Wararka Maanta ee Suuqa kiribto 04-04-2026

Jacfar
By Jacfar

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.  

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

  • Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.1 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 44.08 billion.
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 29% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
  • Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.48 billion.
  • Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $67,585.21
  • Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,052.89
  • Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $590.14
  • Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $80.82.
  • Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.31.

️2.  Xeerarka & Sharciyada (Regulation)

  • Hay’adda Caalamiga ah ee FATF ayaa soo rogtay qodob cusub oo ku qasbaya in la diiwaangeliyo dhammaan sWallets-ka ee xawilaadaha u diraya ama ka helaya waddamada colaaduhu ragaadiyeen.
  • Hay’adda Dubai (VARA) ayaa soo saartay digniin adag oo faraysa shirkadaha sarrifka inay gebi ahaanba ka fogaadaan xawilaadaha la xiriira dagaalka, haddii kalena lagala noqon doono shatiyada ganacsiga.
  • Midowga Yurub ayaa ku daray qodobbo degdeg ah sharcigooda MiCA si loo kantaroolo dhaqdhaqaaqa Stablecoins-ka (sida USDT) ee loo isticmaalo in lagu soo iibsado qalabka dagaalka suuqyada madow ee Yurub iyo Bariga Dhexe.

🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

  • Sanduuqyada Bitcoin ETF ee dalka Maraykanka ayaa todobaadkan xiray iyagoo soo xareeyay maalgelin gaaraysa $300 Milyan, taas oo muujinaysa kalsoonida hay’adaha waaweyn.
  • Laba sanduuq oo hantida dowladaha ah oo ku yaal Aasiya ayaa shaaciyay inay billaabeen qorshe ay ugu iibsanayaan Bitcoin si ay u kala duwanaan kaydkooda maaliyadeed.
  • Bankiga Dhexe ee UK ayaa soo saaray warbixin tijaabo ah oo muujinaysa inay baaranayaan sidii hantida dhijitaalka ah loogu dari lahaa kaydka bangiyada dowladda.

🪙4.  Coins-ka Cusub & Token-ada

  • Waxaa si weyn u kordhay soo saarista cilmi-baaris lagu sameynaayo Stablecoins cusub oo ku xiran lacagaha maxalliga ah ee waddamada Carabta, si loo yareeyo ku-tiirsanaanta Doolarka xilligan dagaalka.

🐋5.  Maalgashiga “Whales” (Whale Investments)

  • Xogta qotada dheer ee on-chain waxay muujinaysaa in Nibiriyada waaweyn (Whales) ay iibsadeen in ka badan 15,000 BTC intii lagu jiray maalmihii cabsidii suuqa.

️6. Tiknoolajiyadda Blockchain

  • Warbixin cusub ayaa xaqiijisay in shirkadaha qoda Bitcoin (Miners) ay hadda 40% korontadooda ka helaan ilo tamarta dib loo cusboonaysiin karo.

🤖7. AI & Web 3.0

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now
  • Isticmaalka Web3 si loo caddeeyo in sawirrada iyo muuqaallada dagaalka aysan ahayn kuwa been abuur ah (Deepfakes) ayaa maanta noqotay aaladda ugu badan ee wariyayaashu adeegsadaan.

🚨 8. Amniga

  • Digniin caalami ah ayaa laga soo saaray kooxo ‘Hackers’ ah oo ay dowladuhu taageeraan, kuwaas oo isku dayaya inay jabsadaan nidaamyada Crypto-ga si ay u carqaladeeyaan dhaqaalaha cadowgooda.

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan: https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article