Smart Contract waa mid ka mid fahanka ugu muhiimsan sal-dhigna u ah technologiyada Blockchain, waa ass-aaska la adeegsado marka la sameynaayo Mashruuc Crypto xogtiisa lagu kaydiyo Blockchain-ta, waxaa ka mid ah Blockchains-ka suurta galiyay in la abuuro smart Contract Ethereum, Solana, Binance smart chain iyo Tron oo mid walibo lagu dul dhiso mashruuc gaar ah sida fungible token ama Non-Fungible tokens-NFTs.
Qayxitaankiisa kooban waxuu noqonayaa Smart contract waa barnaamijyo ku gaydsan xogtooda Blockchain-ta kuna shaqeeyo oo si otomatig ah u fuliyo amaro iyo heshiisyo marka shuruud hore la dhigo, tusaale waxaa la qoraa Code kooban oo dijitaal ah oo si toos ah u fuliyo amaro marka la go’aamiyo iyadoo aan loo baahnayn cid dhexe oo maamusha ‘Control’
Smart Contract waxa uu leeyahay astaamo gaar ah kuwaasoo sahlaayo in barnamijyada lagu sameeye ay noqdaan kuwa Decentralized ah aan ku xerneen server dhexe oo laga maamulaayo hal meel wuxuuna ka shaqeeyaa laguna keydiyaa xogtiisa blockchainta. Immutable ah marka la deploy-gareeyo, lama beddeli karo xogta xitaa developer-ka samweeye ma badeli karo. Transparent Koodhka la adeegsaday qof kasta wuu arki karaa waa open-source. Automatic wax walba si toos ah ayuu u fulmaan loomana baahno middlemen, waa Trustless uma baahnid inaad aamin tid cid dhexe blockchainta ayaa xaqiijisa xog walibo oo mashruucaas ku saabsan.
Sidee ayuu u shaqeeyaa Smart Contract-ku?
- Waxaa la qoraa code xogtiisa lagu keediyo Blockchain iyadoo la adeegsanaayo luqadaha sida Solidity (Ethereum), Rust (Solana).
- Waxaa lagu Deploy-gareeyaa Code ka Blockchainta tusaale Solana Blockchain
- Marka code-ka xogtiisa lagu keediyo Blockchainta waxaa la sameyaa testnet ‘tijaabo sida in la bixiyo amaro wareeji lacag, hubi transaction-ka, kaydi xogta Block-ga iwm
Tusaale sida smart contract-gu wax u xisaabiyo, waxaana tusaale u soo qaadanaynaa mashruuc Digital Real estate ah loo adeegsaday Smart contract, xogtiisana lagu diwaan galinaayo Blockchain-ta
- Kiraystaha guriga digital-ka eh wuxuu dirayaa $100 USDT
- Smart contract wuxuu hubiyaa in lacagta timid ay sax tahay, wallet-ka laga soo diray uu diwan galiyaya Digital signature-ka qofka diraayo.
- Wuxuu si toos ah ugu diwaan galiyaa kiraystaha siiyaana awood malkiyada helitaanka guriga digitaalka eh ama NFT-ga
- Haddii waqtigu dhamaado guriga digitaalka “metaverse’ waa la xeraa, oo waxaa halkaas ku dhamaanayo heshiiskii horey u jiray.
Meelaha loo adeegsado Smart contrat

Smart contract si guud waxaa loo adeegsadaa wax walibo oo la xariiro technologiyada Blockchain iyo cryptocurrency hadii ay noqoto adeeg maaliyadeed ama adeegyada caadiga ah sida Meteverse, NFTs waxaa ka mid ah meelaha loo adeegsado:
- Token Standards; Samayna fungible tokens ama Non-fungible tokens ee lacagaha cryptocurrency, kuwaasoo loo adeegsado in lagu dulsameeyo Coins-ka Blockchains-ka leh sida Ethereum, Solana, Cardano, Sui iyo Xrp.
- Crypto Wallets ‘Boorsooyinka suuqa crypto oo lagu kaydsado lacagaha crypto Sida MetaMask, Trust wallet, Phantom, Toonkeeper iyo Binance Wallet.
- Decentralised Exchanges ‘suuqyada Crypto aan laheen cid dhexe oo maamusho Sida Uniswap, Raydium, Pankswap waxay adeegsadaan smart contracts si loo sameeyo Buy iyo Sell.
- DeFi Lending ‘Plattformada lagu kala qaato amaahda lacagaha Crypto waxay adeegsadaan Smart contract uu fuliyo amarada dalabka waxaa ka mid ah Compound, Aave iyo Venus
- Insurance ‘waxaa loo adeegsadaa Smart Contract barnaamijyada Caymiska si Decentralised ah
- DAO Voting ‘madalaha Decentralized Autonomous organization ee lagu bixiyo codbixinta si decentralized ah oo ku dhisan Blockchain-ta waxaa la qoraa Code Smart Contract ah si madasha ay u ahaato mid madax banaan aan wax laga badeli Karin.
- NFTs ‘Smart contract ayaa xaqiijiya lahaanshaha cid sida dhabta ah u leh NFT-ga ku dhisan ERC-721.
Luqaadaha la adeegsado si loo qoro Code Smart Contract ah
Blockchain walibo waxa ay leedahay luqad iyada u gaar oo lagu dhiso Fungible iyo Non-Fungible Tokens, waxaana jirto labo Ecosystem oo la kala yiraahdo EVM-Ethereum virtual machine iyo Non-EVM machines. kuwaasoo loo adeegsado luqado kala duwan dhamaan EVMs-ku waxaa loo adeegsamaa samayntooda hal Luqad oo la yiraahdo Solidity halka Non-EVMs-ku lo adeegsado luqado kala duwan, waxaynaleeyihiin addresses kala duwan waxaana ugu caansan Solana oo address keeda ka bilaawdo 6H6…, halka EVMs-ku ay leeyihiin hal Address isku mid ah oo ka bilaaawdo Ox….,
Side loo sameyaa Smart contract ku kaydsan xogtiisa blockchain-ta?
Waxaad u baahantahay si aad qorto code Smart Contract ah oo xogtiisa lagu kaydiyo Blockchain-ta,
- Browser aad ka booqato madasha aad rabto inaad adeegsato sida Brave Chrome, Firefox iwm
- Wallet ‘boorso digital ah si aad ugu xirtid aad ugu samaysid testnet ama mainnet siida MetaMask
- Platform ama tool aad ku qortid code-ka kuna tijaabisid oona ku deploy garaysid smart contract-ga sida Remix IDE loo adeegsado in lagu dhiso mashaariicda ethereum.
Halkaan ka baro coursada crypto