Public key iyo Private key waa labo qodob muhiim u ah xogta waxaana loo adeegsadaa Xogo u dhaxayso sir ahaanshaheeda labo dhinac, si guud public key iyo private key waxay ka tirsanyihiin cryptography gaar ahaan Asymmetric cryptography taasoo ah nidaamka lagu bedelo xogta qoraalka mid qarsoon aan la fahmi karin.
Public key iyo Private key waxaa loo isticmaalaa lacagaha cryptocurrency sida bitcoin, eteherum iwm.
Boorsooyinka crypto waxay adeegsadaan Public iyo Private key si xogta lacagta la isku diraayo u noqoto mid Encryption ah SSl certificate websites ka waxay leeyhiin encryption public iyo private si ay u noqoto xogta mid qarsoon oo u dhaxeyso kaliya qofka website soo booqanaayo iyo qofka iska leh.
Website-yada IP address kooda yahay https:// waa kuwa amaan ah oo la isku haleyn karo, Digital signature “saxiixa djitaalka ah” waxaa lagu xaqiijiyaa Public iyo Private key, qofka marka uu doonaayo inuu sameeyo saxiix digital ah waxuu u baahan yahay Public key ka dib markii uu saxiixo waxuu helayaa Private key lagu ilaalinaayo saxiixiisa, shabakadaha ay dadka kuwada xariiraan sida WhatsApp, Email, Telegram waxay isticmaalaan nidaamka public iyo private encryption Tusaale: Whatsapp ka marka aad saaxiibkaaga u qorto fariin isla markiiba inta aysan ka bixin fariinta aalada aad isticmaalayso sida Mobile, Labtob, ama Tablet waxaa laga dhigayaa mid encrypt ah “Mid qarsoon ” aan la aqrin karin si loo diro fariintaas waxaa la isticmaalaa Public key gaaga, Marka qofka kale ay gaarto fariinta wuxuu adeegsanayaa Private key giisa si uu fariinta uga dhigo mid decrypt ah ” Furan ” oo la aqrin karo waxayna arintan ku dhacaysaa wax ka yar ilbiriqsiyo, shaqadan waxaa sameynayo Algorithm ka WhatsApp si fariimaha dadka is dhaafsanaayo ay u noqdaan kuwa secure ” Amni ah ” aan cid kale arki Karin xitaa shirkada Whats app.
Shirkada Whatsapp waxay sheegtay inay awood u laheyn inay ogaato xogta macaamiisheeda, kadib markii ay qaar kamid ah macaamishayda wey-diyeen inay ogaan karto xogta ay isdhaafsadaan.
Public key waa sida cinwaanka gurigaaga oo kale, qof walibo wuu arki karaa waxna wuu kugu soo diri karaa, waxaad la wadaagi kartaa qof kasta, balse waxaa la xaqiijiyaa inaad adigu tahay qofka iska leh cinwaankaas, waxna laguma soo diri karo iyadoo aan la haysan Private key “Fure gaar ” kaasoo xariir kala dhaxeeyo Public key gaaga.
Tusaale sida uu u eg yahay Public key: 02c123d8a6b93d676493a980889a469e72e9b…
Private key waa furaha gurigaaga aad adigu leedahay, aan cid kale awood u lahayn inuu kula maamulo qofna lama wadaagaysi , sababtoo ah waa furaha sirta aad ku maamulatid gurigaaga oo ah halka ay kugu kaydsan tahay hantidaada.
Marka la joogo cryptocurrency Private key waa numbers qarsoon aad adigo leedahay kaasoo aad ku ilaalsatid hantidaada crypto gaar ahaan Non-Custodial wallets “Boorsooyinka aan gaarka loo lahayn ” waxaana loo adeegsadaa inaad ku saxiixdo transactions, Tusaale markaad dirayso lacagta BTC.
Private key waxa sidee kale loo adeegsadaa in xog lagu decrypt gareeyo ” lagu muujinayo” oo hadii qof uu kuu soo diro xog qarsoon tusaale ì524gsfdte%2#, waxaa adeegsanaysaa Private key si aad u hesho Plain tex “xogta qoraalka saxda ah “.
Hab qoraaledka Private key siduu u eg yahay:
” L1aW4aubDFB7yfras2S1mMEZDVz3r2AKuC3 “
Talooyin muhiim ah
Ha la wadaagin Private Key-gaaga qof kale
iIlaali sida aad u ilaalisid PIN-ka bangigaaga ama Password Email-kaaga.
Haddii aad dhumiso Private key “Furahaga gaarka ah ” Waxaa adkaanayso inaad soo ceshato lacagta crypto
Side ayee iskula shaqeyaan Public iyo Private Key cryptocurrency?

Markaad samaysato wallet cusub oo crypto ah tusaale Trust wallet, isla markiiba waxaa kuu sameysmayo Private key aad ku maamulan doonto Boorsadaada Digitaalka ah , waxaa kale uu ku siin doonaa Public key aad u adeegsan doonto in lacag lagugu soo diro walletkaaga.
Public key wuxuu ka dhex samaysamaa wallet address ka tusaale Bitcoin address, markaad aad rabto inaad lacag u dirto qofka kale wuxuu kuu soo dirayaa Public key giisa , Private key gaagu waxuu saxiixayaa transactions ka, shabakada blockchainna waxay hubinaysaa in Public keyga aad lacagta ku dirtay iyo saxiixa Private keygaaga inay is wafaqsan yihiin, hadii ay noqdaan kuwa is leh waxaa sidaa loo ansixinayaa lacag dirida macaamilka waxaana wallet kiisa ka soo muuqanayso lacagta crypto aad u dirtay tusaale USDT, BTC ama ETHer.
halkaan ka baro coursada Crypto bilaaw ilaa dhamaad