Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Stock Market waxuu ka yimid labo eray oo la isu geeyay, Stock oo ah Saami uu qof ku leeyahay shirkad iyo Market oo noqonayso Suuqa lagu kala iibsado Saamiyadaas.

Marka sharaxaadiisu waxa ay noqonaysaa, Waa suuqa ay shirkadahu ku soo bandhigaan ama ku iibiyaan Saamiyadooda, Si ay dhaqaalahooda kor ugu qaadaan, dadka maalgashayadaasha ahna ay ka iibsadaan, si ay faa’ido ugu sameeyaan. Saamiga ay shirkada bixiso waxaa loo yaqaanaa Share, halka qofka iibsadana loo yaqaano Shareholder.

Hadaba side ayuu u Shaqeeyaa Suuqa Saamiyada?

Suuqa Saamiyada waxuu u shaqeeyaa in shirkad ay soo bandhigto saamiyadeeda, ka dib maalgashiyadaasha ay iibsadaan shares-kaas, muddo ka dib hadii ay shirkadi faa’ido samayso waxa ay iska iibinayaan Saamigii ay ku lahaayeen iyagoo faa’idaado Percentage ka helaayo, caksigeeda hadii ay shirkada qasaarto, maalgashaduhu waxa uu iska iibin karaa Saamigii uu ku lahaa isagoo qasaaraayo Percentage.

Hadii aynu ka bixino Tusaale: Gelle ayaa u baahday in uu dhiso Shirkad ka shaqayso Real-Estate-ka, Mashruuuca shirkadaas waxaa ku baxaayo dhaqaalo dhan 100 kun.

Gelle-na waxa uu haystaa 50 kun, Si uu u helo dhaqaalaha ka maqan waxa uu qaybinayaa shares, ka soo qaad waxa uu bixiyay 10 Share oo kiiba qiimihiisa ku fadhiyo 5 kun.

Cali uu ah qof daneeyo Real-estat-ka ayaa kla helay masruucaas, waxa uuna iibsaday 2 Share oo qiimaheeda ah 10kun, Cali hada waxa uu ka yahay Shirkada Gelle Shareholder.

Muddo Saddex sanno ka dib shirkadii Gelle waxa ay soo xareeysay faa’ido dhan 300kun, Cali ayaa go’aansaday in uu iska iibiyo saamigii uu ku lahaa shirkada taasoo noqonayso qiimaheeda 30kun! Waxa uuna ka sameeyay saamigii uu iibsaday faa’ido dhan 20%. Cagsigeeda, Shirkadii Gelle waxay qasaartey Saddex sanno ka dib 20kun, Cali ayaa iska iibiyay saamigii uu ku lahaa shirkada si uu ugu hortago qasaaraha soo gaaraayo waxa uuna helay 8kun, waxa uu lumiyay share-kii uu maalgasday 2%.

Suuqaan ayaa kaga duwan suuqyada kale ee maaliyada Sida Crypto iyo Forex in uu yahay mid dabacsan oo Volatile badan aan laheen, qofkii maalgashi ku sameeyo waxa uu helayaa daqli xasiloon muddo ka dib.

Taariihda Stock Market

Suqa saamiyada waxa uu jiray mudo boqolaal sano ah waxaan la sheegaa in uu ka soo bilaawday qaarada Europe, xiligii la adeegssan jiray gaadiidka badda oo ganacsiga dhan ku tiirsanaa bada aysan jirin diyaaradaha iyo gawaadhida manta la adeegsaddo.

British East India Company, oo aheed shirkad ganacsi ka shaqayn jirtay gaadiidka bada iyo ka ganacsiga badeecadaha laga qaado boqortooyada ingriiska loona iib geeyo India ilaa bariga dhexe, ayaa la sheegaa in ay aheed shirkadii ugu horaysay ee iibiso Saami, Sanaadkii (1600). waxaana ku xegsaday Shirkado waa wayn oo waqtigaas jiray sida Amsterdam Stock Exchange iyo Dutch East India Company.

Xiligii warshada kuna beegneed 1780 ilaa 1920 oo tartanka ugu xooga badan Aduunka ka jiray biraha iyo wax soo saarka qalabka ayuu suuqa saamiyada helay fursad wayn markaasoo ay soo baxaan Shirkado waa wayn oo saamiyada lagu kala iibsado Sida London Stock Exchange (1801) iyo New York Stock Exchange (NYSE) – 1792.

1929, oo ku beegneed Xiligii uu dhacay dhaqaalo bur-burkii waynaa ee “The Great Depression” kaasoo sabab u ahaa dagaalkii 1aad ee Adduunka, ayuu Suuqa Saamiyada hoos u dhac wayn la gulmay, Waxaana dhacday isbadelo waa wayn ay ka mid aheed in dowlada Maraykanka ay u sameesay ha’ad maamusho suuqaan, Securities and Exchange Commission (SEC) taasoo shaqadeeda eh in ay ka hortagto Manipulation-ka suuqa.

Kacaanka technologiyada ee 1950 ilaa manta ayuu suuqaan dib u soo gabasho wayn sameeyay waxayna hantida badankeeda gashay shirkadaha ka shaqeeyo technologiyada, waxaana soo baxay suuqo saamayn leh oo lagu kala iibsado saamiyada Sida NASDAQ Stock exchange oo lagu kala iibsado Saamiyada100-ka shirkadaha ugu waa wayn ee technologiyada ka shaqeeyo.

Yaa qayb ka ah Suuqaan? ‘Dadka saamaynta ku leh suuqa saamiyada

Suuqaan sida aan horey u soo sheegnay in uu yahay Suuq ay dadka adeegsan jireen waqti hore ayuu kaga duwan yahay Suuqyada kale in uu yahay mid amaankiisa aad loo sugo oo Mar walibo sharciyo loo dajiyo. Hadaba dadka saamaynta ku leh Waxa ay kala yihiin:

  • Regulatory Bodies; (Sharci u dajiyaasha Suuqaan) Waxa ay noqon karaan Dowladaha, iyo Hay’adaha maamulo.
  • Companies: Waa shirkadaha soo saaro saamiyada si dhaqaalahooda kor ugu qaadaan.
  • Investors: Waxa ay noqon karaan shaqsiyaad ama hay’ado kuwaasoo maalgashado saamiyada.
  • Stock exchanges: waa suuqyada lagu kala iibsado saamiyada Sida NYSE, LSE, Nasdaq iwm.

Leave a comment