">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Solana waa madal blockchain loogu talagalay in ay bixiso adeegyo sida, xawaare sare, qiimo jaban, iyo isticmaal sahlan marka loo barbar dhigo blockchain-yada kale sida Ethereum.

Waxaa la sameeyay sanadkii 2020, waxaana sameeyay Anatoly Yakovenko oo hore uga soo shaqeeyay shirkadda Qualcomm.

Solana Blockcahin waxay bixisaa adeegyo u sahlaya developers-ka inay ku dhisaan Tokens, Memocoins, decentralized applications (DApps), Gaming, NFTs, iyo DeFi platforms. Waxa ay ku shaqeysaa Blockchain-keeda habka Prof of Stake iyo Proof of History (PoH) oo lagu maamulo amaanka shabakadda Solana.

Sidee ayuu u shaqeyaa Solana Blockchain? 

Solana waxay isticmaashaa isku-dar ka Proof of History (PoH) iyo Proof of Stake (PoS).

Habka Proof of History -PoH wuxuu ka dhigaa Blockchain-ta Solana mid xawaare sare leh.

Habka Proof of Stake (PoS) Xubin kasta (validators) oo ka mid ah shabakadda Solana wuxa ay hubisaa (validate) wax kala iibsiga iyadoo lagu saleynayo tirada Solana ee Stake gareeyeen ‘ku taageereen shabakadda’ taasoo lagu maarmo adeegsiga baahi loo qabo in la isticmaalo tamar xogan iyo Computero awood leh adeegsado sida Bitcoin mining.

Qaabkan isku dhafan ayaa u suurta galiyay Blockchainta Solana in uu aqbalo 65,000 transactions per second (TPS), taasoo aad uga badan int ay aqbalaan Blockchains –ka kale sida Ethereum iyo Bitcoin.

Adeegyada uu Bixiyo Blockchainta Solana?

Blockchainta Solana waxuu bixiyaa adeegyo kala duwan taasso ka caawiso Developers-ka inay si fudud u sameeyaan barnaamijyo ay ku dhisaan Blockchain –ta Solana, waxaa ka mid ah adeegyada iyo faa’da uu lee yahay Blockchain-ta Solana 

  • Xawaare Sare: waxuu aqbali karaa uuna diwaangaliyaa Blockchain-ta Solana halkii Second 65,000 transaction  
  • Qiimo jaban: Marka la adeegsanaayo shabakada Solana si loo diro lacag, waxuu qaadaa fee aad u yar qiyaastii 0.01 ilaa 0.05 halkii transaction taasoo ah mid ka qiimo jaban shabakadaha kale sida ERC-20 uu leeyahay Ethereum.
  •  Scalability: Blockchain-ta Solana waxuu leeyahay awoodda sarre midaasuu aqbali karo in lagu dul sameeyo mashruucyo.
  • DeFi platform’s: Blockchainta Solana waxaa loo adeegsadaa suuqyada DeFi, waxuuna jiro suuqyo madax banaan ee lagu dul dhisay Sida Jupiter
  • DApps: Blockchainta Solana waxaa lagu dul sameeyay in ka badan 400 oo Decentralized Application ah.
  • NFTS: Solana Blockchain waxaa loo adeegsadaa in lagu abuuro NFTs-yada waxaa jiro suuqyo uu leeyahay Sida Magic.Eden.
  • Memocoins: Blockchainta Solana waa kan ugu badan ee loo adeegsado samaynta lacagaha aan ku fadhin wax qiimo waxaana ugu caansan ee lagu sameeyay Bonki, PNUT.

Waa maxay Sol?

SOL waa lacagta rasmiga ah uu leeyahay Solana blockchain, waxaana loo adeegsadaa in lagu bixiyo adeegyada madasha, waxaana maalgashto ha’yadaha maalgashiga ku sameeyo lacagaha Digital-ka ee Crypto iyo retail tyraders-ka si ay faa’ido ugu sameeyaan. Waxyaabaha loo adeegsado lacagta Sol waxaa ka mid ah:

  • Transaction Fees: Waxaa loo isticmaalaa bixinta kharashaadka macaamilka ee shabbakada marka la adeegsanaayo iyo bixinta qidmadda marka wax lagu dul sameynaayo Blockchain-ta Solana.
  • Staking: waa lagu taageeraa Amaanka Blockchain-ta iyadoo lagu sameynaayo “stake” lacagta si loo helo awaal-marin (rewards).
  • Governance: waxaa lagu bixiyaa Codayn, dadka haaysto lcagta Sol ee maalgashiga ku sameeyay waxay xaq u leeyihiin inay cod bixiyaan marka wax ka baddel lagu sameynaayo Blockchainta
  • Ka qayb galka DeFi: Lacagta Sol waxaa loo adeegsadaa in wax lagu dhex iibsado, lagu iibiyo, lagu dhex amaahiyo ama lagu amaahsado Suuqyada deFi iyadoo la bixinaayo dulsaar ama la kasbanaayo. (Middaas-na waa xaaraan in loo adeegsado).
  • Maalgashiga MemoCoins-ka: lacagta Sol waxaa lagu maalgashtaa lacagaha bilaa mashruuc ah oo loo sameeyo qaab kaftan ah iyadoo la rajeenaayo in laga helo faa’ido deg-deg ah.
  • Iibsashada NFTs: lacagta Sol waxaalagu iibsadaa lana iskaga iibiyaa farshaxans-ka Digital-ka eh ee xogtooda lagu keediyo Blockchains-ka.
  • Adeegsiga DApps: Lacagta Sol waxaa loo isticmaalaa in lagu qayb galo Decentralized Application ‘platform’s yada aan laheen cid dhexe oo maamusha’. 

Maxay diinta Islaamka ka qabtaa in la iibsado oo la maalgashto Lacagta Sol?

Culimada iska leh baraha Telegram ee Crypto Halal iyo Crypto Islam kana faalooda lacagahaan Crypto waxay ku sheegayn in Coin-ka Sol uu yahay mid Xalaal oo la iibsan karo lana maalgashan karo balse waa in aan loo adeegsan Future trading iyo Leverage.

Mustaqbalka Solana

Mustaqbalka Solana wuxuu u muuqdaa mid rajo leh, iyadoo ay jiraan dhowr arrimood oo muhim ah sida maalgashiga xoogan oo lagu sameynaayo lacagta $Sol iyo adeegsiga Web3 paltforms. Solana Labs iyo Solana Foundation waxay sii wadaan horumarinta xasilloonida, xawaaraha, iyo kor u qaadidda Blockchain-ta Solana. Haddii ay ay xaliyaan arimahaas la xiriira scalability –ga Shabbaka ka iyo Decentralization-ka madasha. waxay noqon doontaa mid kamid ah blockchain-yada ugu saameynta badan Cryptocurrency oo la tartanto Bitcoin.

Halkaan ka baro Coursada Cryptocurrency

Leave a comment