wararka Maanta ee suuqa Crypto 4-may 2025

Gelle Bashir

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain

📊 1. Xaalada guud ee Suuqa

  • Market capka guud ee suuqa ayaa maanta waxuu marayaa  2.9 trillion halka volume hantida dhex martay 24 saac u dambeysay ay gaarayso 49.53 Billion
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta coinka Bitcoin 63.89% halka Altcoins ay haystaan 37%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu maraayo 31%.
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu sheegayaa 53 taas oo ka dhigan inuu yahey mid dhxe aysan jirin dareen maalgashi oo xoogan iyo cabsi wayn ee suuqa laga qabo
  • Bitcoin (BTC): waxuu qiimihiisa marayaa maanta $95.,508.49, waxuu sameeye hoos u dhac gaarayo 0.40% maanta.
  • Ethereum (ETH): Wuxuu ku wareegayaa Qiimaha $1,800, wuxuuna wajahayaa Coinkaan caqabado maalmahaan
  • USDT: Token-ka Stable ay leedahey shirkada Tether waxuu maanta galay kaalinta 3aad ee kala horaynta suuqa, waxay midaan tusinaysaa baahida wayn ee loo qabo tokenkaan
  • XRP: waxaa lagu kala iibsanayaa $2.28 waxuuna sameeye coinkaan hoos u dhac 0.09%
  • SOL: Qiimaha Coinkaan wuxuu marayaa $145.80 waxaana dhex martay 24saac u dambeysay Volume dhan $1.61B

🏛️ 2. Xeerarka & Sharciga Suuqa

- Advertisement -
  • Madax ka tirsan hay’ada Maraykan ee IRS (Internal Revenue Service) una qaabilsanaa canshuurta lacagaha dhijitaalka ah ayaa xilka ka tagaya, waxaana laga yaabo inay saameyn ku yeelato arintaan suuqyada maaliyada gaar ahaan Crypto.
  • South korea hay’adaha u qaabilsan amniga dhaqaalahawadankaan waxay sheegayn in ay shurrucyo ku soo rogi doonaan lacagaha Digitalka ee crypto 1-da bisha June
  • Madaxii hore ee Shirkada PayPal David Macros waxuu sheegay in Awooda Bitcoin aan la joojin karin ayna abuuri doonto nidaam dhaqaale cusub
  • Sida laga soo xigtay Financial Times Mowqifka Trump uu ka qabo lacagaha Digitalka ay crypto kana dhigay kuwa sharci ah waxay soo jeeditay sariflayaasha suuqa waxayna sheegayn inay qorsheynayaan in  ay u guuraan maraykan xaruumana ka sameystaan waxaa ka mid ah suuqyadaas OKX, NEXO, Derbit iyo DWF Labs.

🐋 3. Dhaqdhaqaaqa Maalgashadeyaasha saamaynta ku leh suuqa

  • FET iyo XCN: Tokens-yadan ayaa soo jiitay dareenka whales-ka, taasoo muujinaysa dareen wayn loo qabo Tokens utility-ga leh

🧪 4. Mashruucyada Horumarinta Ku Jira ee Crypto

  • Ethereum: Vitalik Buterin wuxuu shaaciyay qorshe 5 sano ah oo lagu fududeynayo shabakadda Ethereum si ay tartan ula gasho Coinka Bitcoin.

📈 5. ETFs & Hay’adaha Maalgashi saamaynta ku leh suuqa

  • Bitcoin ETFs: Waxaa hadda soo galayin ka badan $112 bilyan BTC ah ETFs-ka Mareykanka, taasoo muujinaysa kalsoonida hay’adaha maalgashiga.
  • Dogecoin ETF: 21Shares waxay Nasdaq uga gudbisay codsi ay ku dalbanayso in la sameeyo ETF rasmi ah oo DOGE ah – kii ugu horreeyay noociisa.

🔗 6. Tignoolajiyada Blockchain-ka

  • Avalanche: Waxay bilowday barnaamij deeqo ah oo ah $40 milyan oo loogu talagalay in horumariyeyaashu ay abuuraan blockchains cusub.

🤖 7. Artificial intelligence

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99$12.99Get It Now
  • Waxaa soo baxayBots AI ah oo si joogti u falanqeynaayo coinska suuqa waxaana lugu tijaabiyay coinska BNB iyo Avalanche.

🌐 8. Web 3.0

  • App Store Isbeddelka siyaasadda App Store ee Maraykanka wuxuu fursad siinayaa barnaamijyada Web3 si ay u bilaabaan in ay si xor ah ugu shaqeeyaan NFT iyo crypto, iyaga oo aan la saarayn wax canshuur ah

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article
Leave a Comment