Lacagaha dhijitaalka ah waxay ku galeen heer caanimo oo aad u sareeya. Hanka ah in la qeyb qaato horumarka tiknoolajiyadda casriga ah isla markaana laga faa’iidaysto fursadaha dhaqaale ayaa soo jiitay xitaa dad aan horey u danayn jirin tiknoolajiyadda. Nasiib darro, sida korodhka xiisaha lacagahaas oo kale ayay u korodhay khatarta khiyaamooyinka iyo musuqmaasuqa la xidhiidha crypto. Sida ay sheegtay FBI-du, khasaaraha la xidhiidha khiyaamooyinka crypto ayaa kordhay 45% sanadkii 2023-ka, iyada oo khasaaruhu gaadhay $5.6 bilyan, taasoo lagu saleeyay 69,000 cabasho oo dadweynuhu gudbiyeen sanadkaa.
Dadka danaynaya lacagaha dhijitaalka ah laakiin ka cabsanaya khataraha khiyaamooyinka waa inay ku fuliyaan tallaabooyinkan aan sheegi doonno si ay amniga hantidooda u ilaashadaan, waxaa jira siyaabo badan oo lagu difaaci karo hantida xilligaan dhijitaalka ah.
Mawduucan wuxuu iftiiminayaa khiyaamooyinka ugu badan ee ay dadku kulmaan si aan u kordhinno wacyiga ganacsadayaasha cusub. Akhriste waxaad dhaafi doontaa mawduucan adiga oo si fiican u fahamsan sida si ammaan ah looga shaqaysto suuqa crypto.
Fahamka Guud ee Khiyaamooyinka Crypto (crypto scams)
Khiyaamada la xidhiidha crypto ma aha kuwo hal nooc ah. Balse wuxuu ka tarjumayaa khiyaamooyin kala duwan oo laga bilaabo tuugsi shakhsi wax ku waydiisto ah, kuwo yaryar sida xatooyada token-ka ama helitaanka furaha wallet-yada, ilaa weerarro waaweyn oo burburiya gabi ahaanba madallada is-weydaarsi (Exchanges) ay weeraraan.
Markii lacagaha dhijitaalka ah ay noqdeen kuwo dad badan adeegsado oo qiimahooduna kor u kacay, waxaa kordhay dhiirranaanta dadka xunxun ee doonaya inay ka faa’iideystaan maalgeliyeyaasha aan ka warqabin halista suuqa. Intaa waxaa dheer, crypto wuxuu leeyahay astaan u gaar ah sida qarsoonaantiisa iyo xakame la’aantiisa, taasoo tuugta u sii sahleysa dambiyadan.
Khiyaamooyinka suuqa ku badan ee aad u baahan tahay inaad ka warqabto
B. Weerarada Phishing-ka
Waa maxay Weerarada phishing-ku? :- waa marka tuugtu iska dhigayaan hay’ad la aammini karo sida suuq crypto caadi ah ama qof kale si ay u xadaan xogta qarsoon sida furaha gaarka (Private Key) ah ama xogta lagu galo akoonnada (Login information).
Sida ay u shaqeeyaan:- Inta badan weerarada phishing-ku waxay ka bilaabmaan farriin been abuur ah oo loo diro dhibbanayaasha (e-mail been ah ama baraha bulshada). Dhibbanuhu wuxuu u malaynayaa in farriintu ay ka timid shirkad uu garanayo wuxuuna gujiyaa link uu u maleynayo inuu yahay website-ka saxda ah. Markuu galo oo uu galiyo xogtiisa sirta ah, wuxuu xogta siiyey tuuggii .
Sida la isaga ilaaliyo:- Had iyo jeer hubi link-yada(URLs) ka hor inta aadan gujin, iskuna day inaad isbarbar dhigto website-ka rasmiga ah. Phishing-ku inta badan wuxuu leeyahay qaladaad qoraal ama farshaxan oo uma qurxana sida website-ka saxda ah.
Talo: Furo Two-factor Authentication (2FA) oo ah xaqiijin laba-laaban si aad u gasho akoonkaaga, waana xeelad aad loogu kalsoon yahay oo aad kaga hortagi karto weeraradaas.
T. Xeeladda Ponzi scheme iyo barnaamijyada maalgashi ee lagu sheego Faa’iido badan (HYIP)
Maxay ka dhigan yihiin? :- xeeladda Ponzi waa khiyaamo horey uga jirtay maalgashiga kahor crypto. Waa xeelad laguu ballanqaadayo faa’iido badan, laakiin waxay lacagta siiyaan maalgashadayaasha hore iyagoo isticmaalaya lacagta kuwa cusub.
high-yield investment program (HYIP):- Waa nooc ka mid ah Ponzi oo si gaar ah u saameeya crypto. Waxay ballanqaadaan faa’iido badan iyo dakhliga joogtada ah, waxayna adeegsadaan baraha bulshada si ay xayeysiiyaan qorshahooga.
Tusaale:- BitPetite iyo PlusToken. Waa labo dhacdo oo tusaale u ah HYIP oo aad loogu dhacay maalgashadayaasha crypto.
Sida la isaga ilaaliyo:- Haddii ay wax u muuqdaan kuwo aad u faa’ido badan isla markaana dhib yar , iska jir. Samee cilmi baadhis qoto dheer ka hor intaadan maalgelin.
J. ICO-yada Been Abuurka ah
Maxay ka dhigan yihiin? :- ICO (Initial Coin Offering) waa sida IPO ee shirkadaha suuqyada caadiga ah. Waana qaab mashruuca lacag loogu ururiyo iyada oo la xaraashayo coins-ka mashruuca, ICO-yada been abuurka ah waxay abuurtaan mashruuc been ah si ay lacag uga qaadaan maalgashadayaasha. Token-ka ay ballanqaadeenna marna suuqa ma keenaan.
Calaamadaha Digniinta u ah:- Haddii mashruucu uusan lahayn warqad cad (whitepaper) oo qoto dheer, muuqaalka mashruuca ama kooxda uu yahay mid laga shaki qabo, iska jir.
Sida la isaga ilaaliyo:- Ka qeybgal kaliya ICO-yada aad ka aragto meel lagu kalsoon yahay ama dib u eegis aad ku sameysay.
X, Rug Pulls
Waa maxay Rug Pulls? :- Rug pull waa marka horumariyayaashu si lama filaan ah uga baxaan mashruuca oo ay la tagaan lacagta, kana tagaan maalgashadayaal haysta token aan qiimo lahayn.
Sida ay u dhacaan wax:- Waxaa lagu bilaabaa mashruuc loo xayeysiiyo si weyn, badanaa baraha bulshada ayaa lagu xayeysiiyaa, Waxay isticmaalaan liquidity pools si loo muujiyo inay tahay wax dhab ah.
Sida la isaga ilaaliyo:- iska hubi mashruuca, kooxda ka dambeysa, liquidity-ga token-ka, iyo haddii ay suurtagal tahay, hubi code-ka (program-ka) mashruuca.
KH. Xeeladda “Pump and Dump”
Waa maxay Pump and Dump? :- Maalgashadayaashu waxay mararka qaar dareemaan “FOMO” (ka baqdin inay fursad dhaqaale seegaan). Khiyaamayaashu waxay tan ka faa’iideystaan iyagoo sare u qaadaya qiimaha token-ka si been ah, kaddibna si degdeg ah ayay u iibiyaan iyagoo ka tagaya dadka kale khasaare.
Sida ay u shaqeeyaan:- Waxay si isku-duuban u xayeysiinayaan token, kaddibna si degdeg ah ayay isaga iibinayaan markuu qiimuhu kaco.
Sida la isaga ilaaliyo:- Ka fogow inaad maalgashato haddii suuq aadan hubin uu si xawli ah kor ugu socdo.
Sidee hantidaada looga difaacaa Khiyaamooyinka crypto ?
B. Isticmaal meelo la aamini karo:- Coinbase ama Binance oo kale waxay bixiyaan amni xooggan. Adeegso 2FA iyo password adag.
T. Ka fiirso maalgashiyada aad ku talo galin:- Haddii maalgashigu uu yahay mid u muuqda mid sahlan ama aan dadaal lahayn, shaki geli. Hubi xaqiiqadiisa kahor intaadan galin.
J. Xogtaada sirta ah si wanaagsan u kaydi:- Furayaasha gaarka ah waa muhiim. Ha la wadaagin cidna, kuna kaydi meel offline ah haddii aad awooddo adeegso hardware wallet.
X. Isku day inaad la socoto wararka:- Khiyaamooyin cusub ayaa soo baxaya maalin kasta. La soco warbaahinnada lagu kalsoon yahay sida Gellecrypto.com, xogaha dowladaha iyo haayadaha amni ay soo saaraan.
KH. Hubi ICO-yada iyo Tokens-ka:- Adeegso CoinGecko ama CoinMarketCap si aad u hesho xog sax ah ka hor intaadan maalgelin.
Sideen ku ogaan karaa in is-weydaarsi crypto uu yahay mid sharciyeysan?
Iska jir kuwa soo bandhiga inaad helaysid faa’ido badan ama aad marnaba khasaarayn, is-weydaarsiyada saxda ah waxay leeyihiin xog cad, falcelinno wanaagsan, iyo aragti bulsho oo lagu kalsoon yahay.
Maxaan sammeeyaa haddii aan noqdo dhibbane khiyaamo crypto?
Haddii is-weydaarsiyada la yaqaanno oo mid ah lagugu dhaco la wadaag kooxda caawinta macaamiisha si aad uga hesho talooyin ama ay kuugu qabtaan lacagta.
Maxaa muhiima si aan u hubsado mashruuc crypto?
Mashruuc sharci ah waa inuu leeyahay whitepaper dhameystiran, koox horumarisay oo cadcad, iyo dukumeentiyo muujinaya daacadnimadooda. Iska ilaali mashruuc kasta oo xogtiisu yar tahay ama u muuqda inuu si xad dhaaf ah loo xayeysiinayo kahor bilaabashadiisa.
Difaaca ugu fiican ee khiyaamooyinka cryptocurrency waa feejignaan joogto ah. Maalgashadayaasha si fiican u wacyi qaba ee adeegsada habab ay isu difaacaan waxay leeyihiin fursad wanaagsan oo ay kaga badbaadi karaan khiyaamooyinka. La soco isbeddelada cusub ee khiyaameyaashu adeegsadaan si aad u ilaaliso hantidaada.
Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo