Cinwaankan waxa aan kaga hadli doonnaa canshuurta lacagaha dijitaalka ah, Waa Maxay canshuuraha lacagaha dhijitaalka ah?, Goorma ayay dhaqan galaan?, sideese loo maareeyaa?
Goorma ayaa crypto la Canshuuraa?
Inta aan ku jirno mawduucan waxaan tusaale u soo qaadanaynaa hab cashuureedka crypto ee dalka Maraykanka maadaama uu yahay dal dhinaca crypto ku cadcad.
Dalalkeenna soomaaliyeed iyo afrikaan badanba inay lahayn waa laga yaabaa qaab canshuureedka crypto kolkaa tusaale ahaan ayaan mawduucan u qaadanaynaa.
IRS (Waaxda Dakhliga ee Maraykanka) waxay u aragtaa cryptocurrency inuu yahay hanti (property), taasoo macnaheedu yahay:
Waxaa lagaa qaadayaa canshuur haddii aad iibiso ama isticmaasho crypto oo uu
- qiimihiisu ka badan yahay markii aad iibsatey. Tani waa dhacdo canshuureed (taxable event) maadaama gadashada ama adeegsiga hantidu waa dhacdo lagugu cashuurayo.
- Haddii aad crypto ku hesho si ganacsi ah, waxaa loo arkaa dakhli ganacsi (business income).
- Haddii aad guul ka gaarto mining ama aad abaalmarin ka hesho blockchain, waxaa loo arkaa dakhli caadi ah (ordinary income).
Sidee ayay canshuuraha crypto U shaqeeyaan?
Haddii aad iibsato, beddesho ama isticmaasho crypto qiimihiisu kordhay, waxaa lagaa rabaa inaad bixiso canshuur faa’iidada aad hantida ka heshay ah (capital gains tax).
Tusaale: Haddii aad iibsato 1 BTC $6,000 kuna iibiso $8,000 seddex bilood kadib, waxaad canshuur ka bixinaysaa $2,000 faa’iido ah (short-term capital gains). Haddii aad sugto hal sano iyo wax ka badan, waxaa lagu canshuuri doonaa long-term capital gains (0%, 15%, ama 20%).
Noocyada dhacdooyin Canshuureedka crypto
Dhacdooyinka la Canshuuro:
- Iibinta crypto si loogu beddelo lacag fiat ama naqdi ah.
- Isticmaalka crypto si loogu iibsado alaab ama adeegyo.
- Is-weydaarsiga laba crypto.
- Helitaanka crypto oo abaalmarin ah (mining, staking, airdrops).
- Helitaanka crypto kadib hard fork.
Dhacdooyinka aan la Canshuurin:
- Iibsashada crypto iyadoo la adeegsanayo lacag fiat.
- Hadiyad ahaan u dirista crypto.
- Deeq ahaan u siinta hay’ad aan canshuurta laga qaadin.
- Wareejinta crypto ee boorsadahaaga dhexdooda ah (wallets).
Tusaalayaal canshuureed oo la xidhiidha crypto
Wax ku iibsiga crypto lasoo qoday:
Wax ku iibsiga lacagaha crypto ee lasoo qoday ama mining ku soo baxay way fududdahay laakiin waxaa lagaa rabaa dhawrkan canshuuro ee hoose:-
- Waxaa laguu canshuuri sida qof dakhli soo galay.
- Waxaa lagu canshuuri markaad wax ku iibsato.
- Waxaa sidoo kale dhici karta in aad bixiso capital gains tax haddii qiimaha cryptada aad qodatay kordho.
Iibsiga Gaadhi adigoo isticmaalaya Crypto:
Tusaale haddii aad gadatay 1BTC 2019-kii oo ay joogtay $3700, kadib 2022-kii oo ay joogtay $38,500 taas oo aad gaadhi ku iibsan kartid.
Markaa waxaa dhacaysa inaad adiga iyo cidda gaadhiga aad ka iibsatayba la canshuuro:-
- Waa inaad bixisaa capital gains tax haddii BTC-gaagu qiimo korodhsaday.
- Waxaa jiri kara canshuur iibsi (sales tax).
- Iibiyaha sidoo kale waa inuu soo sheegaa dakhligii uu helay maadaama BTC-ta xilliga aad siisay iyo hadda ay kala qiimo duwan tahay.
Beddelashada crypto si loogu helo lacag ahaan (Cashing Out)
Marka aad crypto u beddesho lacag fiat, waxaad u baahan tahay inaad ogaato cost basis-ka (qiimaha iyo kharashaadka iibsiga). Faa’iidada ama khasaaraha waxaa lagu xisaabiyaa iyadoo la kala jarayo qiimaha suuqeed ee hadda iyo cost basis-ka.
Qodashada cryptocurrency
- Haddii aad si shakhsi ah u sameyso mining, waxaa loo arkaa dakhli caadi ah waana la canshuuraa.
- Haddii aad u samayso ganacsi ahaan, waxaad ku xisaabsan kartaa kharashyada qalabka iyo korontada, waxaana loo arkaa dakhli ganacsi.
Staking Cryptocurrency
Staking waxa uu ka dhigan yahay halkan ka soo aqriso
- Abaalmarinta aad ka hesho staking waxaa loo arkaa dakhli waana la canshuuraa.
- Haddii aad cryptahaas isticmaasho ama u beddesho lacag fiat, waxaad bixinaysaa capital gains tax.
beddelashada crypto mid kale
Tani waa dhacdo canshuureed. Waxaad u baahan tahay inaad sheegto faa’iidada ama khasaaraha cryptahaas aad iibisay kaa soo gaadhay, si aad mid kale u iibsato.
Kaydinta diiwaanka canshuuraha crypto
Waxaa muhiim ah inaad diiwaangeliso: taariikhda, waqtiga, qiime suuqeedka, iyo tirada crypto ee aad isticmaalayso.
Waxaa fiican in aad isticmaasho adeegyo sida CoinTracker si aad u hubiso xogta canshuurtaada.
Xeerarka Canshuurta Crypto ee Cusub ee 2025
Laga bilaabo January 1, 2025:
Ma jiri doonto isticmaalka guud ee habka FIFO (First-In-First-Out) ee cost basis-ka ah.
Waxaa laguu xisaabin doonaa wallet ama account-ba gooni ah.
Dadka haysta crypto waa inay doortaan hab ay cost basis ugu wareejiyaan asset-yada hore loo helay (ka hor Jan. 1, 2025-ka).
Doorashada habka xisaabinta waa in la sameeyaa kahor January 1, 2025, waana mid aan dib laga beddeli karin.
Exchanges-ka iyo broker-yada waa inay IRS u gudbiyaan dhammaan wax kala iibsiga iyadoo la adeegsanayo foomka cusub 1099-DA.
Ogoow dalal kale ayaa jira oo crypto canshuura waxaana ka mid ah United Kingdom, Canada, Germany, Australia, Japan, Singapore, Switzerland, Portugal, Brazil, India, South Korea, France iyo gumaystaha Israa’iil.
Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo