Web 3.0 waa jiilka saddexaad ee horumarka internetka, waxa uu beddelayaa qaabkii hore ee web-ku u shaqayn jiray, isagoo adeegsanaya teknoolojiyado casri ah sida Blockchain, Ai, Cryptocurrency Metverse, NFT waxuuna noqon doonaa Adeegsigiisa mid Decentralized ah.
Web 3.0 wuxuu siinayaa dadka awood ay si toos ah uga qeyb qaataan maamulka xogtooda inay iyaga u madax banaan yihiin waxuuna meesha ka saari doonaa shirkadaha dhexe ee maamulo xogta shacabka sida Meta ama Google.
Web 1.0 waxa uu ahaa mid akhris kaliya (read-only), halka Web 2.0 uu ahaa akhris iyo qorid (read-write), laakiin Web 3.0 waxuu soo kordhiyay akhris, qorid, iyo lahaansho (read-write-own). Tusaale ahaan, halka Facebook ama Google ay maamuli lahaayeen xogtaada, Web 3.0 wuxuu kuu ogolaanayaa in adigu aad xakameyso xogtaada loona adeegsan xayeesiin aadan ogaleen.
Technologiyadaha loo adeegsan doono isticmaalka Web 3.0
Web 3.0 wuxuu ku saleysan yahay dhowr teknoolojiyadood oo muhiim ah kuwasso loo adeegsan doono waxaa ka mid ah:
- Blockchain: Waa tiknoolajiyada kaydisa xogta si aan lagu samayn wax ka badel, ma jirto cid dhexe oo maamusha, waxaana qof walba xogtiisa lagu kaydin doonaa Block u gaar ah. Waa tiirka ugu weyn ee Web 3.0.
- Smart Contracts: Waa heshiisyo ku qoran code oo si toos ah u shaqeeya marka la buuxiyo shuruud. Waxaana lagu isticmaalaa DAO, DeFi iyo DApp platform’s waxayna ka tirsan yihiin Web 3.0.
- Cryptocurrencies: lacagaha dijitaal-ka ah sida Ethereum iyo Solana waxaa lagu bixiyaa kharashaadka adeegyada Web 3.0.
- Artificial Intelligence (AI): Web 3.0 waxuu adeegsan doonaa garaadka macmalka ah si loo falanqeeyo xogta si caqli leh oo saxan.
- Metaverse: Dunida qiyaaliga waxay yeelan doontaa horumar wayn marka uu si buuxda u soo baxo Web 3.0.
Faa’iidooyinka Web 3.0
Web 3.0 wuxuu lahaan doonaa faa’iidooyin badan, ay ka mid tahay:
- Xorriyadda xogta: Isticmaaleyaashu waxay si buuxda u xakamayn doonaan xogtooda.
- Amniga: xogta oo lagu kaydiyo Blockchain waxay noqonaysaa mid adag tahay in la jabsado ama la beddelo.
- Hufnaanta: Maadaama wax walba lagu keydiyo blockchain, dadku way hubin karaan dhaq-dhaqaaqyadaooda si furan.
Caqabadaha haysato Web 3.0:
- Isticmaal adag: Dadka caadiga ah ayaa ku adag in ay fahmaan isticmaalka DApps, wallets iyo DAOs.
- Sharciyo la’aan: Dowlado badan weli kama aysan gaarin sharci cad oo xakameeya Web 3.0.
- Halista Scammers: Scammers waxay u adeegsadaan NFTs iyo DeFi si ay dadka uga khiyaaneeyaan maadaama aysan jirin Dowlad dhexe oo ilaalisa.
- Xasillooni la’aan tiknoolojiyadeed: Web 3.0 wali waa cusub yahay oo isticmaalkiisa si buuxda looma aqbalin waxyaabaha loo adeegsadan doono waxay ku jiraan marxalad bilaaw ah sida Wallet, DApps iyo DAOs.
Mustaqbalka Web 3.0
Web 3.0 wuxuu leeyahay mustaqbal wanaagsan haddii si sax ah loo hormariyo barnaamijyada loo adeegsan doono lana fahansiiyo bulshooyinka caalamka sida, Dunida qiyaaliga ah ee Metaverse Web 3.0 wuxuu fududeyn doonaa isticmaalka in Metaverse laga dhisto guryo Digital ah. Ai-Artificial intelligence waxuu fududeyn doona fahamka iyo adeegsiga barnaamijyada ku dhisan Web 3.0. Qaanuun iyo nidaam sharciyeed, waxaa la filayaa in dowlado badan ay dejin doonaan sharciyo si Web 3.0 looga dhigo mid la isku haleyn karo. In kastoo ay caqabado jiraan, haddana Web 3.0 waxaa laga filayaa mustaqbal-ka in uu keeno doono internet xor ah, hufan, oo loo siman yahay xogtana ay tahay mid qof walba uu u madax banaan yahay
Halkaan ka baro Coursada Cryptocurrency