">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Waa Maxay Kharashka Gaaska (Gas Fee)? ⛽

Shabakadda Ethereum waa blockchain baahsan (decentralized) oo aan lahayn hal hay’ad ama cid gooni ah oo maamusha hawlaheeda. Sidaas darteed, waxaa lagu sameeyay hannaan looga hortagayo in shabakaddu cidhiidhi gasho ama lagu weeraro in jaam la geliyo. Hannaankan wuxuu sameynayaa in qofka dira lacag uu bixiyo kharash yar oo loo yaqaan Gas fee, kaas oo lagu abaalmariyo soo saarayaasha block-yada ee xaqiijiya diritaanka lacagta.

Sidoo kale Ethereum kaliya ma aha cidda hannaanka Gas fee adeegsata ee waxaa jira Network-yo badan oo Ethereum dabadood soo baxay balse Ethereum waa ciddii ugu horreysay ee hanaankan adeegsata.

Qaar ka mid ah Network-yadaas waxay soo baxeen 2016-kii markii uu qaaliyoobay Gas fee-ga ay qaadaysay Ethereum sababo la xidhiidha adeegsadayaasha oo ku batay, waxaana Network-yadaas ka mid ahaa Polygon, Optimism, BSC, Avalanche, Arbitrum, Fantom, Harmony, zkSync, Solana.

Inta aan ku guda jirno maqaalkan waxa aan tusaalayaasha ku soo qaadan doonnaa shabakadda Ethereum.

Kharashkan gaasku wuxuu qaab ahaan yahay ETH oo ah lacagta rasmiga ah ee Ethereum sidoo kale Network kasta lacagtiisa gaarka ah ayuu adeegsadaa, taas oo sidoo kale loo adeegsado wareejinta lacagta, bixinta abaalmarinta soo saarayaasha block-yada, iyo fulinta heshiisyada (smart contracts).

Habka uu u shaqeeyo kharashka gaasku wuxuu la mid yahay sida shidaalka ugu shaqeeyo gaadhiga. Si aad uga tagto Meel B una tagto Meel T, gaadhigu wuxuu u baahan yahay in lagu shubo shidaal ku filan.

Sidoo kale, lacag diridda Ethereum ma noqon karo mid guuleysta haddii aanu qofka diraya bixin gaas ku filan si uu u daboolo kharashka gaaska.

Sidee Loo bixiyaa kharashka Gaaska si aad lacag u dirto?

Kharashka gaaska waxaa si toos ah looga jaraa hadhaaga ETH ee wallet-kaaga, lagama jaro lacagta aad dirayso (ETH ama token kale). Waxaa loo jarayaa si degdeg ah isla waqtiga lacagta la dirayo, markaa uma baahnid inaad ka walwasho inaad “ilowdo” bixinta kharashka gaaska.

Tusaale ahaan: Haddii ay ku jirto 10 ETH wallet-kaaga, waxaadna dooneysaa inaad u dirto 1 ETH saaxiibkaa. Haddii kharashka gaasku yahay tusaale ahaan 0.5 ETH, saaxiibkaa wuxuu heli doonaa 1 ETH, halka 0.5 ETH lagaa jarayo si loogu bixiyo gaaska. Labadaas (1 ETH iyo 0.5 ETH) waxaa lagaa jarayaa hal transaction oo keliya. Marka lacag diritaankaas lagu guuleysto, waxaa kuu hadhaya 8.5 ETH.

Sidee Loo xisaabiyaa kharashka Gaaska?

Waxay ku xiran tahay nooca wallet-ka aad isticmaaleyso oo mararka qaar waxaad si toos ah u xisaabin kartaa kharashka gaaska.

Waxaa jira laba qodob oo muhiim ah marka la xisaabinayo kharashka gaaska:

Qiimaha Gaaska (Gas Price): Tani waxay la mid tahay qiimaha halkii litir ee shidaalka (e.g., $1/litir). Gas Price waxaa lagu cabbiraa GWEI (1 GWEI = 0.000000001 ETH).

Xadka Gaaska (Gas Limit): Tani waxay muujineysaa inta unug gaas ah ee aad diyaar u tahay inaad u qoondeyso lacag diridda.

Markaas Kharashka Gaaska (Gas Fee) = Qiimaha Gaaska (Gas Price) × Xadka Gaaska (Gas Limit).

Tusaale: Haddii shidaalka litirkiisu yahay $1, safarkaaga uu u baahanyahay 10 litir, waxaad u baahan doontaa $10.

Sidaas oo kale, haddii Gas Price = 1 GWEI iyo Gas Limit = 21,000:
Gas Fee = 1 × 21,000 = 0.000021 ETH.

Fiiro gaar ah: lacag diridda caadiga ah sida dirista ETH, Gas Limit 21,000 ah ayaa ku filan. Hase yeeshee, haddii aad la falgaleyso smart contracts oo aad rabto inaad noqoto cidda ugu horreysa ee loo adeego, waxaad u baahan tahay inaad kor u qaaddo Gas Limit-kaaga.

Qaabka Cusub ee Kharashka Gaaska kadib EIP-1559

Taariikhdu markay ahayd 5tii August 2021-kii, Ethereum waxay sameysay horumar weyn oo loo yaqaan London Hard Fork, kaas oo ay ku jiraan 5 EIP (Ethereum Improvement Proposals). Midka ugu weyn, EIP-1559, wuxuu beddelay habkii hore ee xisaabinta kharashka gaaska.

Waxa uu meesha ka saaray nidaamkii “first-price auction” ahaa, wuxuuna keenay nidaam cusub oo ku saleysan:

Base Fee: Gas fee-ga waxaa go’aamiya shabakadda.

Max Priority Fee (Miner Tip): Waxaa dejin kara isticmaalaha. Waa dhiirrigelin toos ah oo loo diro block-producers-ka.

Max Fee Per Gas: Tani waa qiimaha ugu badan ee aad diyaar u tahay inaad ku bixiso si wax diritaankaaga loogu daro block.

Ujeeddada EIP-1559 waa in la helo qiyaas kharash oo sax ah iyo in la yareeyo kala duwanaanta qiimaha marka baahidu sareyso ee suuqu jaamka yahay. Hab diriddii hore wali waa la adeegsadaa (Type 0) ayaa loo yaqaan, halka Hab diriddan cusub ee ku saleysan EIP-1559 loo yaqaan (Type 2). Nooca Hab diridda waxaa laga arki karaa Transaction Details-ka.

Transaction aan sameyney xogtiisa

Imisa Gas fee ah ayaa kugu filan?

Maadaama kharashka gaasku yahay abaalmarinta soo saarayaasha block-yada, ma jirto hal qiyaas oo rasmi ah. Waxay si toos ah ugu xidhan tahay heerka jaamka shabakadda. Marka is-cidhiidhintu badato, waxaad u baahan tahay inaad ku talogasho kharash gaas oo sarreeya.

Si loola socdo arrintan, Etherscan waxay bixisaa adeeg la yidhaahdo Gas Tracker. Waxay falanqeysaa taraafikada blockchain-ka waxayna siisaa talooyin ku saabsan kharashyada gaaska ee ku habboon waqtigaas.

Hadduu dhammaado Gaas-ku maxaa dhici (Out of Gas)?

Marka diritaan uu guuldareysto sabab la xidhiidha qalad “Out of Gas” ah, tani waxay ka dhigan tahay in xadka gaaska ee aad ogoshahay uu ka yar yahay inta loo baahan yahay si loo fuliyo diritaanka. Markan oo kale lacagtu kama baxayso wallet-kaaga, balse kharashka gaaska waa lagaa jarayaa sababtoo ah isticmaalka awood xisaabeed-ka (computational cost) loo adeegsaday in laguu sheego in lacagtaadu kugu filneyn.

Waxaad u baahan tahay inaad dib u bilowdo lacag diridda adigoo kordhinaya Gas Limit-ka. Wallet-yadu badanaa waxay si toos ah kuu siiyaan talooyin ku saabsan xadka ku habboon.

Sababaha suuragalka ah ee keeni kara qaladka “Out of Gas”:

  • xaddi gaas oo aan ku filnayn oo aad oggolaatay(tusaale waa adigoo oggol $1 halka loo baahnaa $5).
  • Haddii aad la falgaleyso Contract, waxaa looga baahan yahay xad gaas oo ka badan 21,000 (isku day inaad kor u qaaddo Gas fee-ga!).
  • Fulinta heshiiska oo dhaafta xadka ugu yar ee gaaska.
  • Khalad ku yimid fulinta contract-ka, balse Virtual Machine-ka ayaa sii waday ilaa uu gaasku ka dhammaado.

Talo ahaan had iyo jeer ku hayso ETH dheeraad ah ciwaankaaga. Haddii aad dirayso ETH ama token-nooc kale ah, xasuusnow in kharashka gaasku had iyo jeer yahay ETH. Waa muhiim inaad haysato ETH yar oo dheeraad ah si aadan uga hadhin lacag diridmuhiim ah.

Halkeen ka helayaa Gas fee-ga?

Ogow:- lacagta aad doonto dir sida Bitcoin, Ether, XRP…. IWM, waxaa qasab ah shabakadda aad adeegsanayso inaad lacagteeda aad haysato si aad u hesho adeegyadooda.

Taran App waa app kuu sahlaya isku beddelka lacagaha digital-ka (USDT iyo USDC) iyo kuwa mobile-ka (EVC, M-Pesa, Premier Wallet…IWM) sido kale waxaad ka heli kartaa Gas fee-ga (Tron iyo BNB).

Horay waxay bixin jireen TRON. hadda waxaa ku soo kordhay BNB. mustaqbalka dhowna waxaa lagu soo kordhin doonaa SOL.
Waxaa kuugu diyaar ah Taran App dhallinyar kula luuqad ah oo wax walba aad isu fahmaysaan, sinnaba lacagtaada haddii aad waddo sax ah u marto kaa lumi mayso.

Sidee Gas Fee uga heli kartaa Taran App?

Halkaan transaction kasamee adiga oo Gas fee BNB ah sarifanaya, Si aad u hesho Gas Fee, waa inaad:

  1. Ku kaydiso (save gareyso) accoun-kaaga Taran App, wallet address aad Gas Fee ku dirsaneyso (haddii uusan horey kuugu jirin).
  2. Isku baddelo (convert) Gas Fee adiga oo adeegsanaya Fiat (lacag dollar ah) sida:
    o EVC Premier Wallet
    o Zaad
    o Mpesa

Fiiro Gaar ah (FG): Taran App kaliya waa laga qataa (Withdraw) Gas Fee-ga ee laguma soo diri karo, mana aqbalayo inaad adigu Gas fee usoo dirto app-ka.

Qiimaha ugu yar ee laga sarifan karo Gas fee waa $2.00.

Haddaba Taran App kala soo dag

ama

Dhawaan naga filo muuqaal aan ku sharraxayno sida aad App-kan u adeegsan karto, fadlan nagala soco YouTube-keenna.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

Leave a comment