">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Qaybtii 1aad: Suuqyada Crypto

Marka la joogo Cryptocurrency waxaa la isticmaala Exchange oo ah Suuq wada kulminaayo ‘buyers & Sellers’ dadka rabo in ay coin iibsadaan iyo kuwa rabo in ay iska iibiyaan si ka duwan Suuqyada kale ee maaliyadeed Stock iyo Forex waxaa la adeegsado Broker oo ah Companyo u shaqeeyo qaab dulaal ahaan.

Waa maxay Crypto exchanges?

Crypto Exchange: Waa suuqyo u fududeynaayo “buyers iyo Sellers” inay ka iibsadaan iskagana iibiyaan lacagaha crypto waxayna iskugu jiraan kuwa la maamulo ‘Custudial’ iyo kuwa aan lahayn cid dhexe oo maamusho ‘Non-custodial’.

Dadka ku cusub suuqa crypto waxaa u sahlan inay adeegsadaan Cex, maxaa yeelay way fududahey isticmaalkooda hadii ay wax ka qaldantana waxay helayaan team caawiyo ‘support team’.

Waa Maxay CEX?

Cex-centralised exchange: waa suuqyo la maamulo ay leeyihiin shaqsiyaad sida Binance ama banki sida Coinbase, waxayna soo baxeen suuqyadaan badankooda waxii ka dambeeye 2015ta, maanta waxaa jiro in ka badan 700 oo suuq, maalin walibana waxaa soo baxo suuq cusub, suuqyadaan isticmaalayaasha waxay waydiiyaan labo sharci oo kala ah ‘KYC’ iyo ‘AML’, sharciga kowaad know your customer, waxaa u dajiyay sharcigaan hay’daha maamulo dhaqaalaha caalamka sida ‘SEC-Security exchange Commission’ waana in isticmaalaha uu u gudbiyo xogtiisa aqoonsiga sida Pasport, Drive Licence iyo ID-Card, suuqyada qaar kama shaqayaan wadamada siyaasad ahaan aan xasilnayn. Sharciga labaad Anti money Laundering, waxa uu dhigayaa in la hubiyo lacagaha ay soo galinayaan isticmaalayaasha suuqa si lagu hortagi lacag dhaqid.

Cilada ugu wayn ay leeyihiin suuqyadaan waa in lagu samayn karo hacking, inkastoo ay hackers-ku labada suuqba ka qaraabtaan Cex iyo Dex, balse waxaa u sii nugul in hacking lagu sameeyo kuwaan gaarka loo leeyahey, waxaana dhaco in sanad walibo suuq la jabsado hacking-kii ugu dambeeye sanadkaan waxaa lagu sameeye Bybit oo hackers ka dhaceen lacag qiyaasteeda gaarayso $1.5 billion, waxaa jirto cilad kale ay leeyihiin, balse ciladaan si sahlan uma dhacdo gaar ahaan suuqyada waa wayn kalsoonida lagu qabo ay sarayso, waana in Exchange si lama filaan ah suuq ugu baxo, lacagta macaamiishana uu la goosto sida FTX oo si lama filaan ah u burburtey 2021, kuna luntay suuqaas lacag kor u dhaafayso $7 billion ay macaamiisha lahaayeen.

Exchange-kii ugu horeeyay ee la isticmaalo waxa uu ahaa BitcoinMarket.com, waxaana kaliya lagu kala iibsan jiray lacagta Bitcoin, waxaa markii dambe soo baxay Mt Gox oo hackers u dhacaan, waxa uuna bur burey 2014.

Waa kuwaan 10 suuq amnigooda uu sareeyo ee la isku halayn karo

  1. Binance waa Exchange ugu wayn Suuqa Crypto, la isku halayn karo waxaana la aas aasay 2017, Co- Founderkiisana waa Changpeng Zhao. Binance wax ay ka koobantahey labo xabo Binance.com waa suuq Caalami ah oo aduunka idil ka shaqeeyo iyo Binance U.S ay isticmaali karaan kaliya shacabka Maraykanka.
  2. Bybit waa suuqa 2aad ugu wayn crypto waxaana la aas aasay 2018, xaruuntiisana waxay klu taalaa Isu-taga Imaaraadka Carbta, Co-Founderka aas aasey Exchange-kaan waa Ben Zhou, dadka ka diwaangashan ee isticmaalo suuqaan waxay tiradooda kor u dhaafaysaa 10 million.
  3. OKX, Waa suuqa sadaxaad ee lagu isticmaalka badan yahey Crypto, waxa uuna  badalay magaciisa hore OKEX, waxaana la aas aasay 2017, xaruuntiisana waxay ku taala wadan xeebeedka Seychilis, Co-founder kiisuna waa Star Xu, Waana suuq Caalami ah oo wadammada dhan ka shaqeeyo, waxayna kor u dhaafayaan isticmaalayaashiisa in ka badan 20 Million.
  4. Gate.io, waxaa la sameeyay 2013, waa suuq amaan ah oo la isku halayn karo waxa uuna leeyahay Future badan ee ka mid tahay projectiyada cusub in si live ah lagu soo bandhigo, dadka isticmaalo suuqaan waxaa lagu qiyaasaa inay kor u dhaafayaan 10 million ka badan.
  5. MEXC waxaa la aas aasay 2018, suuqaan waxuu ahaa mid KYC la’aan la isticmaali jiray inkastoo hada lagu soo kordhiyay waxuuna exchangiyad kale ugu fiican yahey in laga helaayo Coins badan aan ku jirin suuqyada kale sida Binance, Bybit iyo OKX.
  6. HTX oo magaciisa hore ahaa Huobi waxaa lagu aas aasay wadanka Chinaha sanadkii 2013, markii dowlada shiinaha ay xayiraad ku soo rogtay Exchangiyada ka shaqeeyo suuqa crypto iyo dadka Mining gareeyo BTC ay ku sugan wadankeeda 2017 ayuu suuqaan u wareegay Hong kong xaruuna ka sameystay, waxaana aas aasay Leon Li, dadka isticmaalo waxaa tiradooda lagu qiyaasaa ku dhawaad 40 Million.
  7. L-Bank, waa suuq curdun ah oo dhawaanahaan caan noqday waxaana la sameeyay 2016-dii, aas aasihiisuna waa Eric He, Dadka u diwaangasahan ee isticmaalo waxay tiradiisu gaaraysaa 15 million oo qofood, waxa uuna ugu duwan yahey Exchange-yada kale in aad isticmaali karto KYC la’an, adigoo aan gudbin wax xog ah oo kugu saabsan.
  8. Kraken, waa suuq laga leeyahey maraykan waxuuna leeyahey boorso digital ah ‘Kraken wallet’, waana suuq aad u sareeyo amaankiisa waxaana laga isticmaali karaa wadamao badan, ilaa hadda lama soo warin inta uu jirey suuqaan inuu la kulmay wax hacking. Waxa uuna bixiyaa adeegyo ka dheeraad ah suuqyada kale sida Staking iyo marginn trading.  
  9. Coinbase, waxaa laga leeyahey suuqaan wadanka maraykan, waana mid ka mid ah suuqayada ugu wayn crypto, waxuuna leeyahey boorso degital ah ‘Coinbase wallet’ macaamiisha u diwaan-gashan ay isticmaasho suuqaan waxaa lagu qiyaasaa 110 million, suuqaan waxaa isticmaalo badanaa shaccabka ku nool maraykan iyo qaarada yurub, waxuuna ka xeranyahey aan laga isticmaali karin wadamo badan oo ku kala yaalo Africa iyo Asia, waana suuq amnigiisa aad u sareeyo.  
  10. Kucoin, suuqaan waxaa la sameeye 2017, waxaa u diwan gashan inay isticmaasho macaamiil ka badan 30 million oo ku kala nool 207 wadan, waana suuq isticmaalkiisu fudud yahey daddka ku cusub crypto suuqaan ayaa u sahlan isticmaalkiisa.

La Soco Qaybta 2aad– (Dex)

ka baro halkaan Coursada Crypto bilaaw ilaa dhamaad

Leave a comment