Wararka maanta ee Suuqa Kiribto 01-02-2026

Jacfar
By Jacfar

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.  

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

  • Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.80 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 160.81 billion.
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 36% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
  • Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.483 billion.
  • Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $77,485.21
  • Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,347.89
  • Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $775.14
  • Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.61.
  • Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $103.03.

️2.  Xeerarka & Sharciyada (Regulation)

  • Cabsida laga qabo in dowladda Mareykanka ay xiranto berri oo Isniinah, haddii aan heshiis la gaarin ayaa argagax ku abuurtay suuqyada maaliyadda, oo ay ku jirto Crypto.
  • Magacaabista Kevin Warsh oo loo saadaalinayo inuu noqdo Guddoomiyaha Bankiga Dhexe (Fed) ayaa welwel abuurtay, maadaama loo arko nin neceb sicir-bararka oo laga yaabo inuu dulsaarka (Interest Rates) kor u qaado.
  • Waaxda Canshuuraha ee Ingiriiska (HMRC) ayaa maanta soo saartay qoraal cusub oo cadeynaya in “Liquid Staking” aan loo aqoonsan doonin dhacdo canshuureed (Taxable event), taasoo war fiican u ah maalgashadayaasha UK.

🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

  • Xogta la helay maanta oo Axad ah ku saabsan ganacsigii Jimcihii ayaa muujisay in ETFs-ka Bitcoin ay diiwaangeliyeen bixitaan lacageed (Outflows) oo dhan $400 Milyan, taasoo calaamad u ahayd hoos u dhaca maanta.
  • Warar hoose oo laga helay SEC ayaa sheegaya in go’aanka Solana ETF dib loo dhigi doono ilaa bisha May 2026, taasoo niyad-jab ku riday maalgashadayaasha SOL.

🪙4.  Coins-ka Cusub & Token-ada

  • Moonbirds (BIRB): Token-kan ayaa maanta kacay 95% inkastoo suuqa uu dhacayo. Sababta waa iskaashi cusub oo ay la galeen shirkad weyn oo dhanka ciyaaraha ah.
  • STABLE: Sarrifka weyn ee BitTap ayaa xaqiijiyay inuu berri liis-gareynayo token-ka cusub ee STABLE, ganacsataduna waxay maanta isku diyaarinayaan iibsashada “Pre-market”.

🐋5.  Maalgashiga “Whales” (Whale Investments)

  • Jeebad (Wallet) weyn oo aan la aqoon ayaa maanta iibsatay 2,000 BTC markii qiimuhu gaaray $78,200, taasoo muujinaysa in Whales-ka qaar ay aaminsan yihiin inani tahay fursad.

️6. Tiknoolajiyadda Blockchain

  • Charles Hoskinson ayaa maanta bartiisa X ku xaqiijiyay in wajiga ugu dambeeya ee casriyeynta “Chang” uu dhici doono bartamaha Febraayo, taasoo keenaysa maamul baahsan (On-chain Governance).
  • Algorand ayaa maanta shaacisay natiijada tijaabo guul leh oo ay ku sameeyeen nidaam cusub oo ka hortagaya weerarada kombuyuutarada Quantum.

🤖7. AI & Web 3.0

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

  • Vitalik Buterin ayaa maanta qoray maqaal cusub oo uu kaga digayo “AI-da Dhexe” (Centralized AI), isagoo ku baaqaya in Blockchain loo isticmaalo si loo xaqiijiyo xogta ay AI-du isticmaasho.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article