Suuqa walibo oo maaliyadeed waxa uu leeyahey ‘terminology’ erayo isaga u gaar ah loona adeegsado, oo mar walibo aad maqasho eraygaas waxaa muhiim ah in aad fahanto micnaha uu ku joogo suuqaas, dadka ka shaqeysta suuqyada maaliyada tusaale cryptocurrency waxaa jiro erayo ay isla yaqaanaan ayna ku cabiraan xaaladaha uu suuqa maraayo waa kuwaan erayada ugu muhiimsan suuqa crypto.
- Crypto; waxaa loola jeedaa xog mahladahan ‘Privacy’ waxaana laga keenay asalkeeda cryptography.
- Currency: Waa nooc ka mid ah lacagta, micnaheeduna waxaa loo adeegsadaa lab qof iyo ka badan waxay is dhaafsan karaan.
- Cryptography: waa nidaam la adeegsado si loo qariyo xog, loona ilaaliyo amaankeeda si uusan u helin qof aan lagu tala gallin, marka xogta la qarinaayo waa ‘Encryption’ marka xogta la soo bandhigaayana waa ‘Decreption’.
- Block chain: Waa nidaam guud oo la isticmaalo si lagu keediyo xog ayna noqoto mid daah furan ‘transparency’ aan lahayn cid dhexe oo maamusho ‘decentralization’ waana meesha ay ku dhisanyihiin lacagaha crypto laguna keydiyo xogahooda.
- Public Key: Waa furaha guud oo qof walibo isticmaali karo si uu crypto kugu soo diro ama waa address-kaaga.
- Privite key: waa furuhaaga gaarka eh, kaasoo aad ku ilaalsanaysid crypto-daada ama waa furuha sirta account-kaaga
- Wallet: waa boorso digital ah aad adiga u madax banaantahey maamulkeeda, waxaadna ku kaydsan kartaa crypto-daada, kuna diri kartaa laguna soom diri karaa.
- Exchanges: Waa suuqyada laga iibsado lacagaha crypto, ama waa halka ay ku kulmaan buyers iyo Seller-ka si ay wax isku dhaafsadaan
- CEX: Centralized Exchange, waa suuqyada gaarka loo leeyahhey oo la waydiinaayo xog isticmaalayaasha rabo inay crypto ka dhex iibsadaan waxaana ka mid ah Binance, Bybit, Coinbase.
- DEX: Decentralized Exchange: waa suuqyo furan aan lahayn cid dhexe oo maamusho lagaama rabo xog si aad u isticmaasho adiga ayaa iska masuul ah inta aad doonto oo crypto ayaa ka iibsan kartaa iskana iibin kartaa.
- Bitcoin: waa lacagtii ugu horeysay ee crypto, waxaana la aas aasay 2009, waana ‘peer to peer’ oo loola jeedo marka la is dhaafsanayso cid saddaxaad looma baahno.
- Stashi Nakomoto: waa kooxda ka dambaysay lacagta Bitcoin ilaa hadda lama og waxay yihiin shaqsi ama group.
- Mining: Waa hanaanka lagu soo saaro lacagaha crypto wayna kula duwan yihiin hababka ay isticmaalan waxaana ugu caansan Pow & Pos.
- Pow: prof of work, waa habka la adeegsado si loo soo saaro lacagta bitcoin, waana in la adeegsado computro awood leh iyo koronto xoogan iyadoo la xalinaayo xisaabaad adag ‘complex mathematics’
- Pos; Prof of stake, waa habka lagu soo saaro lacagta Ether iyo kuwa la midka ah waana in la adeegsado computer awood leh 24/7 maalmood ku xeran internet-ka, lana xero coins-ka lacagtaas ‘staked’ tusaale ether 32 xabo, si aad qayb ugu noqotid shabakada una fududaysi transactinada ‘isdhaafsiga’ lacagahaas.
- Transaction: waa is dhaafsiga ay labada qof lacagaha crypto isu dhaafsanayaan waxaana lagu kaydiyaa diwaanka guud ee Block chain.
- Altcoin: Alternative Coins, Waa wixii lacago crypto ah ee ka soo haro Bitcoin, waxayna iskugu jiraan kuwa leh blockchain iyaga u gaar ah ‘Coins’ iyo kuwa ku dul dhisan block chains kale ‘token’.
- MemoCoin: Waa qayb ka mid ah lacagaha crypto aan lahayn wax ‘Utility’ qiimo ay ku fadhiyaan, waana lacago ku dhisan hype –ka bulshada, waxaana lagu soo saaraa qaab kaftan ah, waxaana ugu caansan Doge Coin.
- Stable Coin: waa lacago crypto leh qiiimo go’an ‘Stable value’ waxayna fududeyaan in la isku dhafsado crypto iyo fiat currency, waxaana ugu caansan USDT iyo USDC oo la qiimo U.S dollar.
- Fiat currency: waa lacaga ay leeyihiin wadamada sida Euro, Dollar, JPY, SOS.
- White paper: waa document lagu soo koobay ama lagu qoray dhibaato jirtay xogteeda sida loo xalin lahaa, waxay project-yada cusubc ee crypto ku sharxaan waxa uu qabanaayo mashruucooda.
- Network: waa shabakadaha ay ka samaysanyihiin lacagaha crypto, ku dhisan Blockchain fududeynaayo in la is dhaafsado sida bitcoin Network, Ether network.
- Gas Fee: waa qidmada laga qaadaayo labada qof crypto is dhaafsanayso si loo xaqiijiyo ‘validate’ transactionadooda wayna ku kala duwan yihiin lacagaha crypto, waxaana ugu qaalisan fee-ga lacagta ether, Ethrium.
- Smart contract: waa heshiis ka dhaxeeyo labada qof ee wada galaayo aana loo baahnayn ‘middle man’ cid dhexe waxaana lagu kaydiyaa xogtiisa block chain.
- Market Cap: waa qiimaha guud uu ku fadhiyo suuqa crypto, maanta waxa uu marayaa 2.72 trillion.
- Bull Market: Waa xaalada lagu ogaado marka uu maraayo suuqa crypto meeshiisa ugu saraysi.
- Bear Market: waa xaalada lagu cabiro suuqa crypto marka uu joogo meesha ugu hoosaysay.
- Whale: waa eray loo adeegsado shaqsi ama koox haaysato crptada ugu badan ee suuqa taalo sida bitcoin whales.
- Invesment: waxaa loola jeedaa maalgashiga suuqa crpto aad ku samaynsi, waa inaad iibsato lacag crypto adigoo haaynaysi muddo.
- Trading: ganacsi, waa inaad ka ganacsatid suuqa crypto adigoo ka faa’ideysanaayo sicirka is bed bedalaayo suuqa iibsanaysi coin marka uu joogo qiime hoose iskana iibinayso marka uu maraao qiime sare.
ka dalbo halkaan Coursada Crypto Bilaaw ilaa dhamaad