">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Staking waa habka aad ku xerto lacagtaada Crypto si aad u taageerto oona qayb ugu noqoto madal Blockchain si aad u sugto amaankeeda una fududayso howlaha ka dhex dhacaya Blockchain-kaas. Waxaad haleysaa awaal marin markaad samayso Stake Blockchains-ka ku shaqeeyo Prof-of-work way ku kala duwan yihiin reward-ka ay bixiyaan.

Staking waa sida ay u shaqeeyaan bankiyada caadiga ah, waxaad dhiganaysaa lacag Saving Account-gaaga bankiga waxuu ku shaqeysanayaa lacagtaada waxuuna ku siin doonaan passive income sannadle ama bile ah.

Halka Blockchains-ku marka aad samayso Stake waxaad helaysaa reward taasoo ay ku kala duwan yihiin Blockchains-yada qaar waxay bixiyaan passive income sida bankiyada halka qaarna ay bixiyaan percebntage inta lacagtaada ay shaqeysay.

Qaybaha Staking?

Staking waxaa loo qaybiyaa dhawr qaybood waxayna ku xeran tahay hadba madasha aad ku samaynayso Stake, waxaa ka mid ah noocyada Staking

  1. Direct Staking, waxaad si toos ah u sameynaysaa Prof-of-Stake taasoo ay ku shaqeyaan Blockchains si aad u noqoto validator una xaqiijiso howlaha ka dhex dhacaya Blockchain-taas, tusaale Ethereum Blockchain si lagu sameeyo Stake waxaa loo baahan yahay wallet-ka ETH iyo 32 xabo oo lacagata ETH ah.
  2. Delagated Staking, waxaad lacagtaada crypto ku samaynaysaa Staking adigoo u wakiilanaya shaqada aad Blockchain ka dhex qaban laheed validator kale si aad iskula wadaagtaan reward ‘awaalmarinta’ waxaa ka mid ah Blockchains-ka loo adeegsado Solana, Cardano iyo Tezos
  3. Liquid Staking, waxaad staking ku samaynaysaa lacagtaada crypto, adigoo isla markaas helaya token cusub ay ku siinayso madasha aad ku dhex samaysay Staking, waxaad isticmaali kartaa oo iibsi iyo iska iibin ku samayn kartaa token ay madasha ku siisay adigoo staking aad samaysay ka haleso reward. Madalaha bixiyo staking noocaan waxaa ka mid ah Lido Finance iyo Rocket pool.
  4. Exchange Staking, waa hanaanka stake oo lagu dhex sameeyo suuqyada Crypto Centralized exchange iyo Decentralized exchange labaduba waxay bixiyaan intrest marka aad ku samayso lacag Crypto Stake oo waxay siiyaan dadka sameeye Staking lacagaha ay ku shaqeyso madashooda tusaale Binance waxy bixisaa BNB coin ama BUSD token marka aad ku dhex sameyso stake.
  5. Pooled Staking, waa hanaanka stake lagu dhex sameeyo madal DeFI ah si loo helo intrest loona fudududeeyo howsha madashaas, waxaa ka mid ah Stafi Protocol iyo Stakefish.  
  6. Automated Staking, waa hab stake labo dulsaar lagu helo waxaa si automating ah lacagta aad ku samaysay Stake marka aad ku hesho reward lagu celinayaa madasha si ay mar kale ku sameeyso faa’ido compound interest.

Sidee buu u shaqeeyaa Staking?

Staking asalkiisa waxuu ku salaysan yahay uu ka yimid hanaanka Prof-of-Stake taasoo ka duwan nidaamka prof of work qaabka lagu soo saaro lacagta Bitcoin.

Waxaad coins-ka aad haaysato tusaale ETH, SOL ama ADA Blockchain-kiisa ku xeraysaa wallet taageero ama uu isaga leeyahay si aad qayb ugu noqoto shabakada Blockchain-taas shaqadayda, waxaad noqonaysaa validator sugo amaanka shabakada xaqiijiyo macaamilkeeda waxaad helaysaa reward mar waliba oo aad xaqiijiso transaction.

Side loo sameeyaa Staking?

Si aad u sameyso Staking dhab ah oo la xariiro Prof-of-work Raac tilaabooyinkaan

  1. Soo degso Coin-ka aad rabto inaad ku samayso Staking Blockchain wallet-kiis, tuaaale Trust wallet
  2. Samee wallet Cusub, oo meel la hubo ku qoro Seed phrase-ka uu ku siinayo
  3. Soo Iibs coin-ka aad doonayso inaad ku samayso Staking, tusaale BNB ka soo iibso Exchange sida Binance, kuna soo wareeji wallet-kaaga.
  4. Tag setting wallet-ka ka dooro Staking option, Taabo coin-ka aad rabto inaad Stake gareeso tusaale BNB, taabo satake
  5. Geli tirade Coin aad Staking galinayso, tusaale 1,000 BNB ama 100%, riix stake sug ilaa ay madasha ku xaqiijiso.
  6. Dooro validator, waxaa sidaas ugu biirtay liiska Validator-ka qaybta ka ah BLockchain-ta Bianace Smart Chain.   
  7. Waxaa kuu bilaaban doono reward marka uu dhaco transaction coin-ka BNB, waxaad awaalmarinta ku heli doontaa BNB.

Staking Xalaal miyaa mise waa xaaraan?

Staking waxa uu iskugu jiraa Xalaal iyo xaaraansi guud waxuu noqdaa laba nooc mid lagu siiyo qofka Stake sameeyay awaalmarin, lacagta uu Stake dhahay aysan qaban wax shaqo waana dulsaar (Ribbo), halka mida kale qofka Stake sameyay ay qabato lacagtiisa shaqo qaybna ay ka noqoto shaqo blockchain laguna siiyo faa’ido hadba inta uu shaqada qabtay.

Waxuu noqon karta Staking mid Xalaal ah hadii:

  • Mashruuca lacagtiisa lagu sameynaayo uu yahay mid xalaal aan ku lug laheen wax diina islaamka mamnuucday sida Khamaar ama Khamri
  • Lacagta Stake lagu sameeyo ay qabato shaqo taageerto howsha uu qabanaayo Blockchian-ka.
  • Howsha Blockchain-kaas uu qabanaayo ay tahay mid sax ah ay ogashahey diinta Islaamka tusaale hadii ribo ku shaqeynaayo waa xaaraan inaad Stake ku samayso.
  • Reward ‘awaal-marinta’ la siinaayo qofka stake sameeyay aysan aheen mid intrest la socoto waqtina aan lagu cayimin.

Waxuu noqon karaa Staking mid Xaaraan ah hadii:

  • Faa’idada aad helayso ay saran tahay dulsaar, tusaale waxaa madal dhigtay 100USDT waxaa lagu siinayaa 10% bil waliba, midaan waa ribo cad ‘hadaba ka fogaw ha samayn’
  • Mashruuca aad stake ku samaynayso hadii Blockchain-kiisa uu ka shaqeeyo wax diinta islaamka mamnuucday ama lacagtiisa lagu adeegsado wax kaliya wax xaaraan tusaale DeFi lending and Barrowing waa xaaraan in aad stake ku samayso.  
  • Hadii aysan jirin wax shaqo ah oo kaliya Stake aad samaysay laguugu siinaayo faa’ido waa xaaran. Stake noocaan waxaa sameeyo suuqyada crypto sida Binance ‘hadaba ha samayn ka fogaw’.  
  • Hadii lagu sameeyo Staking lacag Crypto meel aan ka aheen madasha uu isaga lee yahay waa xaaraan, tusaale Coin-ka ETH ama ADA, hadii meel aan ka aheen wallets-kooda lagu sameeyo Staking iyadoo laga helaayo faa’ido dulsaar ah.

halkaan ka baro Coursada Crypto

Leave a comment