">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, iyo dhaqaalaha. Maanta halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyin muhiim ah oo isugu jira weerarro hackers ah, ETF-yo dhaqaale weyn leh, xeerar cusub oo bankiyada la xiriira, iyo iskaashiyaal weyn.

1. Kooxo hackers ah oo lala xiriiriyo Lazarus Group ayaa sameeyay shirkado been abuur ah oo ka diiwaangashan New Mexico iyo New York, si ay u beegsadaan shirkadaha ka shaqaysto crypto iyaga oo adeegsanaya software.

2. BlackRock spot ETF ayaa shalay 24 Abriil iibsatay 3,500 $BTC oo qiimahoodu yahay $327.3M.

3. Helium ayaa kaashatay AT&T si ay macaamiisheeda ugu suura galiso inay si toos ah ugu xirmaan shabakadda WiFi-ga baahsan ee Helium.

4. Michael Saylor ayaa sheegay: “Bankiyadu hadda waa xor inay bilaabaan taageeridda Bitcoin” kadib markii Federal Reserve uu joojiyay tilmaamihii ay horay u siisay bankiyada ee ku saabsanaa crypto.

5. Ruya Bank oo laga leeyahay UAE ayaa noqday bankigii ugu horreeyay ee Islaami ah ee si rasmi ah u bixiyaa maalgelinta hantida dhijitaalka ah (Bitcoin iyo kuwo kale) iyada oo loo marayo app mobile.

6. Binance.US ayaa ku dhawaaqday inay hadda taageerayso Base Network, taasoo u oggolaanaysa dadka inay samayn karaan (deposits and withdrawals) $ETH iyo $USDC iyaga oo adeegsanaya Ethereum Layer 2.

7. Federal Reserve ayaa si rasmi ah u laalay tilmaamihii sanadaha 2022 iyo 2023 ee lagu xadidayay ka qeybgalka bankiyada ee hantida crypto iyo stablecoin-ka.

8. Maxkamad Mareykanka ah ayaa ku dhawaaqday in Alex Mashinsky, madaxa hore ee Celsius, la xukumi doono 8da May kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira khiyaano iyo wax isdabamarin suuqeed.

9. Sida laga soo xigtay Fidelity Digital Assets, qadarka Bitcoin-ka ee ku jira exchanges-ka ayaa hoos u dhacay heerkii ugu hooseeyay tan iyo 2018 – taasoo ka dhalatay shirkado waaweyn oo iibsanaya in ka badan 30,000 $BTC bishii kadib doorashadii Mareykanka.


Warar kale oo Xiiso Leh:

🔹 SEC ayaa dib u dhigtay go’aankii ay ka gaari lahayd codsiga Nasdaq ee lagu doonayo in lagu diwaan galiyo Grayscale Polkadot Trust ($DOT) – go’aanka kama dambeyska ah wuxuu dhici doonaa 11ka June.

🔸 Coinbase iyo PayPal ayaa ballaariyay iskaashigooda si loo kordhiyo adeegsiga $PYUSD stablecoin.

🔹 12 gobol oo Mareykan ah ayaa dacwad kusoo oogay Donald Trump, iyagoo ku andacoonaya in cashuuraha cusub ee uu ku soo rogay badeecadaha ay jebinayaan dastuurka.

🔸 CME Group ayaa ballaarinaysa badeecooyinkii derivatives crypto ah, iyagoo bilaabaya suuqyada $XRP Futures.

🔹 Tether ayaa heshay in ka badan 10% saamiyada kooxda Juventus FC, waxayna hadda leedahay 6.18% xuquuqda codbixinta.

Kuso laabo gellecrypto.com maalin kasta si aad ula socoto wararka ugu danbeeyo ee suuqyada crypto!

#SomaliCrypto #GelleCrypto #BitcoinSomalia #Web3Africa #CryptoNews #BlockchainSomalia

Leave a comment