Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin waliba dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dhaqaalaha caalamka iyo crypto, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerarka cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen, la qabsiga crypto ee bangiyada, mashruucyada cusub ee Crypto iyo waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain
📈 1. Xaalada guud ee Suuqa
- Qiimaha Guud ee Suuqa (Market Cap): Wuxuu marayaa maanta ku dhowaad $3.367 trillion waxuuna kor u kacay 0.80% halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 158.14 Billion.

- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta coinka Bitcoin awood dhan 63.9% halka Altcoins ay haystaan awood dhan 36.2%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 27% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga filaayo uu yahay mid hoos u dhacaya.
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu sheegayaa in suuqa 69% yahay taasoo ku tusinaysa mid dhexe, kalsoonida maalgashiyaasha uu yahay mid (Neutral) ah.

Xaalada 10-ka lacagood ee ugu sareeyo suuqa Crypto

- Bitcoin:(BTC) ayaa maanta jabiyey rikoodh cusub isagoo gaaray qiimo dhan–$118,860, taasoo muujineysa koror weyn sanadkan 2025.
- Ethereum: (ETH) ayaa sidoo kale kor u kacday waxuuna gaaray ~$3,040 taasoo ah heerkii ugu sareeyey sannadkaan
- XRP: waxuu galay gaalinta saddexaad ee suuqa Qiimahiisa hadda waxuu marayaa $278,
- USDT: waa Stablecoin ay ka dambeyso shirkada Tether, waxuuna ku jiraa kaalinta 3aad kala horaynta lacagaha crypto waxuu fdududeyaa in la isku bedesho Fiat currency iyo Cryptocurrency, waxaa soo gashay manta hanti Volume dhan 105 billion
- BNB: waa Coin ay lee dahay shirkada BInance, waxuu qiimihiisa haatan marayaa $687.46 waxuuna sare u kacay 0.94% isbuucii u dambeyay
- Solana: Qiimaha SOL waxuu hadda suuqyada ka joogaa $160.26
- USDC: waa Stablecoin kale k u jiro kaalinta 7aad ee suuqa, waxaana iska leh shirkada Circle, qiimihiisa isma bedelo waa $1 mar waliba, maanta waxaa soo gashay Volume dhan 13 billion.
- Dogecoin: meme- token ka DOGE waxuu soo galay kaalinta 8aad ee suuqa kala saraynta lacagaha Crypto haatan qiimihiisa waxuu marayaa $0.1979.
- TRON: Qiimaha Trx waxuu haatan marayaa $0.3006.
- Cardano: Qiimaha Ada waxuu suuqyada ka marayaa halkii xabo $0.750.
2. 📈 Xeerarka iyo Siyaasada suuqa
- Crypto Week ayaa ka bilaabatay Mareykanka, waxaana lagu doodayaa saddex sharci oo waaweyn: Genius Act, Clarity Act, iyo Anti-CBDC Act.
- Genius Act wuxuu dhigaya in stablecoins lagu haysto kayd buuxa oo lacag ah, isla markaana lala socdo dhaqdhaqaaqyadooda (AML).
- Clarity Act wuxuu sharaxayaa cidda xukunta crypto: SEC mise CFTC.
- Anti-CBDC Act wuxuu diidan yahay in Bangiga Dhexe FET uu sameeyo lacag dijitaal qaran ah (CBDC).
3. 💸 ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha suuqa saameeyo
- In ka badan $1.03 Bilyan oo Maalgelin ah ayaa galey Bitcoin ETFs maanta
- Shirkadaha waaweyn sida BlackRock, Fidelity, iyo Ark ayaa si xoog leh u maalgeliyey ETF-yadooda
- Trump Media ayaa gudbisay codsi SEC u diraya si loo sameeyo ETF cusub: “Crypto Blue Chip ETF” oo ay ku jiraan BTC, ETH, SOL, XRP.
- Ethereum ETFs ayaa sidoo kale helaaya dareen cusub, inkastoo ETH uu maanta hoos u dhacay.
4. 🐋 Maalgashiyada Whales saamaynta ku leh suuqa
- Whale ka ganacsada Bitcoin ayaa sameeyey faa’iido dhan $25M isagoo isticmaalaya leverage 20x – qiimaha hadda waa $350M.
- Ethereum whales ayaa iibsaday ETH qiimihiisu kor u dhaafayo $358M maanta.
- Ethereum Foundation ayaa iibisay 1,210 ETH (~$3.6M) si ay u hagaajiso miisaaniyadda.
- XRP whales ayaa bilaabay ururin weyn taasoo keentay koror dhan 8% coin-ka XRP.
- Chainlink whales ayaa si xoogan u soo iibsanaaya LINK – sababtuna waa horumarka CCIP iyo ACE.
5. 🚀 Mashruucyada horumarka ku socdo ee suuqa
- Istanbul Blockchain Week 2025 ayaa soo bandhigtay mashaariic cusub oo AI, RWA iyo Web3 la xariiro.
- Gate Ventures ayaa bilaabay sanduuq maalgalin $200M ah waxayna diirada saartaa Layer-1 iyo Layer-2 protocols.
- Kuru Labs waxay heleen maalgelin dhan $11.6M si ay u dhisaan suuq-dejine DeFi oo ku shaqeeya Monad blockchain.
- Pump.fun presale-keeda memecoins waxuu helaya maalgalin aad u sarayso
6. 🔗 Tiknoolojiyadda Blockchain
- Chainlink waxay horumarisay CCIP iyo ACE si loo xoojiyo isku xirnaanta blockchain-ka iyo compliance.
- Unstoppable Domains waxay bixisaa aqoonsiyo decentralized ah tusaale crypto.wallet ama gelle.btc waxayna ku shqaysaa Blockchains-ka Polygon, Solana iyo Base.
- Ethereum Layer-1 wuxuu sare u kacay TVL-ga (Total Value Locked) laga bilaabo $50B ilaa $73B, inkastoo khidmadaha gas fee ay wali sarayso
7. 🤖 AI & Web 3.0
- AI-agents iyo RWA platforms ayaa lagu soo qaatay Istanbul Blockchain Week conference.
- Ciyaaraha GameFi waxaa lagu darayaa AI Agents si ciyaaraha ay u noqdaan kuwa firfircoon.
- Unstoppable Domains waxay fududaynaysaa isku xirnaanta Web2 iyo Web3 iyadoo la isticmaalayo digital identity.
8. 🎨 NFT & DeFi
- Ethereum TVL wuxuu kordhay $23B muddo 3 bilood gudahood ah, taasoo muujinaysa kobaca DeFi.
- Ethereum Foundation waxay iibisay ETH si ay lacagta ugu wareejiso sanduuqyada DeFi.
- NFT cybersquatting, dhacdo hacking lagu sameeye NFTs waxaa lagu dhacay~$59M iyadoo la abuuray collections been abuur ah.
- Kuru Labs waxay diyaarinayaan mashruuc cusub oo DeFi ah si loo beddelo habka wax loo kala iibsado.
halkaan ka baro Cursada Crypto bilaaw ilaa dhamad