">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Qaybtii 3aad.

5. Fiat Money, waa lacagaha aan maanta adeegsano waxa ay soo martay marxalado kala duwan, waxaa ugu muhiimsaneed 3 marxalado oo kala ah marxaladii bankiyada, midii dahabka iyo midii lagu kala saaray dahabka iyo lacagta, marxaladii bankiyada waxay aheed in dowlad walibo ay samaysato banki dhexe oo daabaco lacago waraaqo ah bulshada ku nool wadankaas ay aaminaan dowladuna lacagteeda ay ku jaangoyso inta dahab u kaydsan waxayna ugu duwaneed tii iyada ka horeysay ee Paper Money waxay ahayd waraaqo aan wax qiimo laheen oo boqortooyada jirto markaas siinaysi qofka si ay ugu muujiso inta dahab uu haysto waxayna ahaayeen kaliya fududeyaal oo lacag ahaan looma aaminsanayn marxaladii labaad waxay aheed markii uu dhmaadey dagaalkii 1aad iyo kii 2aad ee adduunka, waqtigaas oo dhacay dhaqaalo bur bur aad u xoogan waxaana dhacay shirkii ‘Bretton wood System’ ay isla garteen dowladihii ku guuleystay dagaalkii kowaad in lacagaha wadamada lagu xero dollar, Dollar-kana lagu jaangooyo “pegged’ dahabka oo dowlada maraykan waxaa lagula heshiiye in ay daabici karto kaliya lacag waraaqo u dhiganta inta dahab u kaydsan, marxaladaan markii muddo lagu soo dhaqmaayi ayee dowlada maraykan si lama filaan ah u shaacisay 1971 in la kala saaray dolar iyo dahab-ka  ayna dowlad walibo masuul ka tahey lacagteeda, bankiga dhexe ee maraykan “FED” uu daabici karo inta lacag waraaqo uu doono waxaana bilaabatey markaan marxalad ah in dowlad walibo bankigeeda uu daabaco inta waraaqo uu doono isagoo aan ku jaangoynayn wax dahab u kaydsan waxaana halkaas ka bilaawday sicir barar ‘Inflation’ ay dowlado badan lacagahooda ku bur bureen lacagta aduunka ugu xoogan waxay noqotey dollar oo markii horeba dowladaha adduunka isku raaceen in ay pegged u ahaato lacagahooda kuna jaan go’yeen,

Dowlada walibana waxay bilaawday in ay dhaqaalaheeda xoojiso, waraaqaha ay soo daabacdana ay ku xerto kalsoonida shacabkeeda ku qabo, waxaana halkaan ka bilaawday in dhaqaalihii uu gacanta u galo koox gaar ah shacabkana ay noqdaan adoomo u shaqeeyo lacagta, dulsaarkana uu saa’id noqdo ‘interest rate’

Waxyaabihii sababey in la kala qaado dahabka iyo dollar ka, waxay aheed arimo siyaasadeey iyo dhaqaalo is biirsadey oo markaas dowlada maraykan waxay ku jirtay dagaalo badan oo caalamka ah sida kii Vietnam, midkii kala dhaxeeye iyada iyo ruushka, iyo kii bariga dhexe, waxaana lagu jiray xiligaas dagaalkii qaboowaa bankiga dhexe ay maraykan waxa uu si hoose u daabici jirey warqo badan taasoo laga dareemay caalamka sicir bararkiisa, waxayna bilaawayn dowladihii ku heshiiye in dollarka pegged u ahaado in ay ka maarmaan ay dahab aroorsi bilaawaan, dowlada maraykan waxa ay go’aansatay in ay kala saarto dahab iyo dollarka, waxaana xiligaas bankiyada maraykan ku gaydsanaa 70% dahabka caalamka yaalay.

6. Digital money and Cryptocurrency, qarniga 21 aad, waa marxalada mustaqbalka u guuri doonto lacagta waxayna isku jirtaa labo nooc mid ay dowladi ka dambayso sida ‘CBDC’ iyo mid aan laheyn cid dhexe oo maamusho sida ‘Bitcoin’.

Balse waxaa ka horeysay marxaladaan ‘E-Money-Electronic Mney’ oo hada aad loo adeegsado waxayna aheed markii ugu horaysay ee la isticmaalo 1960, shirkadii ugu horeeye ay suurta galiyey hanaankaan lacageed waxay ahaayeen master Card iyo Visa Card waxaa markii dambe soo baxay noocyo badan sida Paypal iyo Apple pay. Markii la helay internet-ka, talefonada casriga eh ‘Smart phones’ iyo kombuterada ‘Computers’ waxay noqotay lacagta warqadaha mid sii dabar go’ayso oo dadkuna way ka maarmeen in ay lacago warqo la safraan oo waxaa soo baxay bankiyo u fududeynaayo inay adeegsadaan lacagahooda iyagoo aan haysan wax gaash ah,

Waxaa si lama filaan ah u soo baxay sannadkii 2008 ilaa 2009 lacag aan jirin cid dhexe oo maamusho aana lahayn wax xuduud ah, ‘Border less’ waxayna ku soo kordhisay dhaqaalaha caalamka is badel wayn, waxayna noqotay lacag aan ilaa hada wax fasiraad loo dhan yahey aan la hayn oo qal qal ku abuurtey lacagahii ay dowladuhu soo daabici jireen, waxayna noqotey mucjisadii ugu wayneed uu Aadanuhu sameeyo ebid waana lacagta ‘Bitcoin’-The Digital Gold, waxaa markii dambe soo baxey noocyo badan oo lacag ah iyada oo kale u samaysan waxaa markii dambe la isku dhahey lacagaha ‘Cryptocurrencies’ ‘waa lacago digital aan lahayn wax physical ah waxaana lagu soo saaraa computer’s ma jirto banki dhexe oo ka dambeeyo mana lahan wax xuduud ah oo meel walibo adduunka aad ugu nooshahey oo internet laga helaayo waad ku isticmaali kartaa waana lacagaha la filaayo mustaqbalka in ay badeli doonaan lacagha warqadaha iyo kuwa E-Money, maanta la adeegsado ay dowladuhu ka dambeeyaan.

Waxyaabaha sababey in ay lacagahaan soo baxaan waxay aheed, lacagtii ugu horeysay ee ‘Bitcoin’ oo la soo saaray 2008-2009, kana dambeyeeyn koox isku magacaabdey ‘Satoshi Nakomoto’ waxay ku sheegayn in lacagtaan ay xal u tahey sicir bararka adduunka ka jiro ay sameyaan bankiyada dhexe wadamada lee yihiin sida ‘FED, iyo ECB’, Waxaana xiligaas adduunka ka jiray dhaqaalo bur burkii waynaa ee “Great Recession” kaasoo sababey in bakiyo badan ay musalufaan uu ka mid yahey bankiga ‘Lahmen Brothers’ dhaqaalaha caalamkana uu dhulka galo, kalsoonida shacabka ay ku qabeen lacagaha warqadaha ay dowladuhu sameyaan uu hoos u dhaco, waana Sabata ‘BTC’ iyadoo aan 20 sanno gaarin qiimahaan u yeelatey, waana marxalada aan hadda joogno oo lacagtii ugu dambeysay aduunka ku soo kordho la isku raaco.

Mustaqbalka Lacagta

Is badelka xowliga uu ku socdo technologiyada iyo la qabsiga Aadanuhu waxay kayni doontaa in is badel wayn uu ku dhaco dhaqaalaha caalamka, waxaana la rajeynayaa in lacagaha warqadaha laga maarmi doono ‘Free Cash less societies’ ay bulshooyinkana noqon doonaa kuw lacag waraaqo aan adeegsan.

Nidaamka ‘CBDC’ Central Bank digital currency, ay dowladhu doonayaan in ay ku badalaan lacagahooda caadiga ah, waxaa laga yaabaa in uu noqdo lacago rasmi ee la isticmaalo, waana lacago ku dhisan block chain ay ka dambayso banki dhexe. ‘Private block chain’.

Ai & Cryptocurrency, korarka garaadka macmalka iyo lacagaha xooliga ku socdo ay crypto waxaa laga yaabaa in ay bedali doonaan ‘plastic cards’ card-yada la adeegsado ay bankiyada ka dambayaan sida master card iyo visa card iyo E-Money kuwaasoo fududeeyo in loo adeegsado online-ka.

halkaan ka aqriso qaybtii 1aad

halkaan ka aqriso qaybtii 2aad

Ka baro halkaan coursada Crypto bilaaw ilaa dhamaad

Leave a comment