Ku soo dhawaada Gelle Crypto waa madal lagu soo qaaro maalin walibo wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira Crypto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain
๐ 1. Xaalada Guud ee Suuqa
- Market capka guud ee suuqa waxuu marayaa maanta 3.37 trillion halka volume hantida dhex martay 24 saac u dambeysay ay gaarayso 138.91 Billion
- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka BTC 61.6% halka Altcoins ay haystaan awood dhan 39.4%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu maraayo 35%. taas oo ka dhigan in hoos u dhac oo la kulmeen Coins ka soo haro BTC ayna ka baxday hanti badan.
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu marayaa maanta 70% taas oo ka dhigan in ay jirto kalsooni buuxda ay maalgashiyaasha ku qabaan suuqa lagana heli karo faa’ido badan

Xigasho: alternative.me
- Bitcoin wuxuu gaaray qiimihiisa maanta $104,440, waxuuna sameyay hoos u dhac dhan 0.002% 24 saac u dambeysay.
- Ethereum: Coinka ETH Waxuu sameyay dhaqaaq dhan 1.38% 24 saac u dambeysay qiimihiisa wuxuu marayaa hada $2551.70 waxaana sabab u ah Update ka lagu sameeye Block-chainta coinka ee Pectra Upgrade, waxayna soo jiidatay arintaan maalgashadayaasha si ay ugu faaโideystaan isbadelka lagu sameynaayo.
- Dogecoin (DOGE): Wuxuu kor u kacay 10%, isagoo maraya heerarkii ugu sarreeyay tan iyoo bilawga sanadkaan, waxay muujinaysaa arintaa xiisaha sii kordhaya ee maalgashadayaasha u qabaan meme coins, qiimihiisa waxuu hadda suuqa ka joogaa $0.2487.
- XRP: Coinka ay leedahey Shirkada Ripple (XRP) waxuu dhaqaaqay 24 saac u dambeysay 2.00%, qiimihiisa waxuu hadda suuqyada ka marayaa $2.42.
๐๏ธ 2. Xeerarka iyo Sharciyada Suuqa.
- Xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka Wakiillada maraykan ayaa soo bandhigay hindise sharciyeed cusub oo lagu nidaaminayo suuqyada crypto, iyadoo la doonayo in la caddeeyo qaab-dhismeedka sharciyeed ee hantida dijitaalka ah.
- Sharciga cusub ee bishaan Haโyada dhaqaalaha UK maamusho ee FCA u dajisay lacagahacrypto ayaa ujeedkiisu yahay in laga hortago lacag dhiqida AML iyo dhaca Scammers-ka waxuu sidoo kale sharcigaan dhigayaa in la sharciyeeyo stablecoins ka jiro.
- Xeerka cusub ee MiCA u samaysay Midowga Yurub suuqa Crypto ayaa la filayaa inuu dhaqan galaan 18-ka bishaa ee 2025, taasoo adkeynaysa xakamaynta hantida dijitaalka ah.
- Sharciga GENIUS uu doonaayi Aqalka maraykanka in lagu nidaaminayo lacagaha stablecoins ayaa galay hakad kadib markii ay ka hor yimaadeen qaar ka mid ah xildhibaanada Jamhuuriga iyo kuwa Dimuqraadiga.
- Guddoomiyaha SEC, Paul Atkins, ayaa khudbad ka jeedin doona shir looga hadlayo tokenization-ka, bishaan Maajo iyadoo la filayo inay ka qeybgali doonaan hay’ado waaweyn sida Fidelity, Nasdaq, BlackRock, iyo Invesco.
Xigasho: (Cointelegraph)
๐ 3. Maalgashiyada Waaweyn (whales) ay saameeyo Suuqa
- Whale ayaa iibsaday Bitcoin qiimihiisu dhan yahay $179 milyan, taasoo muujinaysa kalsoonida sii kordhaysa ee maalgashadayaasha waaweyn u qabaan Coinka BTC.
- Whale ayaa ku iibsaday $5.84 milyan USDC Coin ka XRP, 24 saac u dambeysay suuqyada CEX.
- Maalgashiyaasha waa wayn ayaa xiiseynaya altcoins sida Ethereum (ETH), Avalanche (AVAX), iyo Pepe (PEPE), waxaana soo gashay Coins kaan hanti badan 24 saac u dambeysay.
๐งฑ 4. Mashruucyada Horumarka ku socda.
- Waxaa horumarin lagu wadaa Block chainta Ethereum Pectra Upgrade taaso la filayaa inay kordhiso waxqabadka shabakadda.
- Mashruuca Solaxy ($SOLX) ayaa bilaabmay presale kiisa,waxuuna diiradda saaraya mashruucaan in kor loo qaado xawaaraha Block chainta iyo taageerada Web3.
- Shabakadda TRON ayaa noqotay tan ugu weyn ee lagu kala iibsado Stablecoin ka USDT, sannadkaan 2025ta waxayna dhaaftay shabada Ethereum.
- Company-ga Circle waxuu qorsheyneynayaa inuu bilowdo nidaam lacag-bixineed caalami ah oo ku saleysan stablecoinka USDC, si loo fududeeyo lacag-bixinta xuduudaha ka gudba.
- Shirkadda Ripple ayaa bixisay $10 bilyan U.S si ay u hesho Stablecoinka USDC.
๐ 5. ETFs iyo Hay’adaha Maalgashi saamaynta ku leh Suuqa
- ETF-ga Bitcoin ee BlackRock (IBIT) waxaa soo gashay $356 milyan oo ah maalgelin cusub, taasoo muujinaysa xiisaha sii kordhaya ee maalgashadayaasha ku qabaan ETF-kaan. .
- Waxaa la filayaa in la ansixiyo ETF-ga Litecoin ka dib markii uu khudbad ka jeediyo shirka dhici doono bishaan Godoomiyaha SEC.
- ETF-yada Bitcoin sida iShares Bitcoin Trust (IBIT) ayaa soo gashay hanti dhan $120 milyan, taasoo muujinaysa kalsoonida sii kordhaysa ee hay’adaha maaliyadeed.
๐ 6. Tiknoolajiyada Blockchain
- Blockchain wuxuu u gudbtay heer cusub oo ka baxsan ganacsiga lacagaha crypto, waxaan loo adeegsaday in lagu nidaamyo madaxbannaanida sida aqoonsiga dadka iyo aruurinta xogta, gaar ahaan marka la isla isticmaalayo Ai iyo Block chain.
- Cilmi-baarayaal ka tirsan Jaamacadda Indiana ayaa horumarinaya nidaamyo ku saleysan blockchain si ay ugu kaydiyaan xogtooda caafimaadka.
- Dowladda Guinea iyo shirkadda Tether waxay kala saxiixdeen heshiis horumarineed oo ku saleysan block chain si loo dardargeliyo horumarka dijitaalka iyo dhaqaalaha dalkaas.
๐ง 7. Garaadka Macmalka-Ai
- Atua AI ayaa ballaarisay adeegsiga XRP si ay u horumariso otomaatiga maaliyadeed ee Web3, taasoo kor u qaadaysa waxqabadka iyo baaxadda dhaqaale.
- Waxaa la saadaalinayaa in Agentis AI ay fududayn doonaan ganacsiga cryptocurrency, iyadoo la adeegsanayo otomaatig bots Ai caawinaayo traders ka.
๐ 8. Web 3.0
- Sanadka 2025 waxaa la filayaa uu kor u kaco horumarkahantida digitalka ah โNFTโ, iyo horumarinta dApps barnamijyada Web3.
- T-Rex Blockchain oo ah madal loogu talagalay madadaalada ayaa uruuriyay $17 milyan si loo horumariyo adeegsiga Web 3.0
ka baro halkaan Coursada crypto Bilaaw ilaa dhamaad