Yield farming waa hab maaliyadeed ka mid ah hanaanka loo kasbado ama loo helo intrest ‘daqli joogto oo dulsaar saran yahay’ kuna shaqeeyo gudaha madalaha DeFi, iyadoo la adeegsanaayo Cryptocurrency, Blockchain iyo Smart contract, waxaa sidoo kale loo yaqaanaa Liquidity mining.
Madalaha DeFi waxay ku dhiira galiyaan isticmaalayaashooda si ay lacag u dhigtaan madasha dulsaar ‘intrest’ taasoo ka dhigayso in isticmaalayaal badan ay lacago soo galiyaan iyagoo raadinaya faa’ido dheeraad ah.
Yeild Farming ama Liquidity mining waxay ka dhigan tahay inaad lacagtaada Crypto ku xerto Liquidity pool ay ku shaqayso madal DeFi ah si aad ugu hesho abaal marino ‘rewards’ oo leh qaybo kala duwan sida: in ay ku siiso madasha coin Cusub aan ahayn midka aad hori u gaysay fee-ga ka yimaada ganacsiga lagu dhex sameeyo madasha ‘trading fees’ ama dulsaar xaddidan APY’ Annual Percentage Yield.
Sidee ayee u shaqeysaa Yield Farming?
Madalaha DeFi ay ku shaqeeyo Yeild Farming waxay siiyaan isticmaalayaasha dulsaar, waxayna u shaqeyaan sidaan soo socoto:
- Waxaa la dhigaa oo lagu xeraa madasha Token Pairs sida ETH/USDT, qaybta Liquidity pools ‘waa halka lacagaha dhamaan madasha ay taalo taasoo ay dhigaan isticmaalayasha si ay u fududaato ganacsiga DeFi’
- Pool-ku waxuu ka caawiyaa dadka rabo inay iibsadaan, iska iibiyaan, amaahdaan ama iska amaahiyaan Crypto inay si fudud u heli karaan adeega ay doonayaan. Sida SWAP.
- Qof-ka Farming ah oo madasha liquidity keenay waxuu helaa qayb ka mid ah fee-ga laga qaado isticnmaalayaasha iyo token awaal marin ah ay madasho leedahay, mararka qaar waxuu helaa token cusub oo suuqa lagu dhex ganacsado si lagu dhiiri galiyo inay wali sii taalo lacagtiisa Crypto madasha.
Tusaale sida ay u shaqeyaan DeFi platform’s adeegsada Yeild farming
Waxay dhigaan isticmaalayaasha rabo inay helaan dulsaar madasha 1,000 ETH iyo 1,000 USDC liquidity polka, marka madasha lagu dhex sameeyo ganacsi waxay bixisaa 0.3% way ku kala duwan yihiin midaan madalada DeFi, fee-gaas waxaa si siman lagu qeybiyaa dadka poolka wax dhigay iyadoo la eegayaayo mid waliba saamiga uu leeyahay, waxaa intaas dheer ay madasha bixisaa token kaasoo ay siiso liquidity providers ‘Dadka madasha lacagta keenay’.
10-ka Madal ugu caansan DeFi ee adeegsada Yield farming
Waa kuwaan 10-ka madal “Platform” ee uu caansan DeFi ee adeegsada Yield Farming, taasoo dadka isticmaala ka caawisa inay helaan faa’ido dheeraad ah intrest iyagoo dhigaya hantidooda Crypto ‘Liquidity-ga’ ama beerta “Farm” si ay u helaan Yeild
- Uni Swap
- Aave
- Yearn Finance
- Compund
- Curve Finance
- Pancjswap
- Sushi swap
- Blancer
- Venus Protocol
- Convex Finance
Yield Farming xalaal miyaa mise waa xaaraan?
Marka 1aad Yield farming waa hab isticmaalatyaasha DeFi-Decentralized platforms ay lacagahooda Crypto ku xeraan stake ama daymiyaan lend madal DeFi iyagoo helaayo faa’ido dulsaar ah intrest ama lagu abaal marinaayo token cusub aan ahayn midka ay Stake ku sameeyeen waxayna fududeyaan liquidity-ga madalaha DeFi in si fudud wax lagu kala dhex iibsado ama lagu kala daynsado.
Marka 2aad Yield Farming waa xaaraan maadaama ay ku lug leedahay ribbo oo qofka sameeyay uu helaayo dulsar ‘fixed interest’ sida APY 10%, 15%, 25%, 35%, 50%. Iyadoo aan la samayn wax ganacsi ah. Mashruucyada DeFi ee ku shaqeeyo Yield farming siiyo dadka farming sameeyo dulsaar iyo token cusub waa xaaraan in la adeegsado iyadoo la sameynaayo Staking. Hadii madal DeFi aad daymiso lend lacag Crypto si ay dad kale ugu kala amaahdaan adigoo ka helaayo interest amaahdaas aad bixisay fududeynaayo shaqada madashaas in wax lagu kala qaato waa xaaraan maadaama ay ku siinayso intrest ‘ra’isu maalkaaga oo ay la jirto faa’ido dheeraad ah’
Halkaan ka baro coyrsada crypto