Wararka Maanta ee Suuqa Kiribto 05-03-2026

Jacfar
By Jacfar

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.  

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

  • Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.45 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 132.81 billion.
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 28% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
  • Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.483 billion.
  • Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $71,585.21
  • Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,088.89
  • Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $652.14
  • Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $69.82.
  • Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.43.

️2.  Xeerarka & Sharciyada (Regulation)

  • Eric Trump ayaa si kulul u cambaareeyay bangiyada u ololeeya Stablecoins, isagoo sheegay inay “ka hor imaanayaan danaha Mareykanka.”
  • Dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa soo saartay xeer cusub oo xaddidaya lahaanshaha sarrifyada (Exchanges) inay ka badnaato 20% hal shaqsi ama shirkad.
  • Turkiga ayaa soo bandhigay sharci cusub oo lagu raruurinaayo canshuuraha laga qaado faa’iidada Cryptocurrency.
  • Midowga Yurub ayaa bilaabay dhaqangelinta heerarkii ugu dambeeyay ee MiCA 2, oo si gaar ah diiradda u saaraya ilaalinta macaamiisha AI-Crypto.

🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

  • Sanduuqa IBIT ee BlackRock ayaa diiwaangeliyay ku dhowaad $322 Milyan oo dakhli cusub, maalin kaliya, arintaan muujinaysa rabitaanka hay’adaha.
  • Waxaa si rasmi ah u bilowday ganacsiga Spot Chainlink ($LINK) ETF, taas oo albaabada u furtay malaayiin doolar oo maalgashi hay’adeed ah.
  • In ka badan 50 shirkadood oo ku jira liiska S&P 500 ayaa hadda Bitcoin ku daray kaydkooda hantiyeed (Balance sheets) sannadkan 2026.

🪙4.  Coins-ka Cusub & Token-ada

  • DeepSnitch AI: Mashruucan oo AI ku dhisan ayaa ururiyay $2 Milyan xilligii presale-ka, iyadoo maanta la filayo inuu si rasmi ah uga bilowdo sarrifyada waaweyn.

🐋5.  Maalgashiga “Whales” (Whale Investments)

  • Xogta On-chain waxay muujinaysaa in 48-kii saac ee la soo dhaafay, Whales-ku ay sarrifyada ka saareen Bitcoin qiimaheedu dhan yahay $1.2 Bilyan.
  • Boorso weyn oo aan la aqoonsan ayaa iibsatay 50,000 ETH maanta, taas oo loo arko calaamad muujinaysa in ETH ay kor u kici doonto dhowaan.
  • Tether ayaa soo saartay 1 Bilyan oo USDT oo hor leh si loo daboolo baahida iibka ee maanta.

️6. Tiknoolajiyadda Blockchain

  • Tiknoolajiyadda lagu hubiyo in AI-gu uusan been sheegin (Zero-Knowledge Proofs for AI) ayaa maanta noqotay mid si weyn loo hirgeliyo.

🤖7. AI & Web 3.0

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now
  • Daraasad cusub ayaa sheegtay in 90% moodallada AI ee maanta ay door bidaan Bitcoin halkii ay ka dooran lahaayeen lacagta fiat-ka (Doolarka) si loo kaydiyo hantida.
  • Shabakadda ugu weyn ee AI-ga baahsan (Decentralized AI) ayaa maanta si buuxda u hawl gashay.

🎨 9. NFT & DeFi

  • NFT-yada maanta ma ahan kaliya sawirro, ee waa aqoonsiyo dhab ah (Digital IDs) oo lagu soo galo Web 3.0.
  • J.P. Morgan ayaa maanta isticmaalay shabakad blockchain ah si uu u fuliyo macaamil dhan $500 Milyan oo ah “Deposit Tokens.”

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan: https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article