Market Volatility waa heerka dhaq-dhaqaaq uu qiimaha suuqu crypto ama stock si degdeg ah kor ama hoos ugu dhaqaaqo waqti gaaban gudaheed, waana arinta keento faa’iido ama khasaare deg-deg ah.
Marka loo eego suuqyada kale ee maaliyada, suuqa Cryptocurrency waa midka ugu Volatility badan, waxaana jirto sababo badan oo keento arintaas. Inkastoo ay dhamaan suuqyada maaliyada Volatile-ty ka wada saminyihiin kolka ay dhacdo arin dhamaantood saamayn ku leh sida dagaalada, heshiisyada dhaqaale, sacir bararka, canshuuraha iyo intrest rate-ka.
Maxuu suuqa Cryptocurrency u yahay mid aad Volatile u ah?
Suuqa Cryptocurrency wuu ka Volitile badan yahay suuqyada kale ee maaliyada sida Suuqa saamiyada, Commudity iyo Forex, waxaana jirto dhowr arimood oo sabab u ah in suuqa cryptocurrency uu noqdo mid more volatile ah uu si dhaqso aan la filayn khasaare iyo faa’ido u sameeyo, waxaa ka mid ah:
- Speculation, inta badan maalgashiyaasha suuqa cryptocurrency ma adeegsadaan DYOR’ –baaritaan u gaar ah suuqa kuma soo galaan, oo si cilmiyeesan uma baaraan waxa ay maalgashanayaan waxay suuqa ku soo galaan Hype, News, iyo projects loo xayeesiiyay taasoo keenta marka ay arkaan in maalgashigooda uu hoos u dhacaayo ay sameyaan panic sell ‘cabsi ku iibiyaan maalgashigooda’ midaas waxay keentaa in suuqa dhan hoos u dhaco.
- Scam and hacking, suuqa cryptocurrency waxuu ugu duwan yahay suuqyada kale ee maaliyada inuu yahay suuq furan aan jirin cid dhexe oo maamusho taas u sahlan inay ka qaraabtaan hackers-ka iyo scammers-ka ugu waa wayn caalamka ayna ku dhacaan balaayiin lacago ah, marka ay dhacdo Scam ama Hacking waxay durba saamaysaa suuqa oo idil waxaana hoos u dhacaayo dhamaan qiimaha lacagaha cryptocurrency.
- Lack of regulation, suuqa cryptocurrency si ka duwan suuqyada kale ee maaliyada ma lahan awood dhaxe oo maamusha sida dowlad, banki ama koox gaar ah oo u sameeyso sharciyo ay ku hagaan qiimaha lacagta, sababta loo sameeye lacagahaan Crypto waa in laga madax banaanaado awood dhexe oo maamusho hantida shaqsiga.
- Low liquidity, lacagaha yar marketcap kooda ay ka dambeeyaan scammers waxay ku sameyaan Pump and Dump oo ah inay galiyaan lacag yar mashruuca marka la wada maalgashto way ugu baxaan taasoo ah Speculation-ka ugu wayn suuqa, badanaa waxay ka dhacdaa arintaa MemoCoins-ka “lacagaha crypto aan wax qiimo ku fadhin” “Diinta islaamka arintaan way xaaraantimeysay”
- Global 24/7 Market, suuqa cryptocurrency waa mid furan 24 saac todoba maalmood ma lahan waqti gaar uu xeran yahay iyo cid gaar ah oo amaro ka soo saarto taas oo ah in qiimaha lacagaha inay is bed-bedelaan waqti kasto.
Tusaale ku saabsan Volatility suuqa Crypto
Haddii qiimaha Bitcoin uu maanta yahay halkii xabo $110,550
→ Maalmo gudaheed waxa uu kor u kici karaa $120,245
→ markale waxa uu hoos u dhaci karaa waqti yar gudaheed $105,000
Taas waxaa la dhahaa volatility— sababtoo ah isbedbedel degdeg ah buu sameeyay.
Balse lacagaha crypto ma wada ahan dhamaantood Volatility, tusaale coinka XRP in ka badan 7 sanno waxuu qiimihiisa u dhaxeyaa $10 ilaa $1. Sidoo kale maalin walibo ma ahan suuqa mid Volitile ah marka ay dhacdo arin wayn oo saamayso suuqa ayuu Volitile noqdaa.
Maxaa Sababa oo keeno Volatility-ga suuqa Crypto?

Waxyaabaha keenno Volatile-ga suuqa Cryptocurrency wax aka mid ah:
- War degdeg ah – sida Regulation, hacking, interest rate iwm.
- Whales – kuwa haysta crypto badan oo si weyn u iibiyo ama u iibsado
- Supply & Demand – Marka dalabyo badan ay bilaawdaan suuqa crypto sare ayuu u kacaa
- Sentiment – Cabsi ama rajada maalgashi (Fear & Greed) ay ka qabaan suuqa Maalgashiyaasha, hadii ay jirto rajo maalgashi xoogan suuqa wuu kordhaa balse hadii ay jirto cabsi suuq hoos buu u dhacaa
Sida Loo Maareeyaa oo lagu hortaga Market Volatility suuqa Crypto?
Marka suuqu noqdo mid qiimihiisa si degdeg ah u kacaya ama hoos u dhacaya waxaa lagama maarmaan ah in la isticmaalo xeelado la iskaga difaaca khasaaraha laguna hortago inuu saameeyo maalgashiga. Waxaa ka mid ah xeeladahaas:
- Stop-Loss
Isticmaal Stop loss haddii uu gaaro maalgashigaaga qiimo go’an oo target kaaga ahaa, si toos laguugu iibiyo coinka.
- Take-Profit
Samayso boos-ka aad ka qaadan laheed faa’idada hadii aad trade ugu jirto suuqa, si aysan faa’iidadaada hoos u dhicin.
- Diversification
Ha gelin lacagtaada oo dhan hal coin, adeegso xeelada Diversification portfolio.
- Trailing Stop
Isticmaal trailing Stop si aad ugu hortagto qasaaraha maalgashigaaga, hadii aad faa’ido ku jirto.
- Ka fogow FOMO
Ha raacin suuqa marka uu kor u socdo, sug ilaa uu ka sameysanaayo correction, si aad u hesho booska ku haboon aad Buy ka dhihi karto.
Maxay yihiin Tools lagu ogaado Volatility-ga Suuqa Crypto?

Waxaa jira tools iyo websites muhiim ah kuwaasoo kuu sheegaya marka uu suuqu u volatil-yahay Qaar ka mid ah waa kuwaan:
- Fear & Greed Index: waa tool lagu cabiro dareenka suuqa ay ka qabaan maalgashiyaasha alternative.me/crypto/fear-and-greed-index
- CoinMarketCap: waa platform ugu caansan suuqa crypto waxuuna muujiyaa coins-ka ugu dhaqdhaqaaqa badan suuqa. https://coinmarketcap.com/
- TradingView: Waa tool loo adeegsado dhamaan suuqyada maaliyada, gaar ahaan suuqa crypto waxuu muhiim u yahey traders-ka, waxaana laga helaa Charst indicators iyo Candles. https://www.tradingview.com/
Halkaan ka baro Coursada Crypto bilaaw ilaa dhamaad