Liquidity waa awooda si dhakhso ah oo fudud loo kala iibsan karo ama la iskaga iibin karo hanti sida Crypto, Stock ama real estate iyada oo aan la saamayn suuqa, si fududud waxaa doonaysaa inaad iibsato ama iska iibiso Coin-ka tusaale BTC waa inaysan saamayn suuqa micnaheeda ganacsiga aad samaynayso waa inusan suuqa hoos u dhicin ama kor u kicin. Hadii lacag crypto suuqa la iskaga iibin karo si deg deg ah iyadoo aan qiimaha si aad u dhicin waxaa la yiraahdaa waa Liquidity sare ‘High liquidity’. Balse hadii la waayo qof iibsado ama si deg deg ah uu qiimaha hoos ugu dhaco marka la doonaayo in la iska iibiyo waxaa la yiraahdaa suuqa waxuu leeyahay Liquidity hose ‘Low Liquidity’
Tusaale: Coin-ka Bitcoin waxuu leeyahay Liquidity aad u sarayso maadaama si fudud loo kala iibsado ayna jiraan dad rabo inay iibsadaan iyo kuwa raba inay iska iibiyaan. Altcoins-ka qaar waxa ay leeyihiin liquidity aad u hoosayso, waxaana adag in si fudud loo kala iibsado. Dollarka (USD) waxuu leeyahay Liquidity aad u badan maadaama uu yahay lacagta lagu isticmaalka badan yahay caalamka.
Waa maxay farqiga u dhaxeeyo Centralised Liquidity iyo Decentralized Liquidity?
Centralized Liquidity waa marka lacagaha crypto lagu haayo hal meel oo dhexe ayna maamulaan cid saddexaad sida shirkad ama exchange ‘sarifle’ sida Binance, Coinbase ama Bybit. Waxay leeyihiin Order book halkaas oo lagu soo bandhigo amarada dadka iibisashada iyo iska iibinta, waxay haayaan Liquidity aad u badan ee lacagaha Crypto sida Bitcoin, ETH ama USDT, waxaa si fudud lagu dhex iibsan karaa ama la iskaga iibin karaa Crypto.
Decentralized Liquidity waa marka lacagaha Digitalka ee Crypto lagu keediyo liquidity pools halkaas oo dadka caadiga ah ku shubaan iyagoo pair ah ‘labo labo isku xeran’ ETH/USDT ayna ku shaqeyaan suuqyada Dex sida Uniswap ama PancakeSwap, waxay leeyihiin liquidity hoose oo badanaa si fudud laguma dhex ganacsan karo mana ka dhex dhacdo xaddi wayn oo iibin ama iska iibsasho ah
Maxaa liquidity muhiim ka dhigay?

Liquidity waxaa lagu cabiraa habka fudud oo crypto la iskaga iibsan karo ama loo iibsan karo iyadoo aan si wayn loo saamayn suuqa, hadii liquidity-ga suuqa uu sareeyo waxaa yaraado Volatility in qiimayaasha lacagaha crypto ay hoos u dhacaan, suuqyada Dex-ga hadii liquidity pool-ka uu buuxa waxaa yaraado Slippage.
Waa maxay Liquidity pool?
Liquidity pool waa bakhaar ama meel wax lagu keediyo si ay u fududaato in wax la is-weydaarsado, waxay dadka ku shubaan lacag crypto iyagoo lamaane ah si ay u helaan return fee marka isticmaalayaasha ay sameeyaan SWAP, waxaa loo adeegsadaa suuqyada DEx-ga kuwaasoo aan lahayn ama maamulin awood dhexe
Tusaale: waxaad 100 coin-ka $BNB iyo 100 token-ka $USDT, ku xeraysaa locked suuqa Dex aad isticmaalayso sida UniSwap adiga waxaad noqonaysaa Liquidity provider maadaama aad fududeysay ganacsiga ka dhex dhacaayo madasha, marka uu qof kale sameeyo SWAP oo laba lacag isku badelo tusaale lacagtii aad dhigtay madasha mid ka mid ah USDT waxaad haleysaa fee iyo mararka qaarna waxay bixiyaan interest ‘dulsaar’.
Waa maxay Liquidity provider?
Liquidity provider waa qofka doonaya inuu Crypto ku shubo ama ku xero Pool si uu u fududeeyo ganacsiga madasha uuna u helo transaction fee iyo reward.
Hadii liquidity-ga suuqyada Crypto ay sarayso maxaa dhacaya?
Hadii liquidty-ga suuqa Crypto uu sareeyo waxaa dhici doono arimahaan soo socda
- Waxaa sare u kaca qiimayaasha lacagaha Crypto
- Waxaa maalgalin sameeyo uu suuqa soo galo whales ‘dadka raba inay iibsadaan lacag Crypro oo badan’
- Waxaa Coinka BTC soo gasho Volume ‘hanti aad u badan’
- Waxa si fudud la iskaga iibin karaa ama loo iibsan karaa lacag Crypto maadaama Demand-ka suuqa uu aad u sareeyo.
- Waxaa dhacdo waqtigaan oo kale HOLD oo maalgashiyaasha waxay sameyaan kaydsasho
Hadii liquidity-ga ay hoosayso maxaa dhacaya?
Hadii suuqyada liquidity-gooda ay hoos u dhacdo waxaa dhici doono arimaahaan soo socda kuwaasoo qiimayaasha lacagaha Crypto ay hoos u dhac wayn samayn doonaan
- Maalgashiyaasha suuqa uu sameeyo iska iibin aad u badan ‘Panic Sell’
- Suuqa crypto uu ka soo baxo arimo saameeyo ganacsigiisa sida hacking
- Coins-fake ah oo la sameeyo kuwaasoo ay ka dambeeyaan scammers
- Demand-ka suuqa uu hoos u dhaco ‘dadka rabo inay maalgashadan oo iibsadaan crypto oo yaraada.
- Waxaa adag in la iska iibiyo lacag Crypto maadaama Supply-ga uu ka badan yahay Deman-ka Suuqa oo dadka badankooda ay sammeynayaan iska iibin.
Halkaan ka baro Coursada Crypto