DeFi waa nidaam maaliyadeed aan lahayn xaruun dhexe aysan maamulin cid saddexaad third parties sida dowlad, bank ama shaqsi waxuuna ku shaqeeyaa oo lagu maamulaa technologiyada Blockchain halkaas ayaa lagu keediyaa xog waliba oo DeFi la isku dhaafsado sida dayn kala qaadasho, Etereum Blockcain waa midka lagu adeegsiga badan yahay DeFi palttforms. Waxaa loo adeegsan karaa DeFi oo lagu sameyaa wax kasta oo shaqo ah ay bankiyada iyo hay’adaa traditional -ka qaban jireen sida Amaah, Dulsaar, Swap, caymis, kaydin ‘seving accounts iwm ah, balse dhamaan shaqooyinkaan waxaa la qabtaa iyadoo aan loo baahnayn cid seddexaad waxaa la adeegsadaa Smart Contracts taasoo madasha DeFi-yada ay si sahlan isticmaalayaasha adeega ay doonayaan ugu heli karaan.
DeFi waa mustaqbalka maaliyada laga dhigay mid daah furan, waxayna badeshay sidii maaliyada caadiga ah u shaqaynaysi, balse qofka isticmaalaayo waxaa lagu baahan yahay taxadir, aqoon iyo xirfad maadaama ay yihiin DeFi madalo iskood u madax banaan kuna shaqeeyo Smart Contract oo labada qof si toos ah ah wax isku dhaafsadaan peer-to-peer.
Waa maxay Farqiga u dhaxeeyo CeFi iyo DeFi?
CeFi – Centralized Finance waa System maaliyadeedka aan hadda adeegsano waxaa maamulo cid saddexaad waxaana sharciyo lagu hagao u sameeyo dowladaha iyo hay’adaha sida SEC waxay waydiiyaan isticmaaliyaasha KYC oo ah aqoonsi sharci laga doonaayo isticmaalaha sida Passport ama License, ma ahan transparency CeFi platforms oo xogtooda way qarsoontahay sida transactions-ka, kaliya waxaa loo ogal yahay adeegsigooda dadka la yimado shaqrci ay madashaas ogoshahey.
Binance, Coinbase, Kraken, Bybit waa tusaalayaal ka mid ah CeFi platform’s, inkastoo aysan u shaqeen sida bankiyada caadiga ah.
Halka DeFi uu yahay hanaan maaliyadeed non-custodial ah oo qofka isaga ayaa u madax banaan madasha uu isticmaalayo ma laga rabo wax sharci ah KYC, kaliya waxuu u baahan yahay wallet Digital ah sida Metamask uu ku xerto madasha uu doonaayo inuu isticmaalo sida UniSwap. Platform-yada DeFi waa transparency oo xogtooda qof waliba wuu arki karaa sida hantida dhex taalo liquidity pool, isticmaalkoodana waa free adduunka meel kasto aad ka joogti waad adeegsan kartaa, kaliya waxaa kaa xegto inaad barato sida ay u shaqeyaan madaladaan.
Aave, UniSwap, Curve, PanckSwap waa tusaalayaal ka mid ah DeFi platform’s.
Qaybaha uu ka kooban yahay DeFi
DeFi waxuu leeyahay noocyo badan si loo baxiyo adeegyo kala duwan oo lagu xakameeyo Smart contract xogtoodana lagu keediyo Blockchain-ta, waxaa ka mid ah Qaybaha DeFi:
- Dexs – waa suuqyo madaxbaan oo labo qof si toos wqax isku dhaafsan karaan, isticmaalkooda kaagama baahno wax sharci ah waxaana ka mid ah UniSwap, PankSwap, Sushi Swap.
- Lending and Borrowing platform’s – waa madalo loo adeegsado in lagu kala amaahdo lacagaha Crypto iyadoo aan loo baahnayn cid saddexaad waxayna siiyaan dulsaar qofka crypto ku dhex daymiyo halka ay ka qaadaan dulsaar qofka doonaayo inuu ka dhex amaahdo Crypto sida Coinka Bitcoin, waxaana ka mid ah Aave iyo Compound.
- Defi wallets, waa boorsooyin digital ah loo adeegsado web 3 iyo DeFi Platforms waxay siiyaan isticmaalayaasha Private key ay ku maamushaan boorsadooda Digitaalka ah waxaa ka mid ah Metmask, Trust wallet iyo Rappy wallet.
- Stable Coins, waa lacagahii Fiat-ka ay lahaayeen dowladaha sida Dollarka iyo Euro kuwaasoo loo badalay Digital Crypto xogtoodana lagu keediyo Blockchain-ta waxayna leeyihiin qiimo g’an oo isma bed-bdelaan sida cryptocurrency-ada kale waxaa ka mid ah UST iyo USDC.
- Yield Farming &Liquidity mining, waa hab lagu dhex adeegsado madalaha DeFi waxay u suurta galiyaan isticmaalayasha inay hantidooda ku deeqaan ‘Liquidity’ madal tusaale UniSwap si ay u fududaato ganacsiga madasha waxaad helaysaa awaal marin.
- Staking, waa hanaan loo adeegsado in la helo dulsaar iyadoo lagu xeraayo ‘lock’ crypto aad haaysato madal si ay kuu siiso return joogta ah inta lacagtaada crypto ay madasha ku xeran tahay.
Sidee loo gala DeFi Platforms?

Si aad u booqato madalaha DeFi, Raac tilaabooyinkaan
- Sameyso wallet Degital ah sida MetMask
- Ku soo shubo wallet-kaas lacag Crypto
- Tag oo search browser-ka aad adeegsanayso ka baar madasha aad doonayso inaad isticmaasho sida UniSwap ama Yearn finance
- Ku xer wallet-kaaga markaad booqato madasha qaybta Connect.
- Isticmaal madasha uu ku dhex samee Samey iibsasho ama Stake.
Adeegyada ay bixiyaan DeFi platforms
Waa kuwaan qayb ka mid ah adeegyada ay bixiyaan madalaha DeFi
- Lending and Borrowing: ‘amaahasho iyo iska amaahin lacag Crypto
- Staking: ‘inaad ku dhex xerto lacag crypto si aad dulsaar ugu heso.
- Swapping: in aad labo crypro iskugu dhex badesho tusaale ETH to BTC
- Insurance: inaad gasho caymis adigoo madasha siinaayo lacag Crypto.
- Asset management: inaad ku dhex maamulato portfolio-haaga madasha dhexdeeda.
Maxay diinta Islaamka ka qabtaa isticmaalka DeFi?
Adeegyada DeFi waxay iskugu jiri kuwa xalaal iyo xaaran ah, inakstoo badankood ay ku shqeyaan wax diinta islaamka mamnuucday balse qofka muslimka oo doonaya inuu adeegsado waxaa lagu baahan yahay kaliya qaybta xalaasha ay diinta islmaaka ogoshahay tusaale inaad samaysio SWAP oo laba Crypto isku badesho adigoo bixinayn wax dul saar ah ama aadan qadaanayn, meelaha muhiim ka ah ee lagaa doonaayo inaad iska eegto waxaa ka mid ah:
- Mashruuca coinka aad ku samaynayso SWAP, waa inuusan la xariirin qamar, ribo, aysan samayn shirkad soo saarto khamri
- Hadii madasha lagu dhex samayso staking aysan bixin dulsaar waa la adeegsan karaa
- Hadii Token ama Coin uu leeyahay madal DeFi bixiso intrest aad isticmaasho waa xaaraan maadaama Crypto-daas lagu bixiyodulsaarka.
Hallkaan ka baro Coursada Crypto bilaaw ilaa dhamaad