">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Token Stabdards waa Protocols ‘hanaanka la raaco marka la sameynaayo Token cusub si uu loo waafujiyo network Blockchain lagu dul dhisaayo, loona adeegsan doono, waxaa la raacaa qawaaniin iyo qaab dhismeed u dagsan Blockchaink-aas oo smart contract-giisu ogal yahay, si token-ka u guulaysto, suuqyadana lagu kala iibsado, lana jaan qaado wallets-yada iyo Exchange-yada crypto.

Marka la abuuraayo Token cusub waxaa la iska hubiyaa xeerar-ka iyo habraacyada la raaco iyadoo la dooranaayo blockchain gaar ah, markii uu guulaysto Token-kaas waxaa lagu dari karaa oo lagu dul dhisi karaa Block-chaino kale. Tusaale Token-ka USDT waxuu ku dhisan yahay Blockchains badn, waxyaabaha muhiimka la iska hubiyo waxaa ka mid ah si token-ka u guulaysto.

  • In la doorto Block-chain awood leh oo scalability-geedu sareeyo
  • In la iska hubiyo Smart contract-gu lana sameeyo testnet iyo mintnet si loo ogaado in Token shaqeynaayo.
  • In la diri karo token-ka, laguuna soo diri karo.
  • Inuu aqbali karo in wallets lagu kaydsado, ayna taageerayaan wallets badan.
  • In lagu trade garayn ‘kala ganacsan karo’ suuqyada crypto Cex iyo Dex.

Waxaa jiro noocyo badan oo Token Standard ah, madaama Coin walibo oo leh Block-chain isaga u gaar ah uu awoodo in wax lagu dul dhisi karo sida Fungible Token, NFT-Non fungible Token, Utility Token Governance Token, Gamming, MemoCoin iwm.

Token standards waa sida dastuurka ama qawaaniinta ay ku shaqeeyaan token-yada sharciyadaasna ay bixiyaan Blockchains-ka lagu dhisay, waa muhiim in la fahmo token-ka inta aan la maalgashan ka hor nooca uu yahay iyo Blockchain-ta uu ku dhisan yahay.

Token Standard-yada ugu caansan cryptocurrency waxaa ka mid ah

ERC-20 oo lagu dhuldhiso mashaariicda shabakada Blockchain-taEthereum, waana Standard-ka ugu caansan cryptocurrency ee loo adeegsaday projrcts badan sida USDT, LINK, UNI, ShipaInu, USDC.

ERC-721 waa Standard kale ee leedahay Blockchain-ta Ethereum, waxaana lagu dhisaa mashaariicda NFTs – tokens sida CryptoKitties, waxaana la soo galiyaa mashruucyada lagu dhiso suuqa ugu wayn NFTs ee OpenSea.

BEP-20, Waxaa loo adeegsada in lagu dhiso mashaariicda shabakada Blockchain-ta BNB Chain ay leedahay Binance Smart Chain waxay isku dhawyihiin ERC-20 Standard-ka Ethereum waxaana la isku dhahaa EVM-Ethereum Virtual machine.  

TRC-20, waa standar-ka ay leedahay shabakada TRON waxaana loo adeegsadaa in lagu dhiso project-yada Fungible tokens ee TRON blockchain, waxaa ka mid ah mashariicda hadda lagu dhisay USDT iyo USDC.

SPL, Waxaa iska leh shabakadaSolana waxaa loo adeegsadaa in lagu sameeyo mashruucyada Solana Blockchain, waana Token standard ugu caanasan suuqa Crypto ee loo adeegsado samaynta MemoCoins ‘lacagaha crypto aan qiimaha ku fadhin” inkastoo mararka qaar loo adeegsado inlagu sameeyp projects qiimi leh sida USDT iyo USDC.

BRC-20, waxaa loo adeegsadaa mashaariicda shabakada Bitcoin, inkastoo markii hore Bitcoin Blockchain aan lagu tala galin in mashruucyo lagu dulsameeyo, hadana developers hormar ay ku sameeyeen Software-ka Bitcoin waxaa suurta-gashay in wax lagu dul dhisi karo, waxaa ugu caansan ee lagu sameeye Ordinals waxay ahaayeen masharuucyo NFTs oo Token standard u noqday Bitcoin Blockchain

ARC-20, waa Token standard ay leedahay Avalanche network laguna dhiso Avalanche blockchain.

CRC-20, waxaa loo adeegsadaa Cronos network waa Fungible tokens lagu dhiso Cronos Blockchain

Tusaalooyin qaar ka mid ah Tokens-ka ugu caansan suuqa Crypto ee lagu dhisay Blockchains kala duwan waxaa ka mid ah uguna caansan Stable coinka USDT ee loo adeegsado shabakada ERC-20 ee lagu dul dhisay Blockchain-ka Ethereum, waana stablecoin-ka ugu horeeye inkastoo shabaka Ethereum fee-gu qaali yahay, taasoo adeegsigiisa hoos u dhigayso.

Waxaa ku soo xego isla Stablecoinka USDT ee loo adeegsado shabakada BEP-20 ku dhisan Binance Smart chain wuuna ka raqiisan yahay marka loo eego fee-ga Ethereum.

Labada stable coins-ka USDT iyo USDC ee loo adeegsado shabakada TRC-20 ku dhisan TRON Blckchain waa kuwa lagu isticmaalka badan yahay maadaama fee-gooda aad u yar-yahay, xaga transaction-ka ka dheer yahay shabakadaha kale.

Stable coinka USDC ee loo adeegsado shabaka SPL kuna dhisan Solana Blockchain, waa mid xawaare sareeyo diristiisa feegiisuna raqiis yahay.

Tokenka UNI ee lagu isticmaalo suuqa Dex-ga UniSwap, loona adeegsadoERC-20 kuna dhisan Ethereum Blockchain.

Utility Token CAKE loo adeegsado Suuqa Dex-ga PanckSwap, shabakada BEP-20 waxuuna ku dhisan yahay Binance Smart chain.

Maxay ku kala duwan yihiin Networks-ka Suuqa Crypto?

Marka uu qof rabo inuu Token Crypto diro ama loo soo diro waxaa muhiim ah inuu si fiican iskaga hubiyo dhowr qodob kuwaas ka ilaalinayo inuu ku dhaco qaladaad wayn, waxaana ka mid ah qodobyadaas ugana muhiimsan.

Qodabka 1aad inuu ogaado Token uu adeegsanaayo Blockchain-ta uu ku dhisan yahay isagoo isku dooraayo Address-ka iyo network, Tusaale, dirista USDT ku dhisan Blockchain Tron waxaa qasab ah inay is lahaadaan address-ka Token-ka iyo networka Trc-20, hadii aad dooratid network kale sida Bep-20 lacagtaas way qaldamaysaa waxayna noqon doontaa mid irreversible ah aan la soo celin Karin”.

Qodobka 2aad fee-ga, lacagta aad bixinaysid si transaction-kaaga loo xaqiijiyo Blockchainta lagu diwaan galiyo waxaana la siiyaa nodes-ka, dhamaan Blockchain Network-yada way ku kala duwan yihiin feega waxaana ugu qaalisan Erc-20 halkii transaction fee-giisu qiyaastii $5-10 waxaana ugu raqiisan Trc-20 network halkii transaction waxaa la bixiyaa fee dhan $0.1-1

Qodobka 3aad, Speed, waa sida ay u kala dhaqso badan yihiin Network-yada ayna u xaqiijiyaan transaction-ska waxaana ugu xawaare sareeyo shabakadaha Solana, Trc-20 iyo Bep-20.

Qodobka 4aad Wallets, qodobkaan waa muhiim waxuu kaa caawinaa inaad ogaatid inta aadan dirin ka hor token inta wallet taageerto laguna kaydsan karo, tusaale Metamask waxuu taageeraa dhamaan Token-yada lagu dhiso EVM blockchains.

Qodobka 5aad Excahnges, qodkaan isna waa muhiim inkastoo marka Token-yada la abuuro gaar ahaan kuwa Utility-ga ay maraan sharciyo badan, badanaa Tokens-ka inta aysan imaan suuqyada Cex sida Binance ama coinbase waxaa marka hore lagu kala ganacsadaa Dex suuqyada decentralized-ka ah waxa muhiim ah marka inaad iska hubiso Token aad rabto inaad ka ganacsato inta suuq lagaha heli karo

halkaan ka baro coursada crypto

Leave a comment