Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
- Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.80 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 160.81 billion.
- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 36% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
- Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.48 billion.
- Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $86,585.21
- Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,834.89
- Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $847.14
- Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $130.82.
- Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $2.03.
⚖️2. Xeerarka & Sharciyada (Regulation)
- Madaxweynaha Maraykanka ayaa Iiraan u qabtay waqti kama dambays ah oo ah 48 saacadood inay dib u furto Marinka Hormuz oo xiran. Trump ayaa ku hanjabay in haddii aan la furin marinkaas, ciidamada Maraykanku ay si buuxda u burburin doonaan kaabayaasha tamarta iyo shidaalka ee Iiraan. Iiraan ayaa dhankeeda si cad u diidday dalabkaas.
- Drones ay Iiraan soo dirtay ayaa maanta gantaallo ku garaacay xarumo shidaal iyo warshado koronto oo ku yaal dalka Kuwait (sida dhismaha Kuwait Petroleum Corporation), waxaana ka dhashay dab iyo khasaare hantiyeed oo aad u weyn.
🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
- Sanduuqyada Bitcoin ETF (sida IBIT iyo FBTC) ayaa maanta soo xareeyay in ka badan $150 Milyan oo ah maalgelin cusub, taas oo tirtirtay hoos-u-dhicii la arkay toddobaadkii hore.
- Shirkadda BlackRock ayaa shaacisay in sanduuqeeda hantida la dhijitaaleeyay (Tokenized Fund) uu jabiyay rikoor cusub isagoo soo jiitay maalgeliyeyaal waaweyn oo raadinaya faa’iido joogto (Yield) oo dollar ah.
🪙4. Coins-ka Cusub & Token-ada
- Mashruuc cusub oo ay taageerayaan ganacsato carbeed ayaa soo saaray Stablecoin ku xiran qiimaha silsiladaha dukaamada (Commodity-backed), kaas oo loogu talagalay in lagu fududeeyo ganacsiga gudaha Bariga Dhexe.
🐋5. Maalgashiga “Whales” (Whale Investments)
- Xogta On-chain waxay muujinaysaa in Nibiriyadu (Whales) ay maanta kala baxeen in ka badan 25,000 oo Bitcoin sarriflayaasha waaweyn (CEX), iyagoo geynaya keydad gaar ah, taasoo calaamad u ah inaysan qorsheynayn inay dhowaan iibiyaan.
- Xaddiga ganacsiga laga sameeyo meelaha ka baxsan suuqa weyn (OTC) ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay, iyadoo hay’adaha iyo bilyaneerrada ay is-weydaarsanayaan USDT iyo BTC si aysan u khalkhal gelin qiimaha suuqa.
⛓️6. Tiknoolajiyadda Blockchain
- Warbixin maanta soo baxday ayaa muujisay in in ka badan 55% awoodda lagu qodo Bitcoin (Mining Hashrate) ay hadda ka timaado ilo tamarta dib loo cusboonaysiin karo.
🤖7. AI & Web 3.0
- Aalado cusub oo isku dhafay AI iyo Web3 ah ayaa la soo saaray maanta, kuwaas oo u oggolaanaya isticmaalayaasha caadiga ah inay xogtooda si toos oo ammaan ah uga iibiyaan shirkadaha tababara AI-ga iyagoo lagu siinayo Crypto.
🚨 8. Amniga
- Tether ayaa maanta shaacisay inay xannibtay cinwaanno dheeraad ah oo ay ku jireen malaayiin doollar ($USDT), kuwaas oo baaritaanno lagu ogaaday inay xiriir la lahaayeen shabakadaha maaliyadda ee Iiraan iyo kooxda Xuutiyiinta, si looga hortago maalgelinta dagaalka.
Ogaysiis
Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan: https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/


