Wararka Maanta ee Suuqa kiribto 02-08-2026

Jacfar
By Jacfar

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.  

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

  • Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.39 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 117.79 billion.
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 8% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
  • Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.483 billion.
  • Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $70,201.21
  • Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,096.89
  • Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $640.14
  • Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.43.
  • Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $86.82.

️2.  Xeerarka & Sharciyada (Regulation)

  • Gobolka Wyoming ee Mareykanka ayaa maanta soo bandhigay sharci qabyo ah oo aqoonsanaya “DAO” inay yihiin shirkado buuxa, taasoo dhiirigelinaysa maalgashiga baahsan.
  • Dowladda Nigeria ayaa maanta mar kale ku celisay inaysan xayiraad saari doonin ganacsiga P2P, balse ay la socon doonto dhaqdhaqaaqyada waaweyn ee ka badan $10,000.
  • Hay’adda SFC ee Hong Kong ayaa maanta soo saartay digniin ku socota sarrifyada aan sharciga haysan, iyadoo sheegtay in la xiri doono dhammaadka bishan haddii aanay u hoggaansamin shuruucda cusub.

🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

  • Warbixinta usbuuca soo dhammaaday, maanta waxay muujinaysa in wadarta guud ee lacagta soo gashay (Net Inflow) ETFs-ka Bitcoin ay ahayd $1.2 Bilyan, inkastoo Jimcihii la arkay hoos u dhac.
  • Sanduuqa Maalgashiga Qatar (QIA) ayaa warar aan la xaqiijin sheegayaan inay qorsheynayso inay $500 Milyan ku maalgashato Bitcoin ETFs bisha soo socota.

🪙4.  Coins-ka Cusub & Token-ada

  • Sarrifka Bybit ayaa shaaciyay inuu berri (Isniin ah) liis-gareyn doono token-ka ZetaChain (ZETA), ganacsataduna waxay bilaabeen inay urursadaan.

🐋5.  Maalgashiga “Whales” (Whale Investments)

  • Whales-ka Bitcoin ayaa maanta la arkay iyagoo ka iibsanaya sarrifyada heerka $69,500, iyagoo u arka taageero adag, in BTC mar kale uu sare u kici karo.
  • Hal Whale ayaa maanta 20,000 ETH ($48 Milyan) dhigay nidaamka “Rocket Pool”, taasoo yareynaysa cadaadiska iibka ee suuqa.
  • 500 Milyan oo USDT ah ayaa maanta laga wareejiyay “Treasury” loona wareejiyay Binance, taasoo inta badan calaamad u ah in iibsi weyn la qorsheynayo.

️6. Tiknoolajiyadda Blockchain

  • Mashruuca Arweave ayaa maanta tijaabiyay “Permaweb” cusub oo u ogolaanaya in websites-ka ay weligood shaqeeyaan iyagoo aan lahayn server dhexe.

🤖7. AI & Web 3.0

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

  • Bot cusub oo lagu magacaabo “SatoshiAI” ayaa maanta noqday kan ugu wax-qabadka fiican Suuqa Binance, isagoo isticmaalay algorithms adag si uu uga faa’iideysto isbedbedelka yar (Scalping).
  • Mashruuca Numbers Protocol ayaa maanta bilaabay olole lagu diiwaangelinayo sawirada wararka Blockchain-ka si looga hortago AI DeepFakes xilliga doorashooyinka.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article