">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ka hor intaynu maqaalkeena u galin waxa aynu sharaxi doonaa: waa maxay internet? Waa Maxay WWW (Web)? Waa maxay browser? Waa maxay web 1.0, Web 2.0, Web 3.0? Ka dib waxaynu u gali doonaa marxaladihii uu soo marey internet-ka, gaar ahaan webs-ka iyo marxaladaha hada la joogo.

Waa maxay Internet?

Internet Waa shabakad Caalami ah taasoo isku xerayso aalada aad adeegsanaysid (Kombuter, telephone iwm) iyo qalabka aad isticmaalaysid sida Wifi, Mobile data, satellite, waxaynu kuu suurta galinaysaa in aad booqato browsarada wax laga baaro Sida “Googale’ iyo aalada kale ee Social Media-ha.

Waa Maxay WWW (Web)?

World Wide Web Waa qayb ka mid ah internnetka waxa ayna kuu ogolaanaysaa in aad gasho mareegaha (websites) Tusaale: https://gellebashir.com/, waxayna adeegsataa hananka Https si ay kugu soo gudbiso xogta kuna soo bandhigto bogga website-ka uu leeyahay waxaadna ka daalacan kartaa qoraalada, sawirada, iyo muqaalada, adigoo ka dalbanayso waxa aad doono qaybta “Search bar-ka”.

Waa maxay browser?

Browser ama (Web browsers) Waa barnamijyada kuu suurta galinaaaya in booqato aadna daalacato Website-yada internetka, Sida Google, Firefox, Chrome, Microsoft Edge, Brave iwm. Waxayna turjumaan koodhka website-yada si ay isticmaalayaasha ugu soo bandhigaan xogta ku jirto.

Marxaladihii uu soo maray Internet-ka

Adeegsiga internet-ka waxuu bilaadey horaantii 1960-kii, kaliya waxaana adeegsan jiray waqtigaas Militeriga iyo Academic Researchs-ka, Ka dib dhamaadkii 1990-meeyadii ilaa Horraantii 2000 ayuu noqday mid Global ah (Caalami) oo waqtigaas waxaa soo baxay World wide web, waxaana loo tiiriyaa fikradaas in uu lahaa Tim Berners-Lee oo u dhashay boqortooyada ingriiska waxa uuna ahaa qabiir ku taqasuusay Computer scientist.

Hadaba Maxay kala yihiin Web 1.0, Wenb 2.0, iyo Web 3.0?

Waa maxay Web 1.0?

Waanoocii ugu horeeyay ee web-ka waxuuna ahaa mid hal jiho, sida qoraal keliya Boggaga internet-ka waxay inta badan ahaayeen kuwo ku kooban macluumaad qofka uu akhrin karo laakiin aan la falgeli karin, iyo Isticmaale xaddidan, Waxaana Kaliya xogta ku soo bandhigi jiray shirkadaha iska leh, iyadoo aan wax falcelin laga samayn Karin, Waxaana ugu caansanaa; Nexus, Internet Explorer, Opera Yahoo Directory iyo AltaVista.

Waxuuna lahaa Astaama ka dhigtay in laga guuro sida; Static Pages, boggaga website-yada waxay ahaayeen kuwo aan isbeddelin, marka laga reebo infarsamo yaqaan uu code ku beddelo mooyee.

Xog xadidan, Isticmaalayaasha waxa ay ahaayeen kuwa kaliya akhrin jiray xogta aan lahayn awood ay ku wadaagi karaan fikrado, sawirro, ama faallooyin.

Luqadaha programing loo isticmaali jiray in lagu dhiso bogoga web1.0 waxaa ka mid ahaa luqadaha HTML, CSS, iyo java, oo ahaayeen luqadihii ugu horeeyay ee programing loo adeegsado.

Website-yadii ugu Caansanaa ee la adeegsan jiray waxaa ka mid ahaa

  1. Lycos oo la aas aasay 1994 waxuuna ahaa search engine browser-kii ugu caansanaa waqtigaas la adeegsan jiray.
  2. Amazon waxaa la aas aasay 1995 waxuuna ahaa online E-Commerc-gii ugu horeeyay waxaana lagu iibin jiray waqtigaas kaliya buugaagta iyo journaalada.
  3. CNN. Waxaa la sameeyay 1995 waxayna aheed mareegtii ugu horeesay ee News-ka lagu daabici jidhay.
  4. Yahoo waxa uu la mid ahaa aaladaha social mediaha manta aan adeegsano balse aad ayuu ugu liitay tusaale isticmaalaha xog kuma soo bandhigi Karin.

Waa Maxay Web 2.0?

Web 2.0 sanadkii 2000, Waa noocii labaad ee Webka waxuuna waxbadan ka badaley habka uu internetka u shaqeyo waana midka ilaa hadda, la adeegsado, Waxa uu ku soo kordhiyay internet ka in dadka si fudud u isticmaali karaan oo ay xog ku abuuri karaan wadaagi karaan is dhexgalna ku samayn karaan, iyadoo soo gudbiyaha iyo loo gudbiyaha fikrad is dhaafsanayaan. “Comment”.    Waxa uuna la yimid astaama u gaar ah sida, Isdhexgal Isticmaalayaasha waxay awood u layeehiin in ay abuuri karaan, wadaagi karaan, oo ka falcelin karaan macluumaadka internetka ku jiro sida qoraallo, sawirro, muuqaalo, taasoo keentay inay soo baxaan aaladaha ugu caansan ee manta la adeegsado Googale Facebook, YouTube, Instagram, Twitter, tiktok iyo iwm. oo isticmaalayaasha u suurtageliyey inay si toos ah wax u soo gudbiyaan. Wikipedia oo ah mareeg caalami ah waa midka ugu caansan Web 2.0 waxayna suurta galisay in isticmaalayaasha ay wax ku qoraan kuna sameeyaan wax ka badel.

Luqadaha programing loo adeegsado in lagu dhiso Apps iyo Website-yada web 2.0 waxaa ka mid ah JavaScript, XML, PHP, iyo Python. Barnamijyada wax lagu keedsado sida Google Drive iyo Dropbox, ayee isticmaalayaasha awoodaan in ay ku gaydsadaan xogtooda, taasoo ah horumarka ugu wayn uu so kordhiyay web2.0.

Waxuu keenay web 2.0 faa’idooyin badan ay ka mid tahay, Fursado ganacsi; web 2.0 waxa uu ku soo kordhiyay in internetka laga in laga dhex adeegto oo Ganacsi shaqsiyeed Laga samaysto uu isticmaalaha awoodo in uu iibiyo Digital Products, Sida, E-book, Online Courses and Toturial, Websites Themes and Templets, Invoice templets, Blog Posts,  

Content Creation; Isticmaalayaasha ayaa awooda in ay abuuri karaan Nuxur iyagoo adeegsanaya aaladaha baraha bulshada sida YouTube, facebook Twitter Blogging TikTok iyo iwm.

Personalization and Marketing: xayeesiin shaqsiyeed shirkadaha iska leh aaladaha la adeegsado waxay bartaan hab dhaqanka macaamiilkooda iyagoo qaab xayeesiin u isticmaalo.

Tagging & Searching; fududaynta raadinta xogta, Content Creators-ka waxay adeegsan karaan hash tag ku haboon waxay soo bandhigayaan si xogtooda meel fog u gaarto.

Cagsigeeda Web 2.0 waxa uu lahaadey qasaarooyin ay ugu wayntahey khatarta Amniga iyo isticmaalka xogta macaamiilka, shirkadaha waxa ay aruuriyaan xogaha macaamiishooda iyagoo ka iibiya ganacsatada ay wax u xayeesiiyaan, taasoo keentay in developers isku dayaan xalinta dhibaatadaan, aas-aasaha Blockchain-ta Etherium network Vitalik Buterin ayaa sheegay in Ethrium uu yahey shabakad caalami ah lagu dhisi karo Dapps platform ( Decentralized Application) Apps aan lahayn cid dhexe oo maamusha xogta macaamiilkana isaga gaar u tahey. faafinta xogaha been abuurka ah barnaamijyada ku shaqeeyo Ai-ga ee Deep fake waa mid ka mid ah khatarta uu leeyahey wb 2.0.

Waa Maxay web 3.0?

Web 3.0 waa mustaqbalka internet-ka kana dhigi doono mid aan lahayn cid dhexe oo maamusha (Decentralization) taasoo isticmaalayaaha u ogalaanaayo in xogtooda ay noqoto mid iyaga gaar u ah “Ownership”.,Waxa uuna adeegsan doonaa Technologiyada Blockchain, Ai, iyo Cryptocurrency.

Nocaan cusub ee internet-ka ayaa xooga saarayaa in xogtaada adiga masuul ka tahey, taasoo ka dhigan inaadan u baahnayn in aad isticmaasho platformada sida Facebook, Google taa badelkeeda aad isticmaali doonto District iyo Brave oo xogtaada lagu kaydin doono blockchain adiga kuu gaar ah., waxuu noqon doono mid lawada la wada leeyahay, halkii kuwii hore ay maamulkeeda ku  koobnaayeen shirkado iyo shaqsiyaad. Mida ugu muhiimsan ayaa ah in Web 3.0 uu isbadel wayn ku samayn doono qaab maaliyadeedka caalamka isagoo keeni doono hanaanka DeFi, “Decentralized Finance” kaasoo fududeynaya in dadku si toos ah iskula macaamilaan iyagoo aan u baahan cid saddexaad (Third party). Waxa fursad heli doono in ka badan 2.5 billion oo qofood kuwaasoo aan haysan adeegyo bangiga iyagoo adeegsanaya lacagaha dijitaalka ah ee cryptocurrency kuwaas oo mustaqbalka badeli doono lacagaha wadamada.

Bitcoin “BTC” waa lacagta ugu horaysay ee cryptocurrency aan laheen cid dhexe oo maamusho qof walibo oo caalamkaan ku nool adeegsan karo isagoo aan u baahnayn cid sadaxaad kaliya waxa uu booqanayaa “BitcoinCore” isagoo ka samaysanaayo wallet waxa uu doonana ka iibsanaayo.

Dadka farshaxamiistiyaasha ayaa heli doono fursad iyagoo arts-kooda qaab NFT ahaan ehNon fungible Token” oo aan copy lagu samayn karin ay ku soo bandhigi karaan mareegaha sida Opensea iyo Magic aden si loogu iibsado.

La qabsiga Web 3.0 ayaa ah caqabada ugu wayn uu wajihi doono, maadaama ay yaryihiin dadka aqoonta u leh ama isticmaalo Cryptocurrency block chain, wallet iyo DApps, kuwaasoo u baahan aqoon iyo farsamo dheeraad ah, dadka hada aduunka ku nool ee adeegsada lacagahaan Dijitaalka ayaa lagu qiyaasaa in ay ka yihiin dadyowga caalamka 20%

Khatarta Amaanka, Web 3.0 waxuu ugu duwanaan doonaa labadi nooc ee ka horaysay web 1.0 iyo Web 2.0 in security-ga qofka isaga uu mas’uul ka yahey hadii ka luma ama garan waayo ay adkaan doonto in la soo celiyo.

Tusaale; qofka ayaa si fudud ku waayo karo hantidiisa dijitaalka maadaama ay ku kaydsantahey Wallet ku xeran Blockchain haddii uu qofka hilmaamo sirta wallet-kiisaa, oo ka kooban 12 ama 24 xarfood, sidaas ayey ku luntay oo dib dambe in uu u helo lagama yaabo. Waxaana jirto hadal hays can ka ah suuqa Cryptocurrency oo loo adeegsado taasoo ah “Not Your Keys, Not Your Coins” oo micnaheeda tahay hadii aadan furahaaga haysan, crypto meesha kuuma taalo”.

Madaxbannaanida iyo Maamul la’aanta, waa caqabad ugu wayn uu wajihi doono Web 3.0, taasoo aqonyahanada technologiyada ku taqsuusay ay ku doodayaan. isticmaalayaashu in ay soo gudbin karaan waxa ay doonaan maadaama aanan jirin sharci dagsan, tuugada internet-kana ayaa lacagaha ay soo dhacaan dhex marsiin karaan suuqa Cryptocurency iyagoo adeegsanaayo hanaanka lacag dhaqida (AML) Anti Money Laundering’.

ka baro halkaan coursada crypto bilaaw ilaa dhamaad

Leave a comment