci karto qof loo khiyaaneeyey si maskaxiyan ah.
Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo