Consensus Mechanism Waa hanaanka kala duwan ay adeegsadaan ‘nodes’ computerada qaybta ka ah shabakada Blockchain, waxayna hubiyaan ‘verified’ wax is dhaafsiga, maadaama Blockchain ay tahey ‘Distributed Ledger’ Database baahsan kaasoo lagu kaydiyo xogaha la is dhaafsado, aana lahayn cid dhexe oo maamusha ‘Central authority’, waxaa jirto nidaam lagu joogteeyo Blockchainta oo loo yaqaano ‘Byzantine General Problem’ si fudud waa fikrad laga soo min guuriyay ay adeegsan jireen ciidamada, Generalada ciidanka Boqortooyada byzantine waxayna ku dhisneed asalka in marka duulaan la qaadaayo in go’aanka aan hal meel laga fulin uu qof walibo meesha uu joogo duulaanka ka bilaawo, waana fikrada lagu dhisay Blockchainta oo qof walibo ‘nodes’ xubin ka ah network waxa uu xaqiijanayaa ‘transaction’ macaamilka isagoo aan sugayn go’aan cid kale, waxaana ka hubinaayo dhamaan ‘nodes’ xubinta ka ah shabakada iyagoo aan wax fara galin ah ku samaynayn shaqada uu haayo ‘validator-kaas’ ama miner-kaas waana sababta technologyada Blockchain ay u tahey mid ‘immutability’ ah aan wax laga badali Karin hadii Block xermo mana ka jirto wax is qab-qabsi ah.
Waxaa jirto labo koox oo qayb ka ah shabakada Blockchain, adna waxaa ka mid noqon kartaa kooxda aad doonto, mana jirto wax la yiraahdo aqoonsi gaar ah oo lagaa rabo ama dad gaar ah in loo ogol yahey ee waa ‘Decentralized Network’ technologyad madax banaan oo caalamka dhan u siman tahey dadkiisa, waxayna kala yihiin Miners iyo Validators’.
Waa Maxay Farqiga u dhaxeeyo Miner iyo Validator?
Minor iyo Validator labaduba waxay shaqadooda tahay sugida amaanka technologyada Blockchain iyo hubinta xogta lagu kaydiyo Block kasto, balse waxaa jirto farqi yar ay ku kala duwan yihiin taasoo ah qaabka ay u howl galaan.
Miners, waxay shaqadoodu tahey joogtaynta amaanka iyo hubinta wax is dhaafsiga lacagaha ku dhisan Blockchain lagu soo saaro qaab mining ah, una baahan tartan, awood xoogan iyo xalinta xisaab adag ‘Complex mathematics’ waxayna ku shqayaan nidaamka Prof of work, waxaa ka mid ah lacagta Bitcoin oo ah midda ugu caansan ugana qaalisan cryptocurrency halka Validator, ay shaqadooda tahey hubinta xogta wax is dhaafsi ‘transaction’ lacagaha ku dhisan Blockchain aan u baahnayn wax tar tan ah soo saaristooda waxayna ku howl galaan nidaamka Prof of Stake waxaa ka mid ah lacagahaas Ethereum, Cardano, Palkdot.
Qaybaha Consensus Mechanism

Waxaa jirto habab kala duwan ay u howl galaan nodes xubinta ka ah shabakada Block chain kuwaasoo sugo amniga lacagaha Cryptocurrency, waxaa ka mid ah.
- Prof of work, waa nidaamka ay ku howl galaan miners ka soo saro lacagta bitcoin, sugana amaankeeda waxay adeegsadaan koronto xoogan iyo qalab hardware qaali ah, waxayna u shaqayaan qaab tartan ah oo qofka ugu horeeyo ee xaliyo ‘crypto graphic puzzle’ ayaa xaqiijinaayo macaamilka ‘wax is dhaafsigaas’ kuna guulaysanaayo awaalmarinta bitcoin. Awaalmarinta u dambayso ee hada la siiyo miners-ka waa 3.125 BTC.
- Prof of Stake, waa qaabka ay ku howl galaan Validators ka xaqiijiyo macaamilka lacagaha ku shaqeeyo hanaankaan waxa ku xeraan wallet-kooda ‘Stake’ qayb ka mid ah lacagta ay ka haaystaan Coin-kaas tusaale Ethereum 32 xabo, si ay u fududeyaan wax is dhaafsiga amaanka shabakadaas, waxayna ku guulaystaan awaalmarin taasoo ay ku kala duwan yihiin Coins, qofka iska leh inta u badan coins-ka xeran ayaa helo awaal marinta u badan, waxaana ku shaqeeyo habkaan inta u badan lacagaha crypto.
- Delegated Prof of Stake, waa habka ay ku shaqayaan nodes xubinta ka ah shabakad Blockchain waxaana xaqiijiyo macaamilka oo sameeyo Block cusub koox gaar ah oo loo codeeyo ‘Voting’ waxa uuna ugu duwan yahey qaabkaan midkii ka horeeyay ee Prof of Stake in team gaar ah loo wagiisho ‘Delegated’ amaanka shabakada waxaa ka mid ah coins ku shaqeeyo nidaamkaan Tron, Eos, wayna ka dhaqso badan yihiin wax is dhaafsikooda, feegoodana wuu ka raqiisan yahey projectiyada nidaamkaan adeegsado kuwa Prof of Stake.
- Prof of History, Waxaa ku shaqeeyo nidaamkaan coin-ka Solana, nodes xubinta ka ah newtwork si ay u sugaan amaanka shabakada una xaqiijiyaan macaamilka waxay adeegsadaan cryptographically puzzle si ay dalabka u kala horumariyaan ayna u xaqiijiyaan midka ugu horeeye macaamilkiisa.
- Prof of authority, waa hanaanka ay ku shaqayaan validators xubinta ka ah shabakada project-ga ku dhisan Blockchain, waxaana transaction hubiyo kooxda ugu horaysay ee network ku soo biro, waxaana adeegsado nidaamkaan Vechan.
halkaan ka baro coursada Crypto