Stable coins waa nooc ka mid ah lacagaha crypto, aan lahayn wax volatile ‘is bed bedel qiimo saa’id ah’ waxayna leeyihiin qiimo go’an “Stable Value”, waxaana loo adeegsadaa in lagu kaydsao hantida ‘reserve’ waana buundada ‘Bridge’ isku xirto Fiat currency iyo Cryptocurency.
Lacagahaan Stable Coins way ka dambayeen Bitcoin, maadaama ay crypto tahey ‘More volatile’ tahay oo markii aad lacag crypto qof u diraysi iyadoo aan gaarin qofkaas ay is badalayso qiimaheeda, waxaa loo baahday in la helo lacago stable ah oo crypro ka dirsan suurtagalinaayso in qiimaha aan is bad bedalin, loona isticmaali karo in la kaydsado ‘reserve asset’ laguna lamaani karo lacagaha crypto sida; USDT/BTC, ETH/USDT, XRP/USDC.
Lacagtii ugu horaysay ee stable coin waxay aheed tether (USDT), waxaana la soo saaray ‘launched’ 2014 lacagtaan.
Lacagahaan Stable coins ka waxaa ka dambeeyo ‘pegged’ u ah qiimahoodana lagu ilaaliyaa hanti kaydsan ‘reserve asset’ waxayna noqon kartaa lacagaha caadiga ‘Fiat currency’ sida Dollar, Euro ama Yuan Chain, ‘Commodity money’ lacago badeeco sida dahab-ka ama Silver ‘qalinka’, ‘Cryptocurrency’ waxaa jiro stable coins pegged u ah lacagaha digitalka ee crypto sida Eth, Xrp, iyo Sol.
Noocyada Stable coins ka?
Waxaa jiro qaybo badan oo stable coins’ ah, balse waxaa ugu muhiimsan ee la isticmaalaa Saddex nooc, waxayna kala yihiin:
- Fiat Collateralized Stable Coins: Waa lacago Stable coin ay ka dambayso ‘pegged’ u ah Fat currency waxayna qiimahooda u dhigmaan lacaga caadiga ah 1:1 sida doolarka iyo Euro, waxaana ugu caansan lacagaha noocaan ee stable coin Tether –USDT, iyo Circle-USDC, inta lacag stable coin suuqa Digital-ka ee crypto ku jirto in u dhiganto ayaa u gaydsan oo cash ah companyada soo saarana lacaghaan Stable coin-ka noocaan mar walibo ay soo galinayaan suuqa lacag stable coin waxaa qasab ah in u dhiganto oo lacag fiat ah in ay u kaydsan tahey ama Bank u taalo si loo ilaaliyo qiimahooda.
Waa Maxay Tether LTD?
Tether LTD, waa Company soo saaro lacagta USDT, waxaana la aas aasay 2024tii, waxayna xaruuntiisa ku taalaa Hon kong, waxaa ka dambeeyo oo maamulo Exchange Bitfinex, Company-gaan waxuu sheegaa lacag walibo ee USDT crypto uu mint gareeyo inay u taalo in u dhiganto oo cash ah, hayada u qaablisan amniga dhaqaalaha ee maraykan, SEC ayaa ku dhagan compny-gaan waana Stable coink-ka ugu caansan suuqa Crypto, waxaana isticmaalo Exchange-yada ugu wayn suuqa crypto sida Binance iyo Bybit, balse bilo ka hor waxaa laga saaray Exchange-ka Coin base sababo la xariiro sharci owgeed.
Waa Maxay Circle?
Circle, waa company soo saaro lacagta stable coin-ka USDC, waxayna ku taalaa xaruuntiisa maraykan, waxuuna ka shaqayaa technologyada, waxa uu ‘partnership’ la leeyahey exchange coin base, waana company sharciyadiisa u dhamaystiran yihiin, waxaana u kaydsan in u dhiganto oo lacag ah inta uu soo galiyo stable coin suuqa Digital-ka ee Crypto.
2. Crypto Collateralized Stable Coins: Waa lacago stable coin backed u ah ka dambeeyo lacagaha Digital-ka ee crypto kuwooda ugu market cap-ka wayn, waxaana lagu ilaaliyaa qiimahooda ‘Price Stability’ iyada oo la adeegsanaayo Smart contract ‘heshiisyada caqliga ku dhisan’ waxaa ugu caansan lacagta DAI oo backed u ah Ethereum, SUSD oo ka dambayso SNX token iyo RLUSD ay soo saarto Xrp.
3. Algorithm stable Coins: waa lacago stable Coin aan lahayn wax backed u ah ma jirto ‘asset’ hanti ka dambayso oo lagu ilaaliyo qiimahooda inta suuqa ku jirto lacgtaas, waxayna adeegsadaan nidaam algorithmic si loo ilaaliyo ‘Supply’ inta suuqa la soo galinaayo waxaa ugu caansanaa lacagaha Stable Coin-ka noocaan Terra UST oo ku xernayd algrothim coin terra Luna waxayna ‘crash’ garowday suuqa ka baxdey lacagtaan 2022-dii, waxuuna imaaday qiimaha stable coin-kaas 0.010 markii lacagtii lagu xeray ay qiimaheeda si wayn u bur burtey.
Lacagaha Stable Coin ma la maamulaa ‘Central’ Mise waa ‘Decentral” lama maamulo?
Si guud ula jeedka lacagaha Crypto loo sameeye waa in laga maarmo cid dhexe sida bank, hay’ad, dowladba iyo ‘inflation’ Sicir bararka ay samayaan lacagaha wadamada ay leeyihiin.
marka Stable coins-ka waa bridge isku xeraayo cryptocurrency iyo Fiat currency, waxayna iskugu jraan kuwa cid dhexe maamusho sida ‘USDT, USDC’ iyo kuwa aan lahayn cid dhexe oo maamusho sida ‘DAI iyo FRAX’ oo kala ah kuwa ay ka dambayso lacago crypto iyo kuwa ku xeran Algorithm lacag.
Kuwa Centralized Altcoins waxaa iska leh companyo ka madax banaan cryptocurrency waxayna maamulaan qiimaha lacagtaas, waxaana backed u ah lacagaha ay dowladuhu leeyihiin sida dollar, Yuan ama Euro waxaana sharciyo u sameeyo dowladaha iska leh lacaghaas ka dambeeyo, halka kuwa Decentralized Altcoins ay ka dambayaan lacago crypro aan lahayn cid dhexe oo maamusho ‘central authority’ waxayna qiimahooda ku xeran yihiin coins-ka backed u ah iyo Smart Contract lagu dhisay.
Ka baro halkaan Coursada crypto