Wararka Maanta ee Suuqa Kiribto 05-05-2026

Jacfar
By Jacfar

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.  

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

  • Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.69 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 148.38 billion.
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 50% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
  • Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.48 billion.
  • Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $81,338.21
  • Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,334.89
  • Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $630.14
  • Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $85.82.
  • Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.41.

️2.  Xeerarka & Sharciyada Suuqa

  • Hay’adda FINRA ayaa maanta oggolaansho siisay shirkadda Securitize si ay u dammaanad qaaddo iyo inay u kaydiso hantida la “Tokenize” gareeyay ee lagu soo bandhigayo suuqyada saamiyada.
  • Toddobo dal oo ka tirsan G20 ayaa maanta ku heshiiyay habraac cusub oo lagu midaynayo aqoonsiga macaamiisha (KYC) si looga hortago canshuur la’aanta Crypto.
  • Maamulka Trump ayaa wada qorshe cusub oo lagu baarayo AI in loo adeegsado dhaqaalaha, si looga hortago khataraha hantida qaranka.

🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha Waa-weyn

  • Shirkadda Western Union ayaa u dooratay Fireblocks inay maamusho nidaamkooda cusub ee Stablecoin-ka oo loo bixiyay USDPT.
  • Shirkadda FIS ayaa maanta daah-furtay Project Keystone, oo ah shabakad lacageed dhijitaal ah oo ay la kaashanayso bangiyada Maraykanka si loo fududeeyo xawilaadaha

🪙4.  Coins-ka Cusub & Token-ada

  • Citrea (CTR): Mashruucaan ayaa maanta si rasmi ah u soo saaray token-kiisa CTR, kaas oo loogu talagalay in lagu kordhiyo awoodda Bitcoin ee dhanka Smart Contracts-ka.

🐋5.  Maalgashiga Whales-ka

  • Xogta On-chain ayaa muujinaysa in nibiriyada BTC ay maanta iibsadeen in ka badan 20,000 BTC, iyagoo aaminsan in qiimuhu ka sii gudbi doono $82K.
  • Boorso haysta ETH ayaa maanta u wareejisay $150 Milyan boorsooyinka lagu keydiyo hantida, taas oo muujinaysa inaysan iibin doonin dhowaan.

️6. Tiknoolajiyadda Blockchain

  • Shirkadaha Securitize iyo Jump Trading ayaa maanta si wada jir ah u daah-furay nidaamka “Fully Onchain Trading” oo loogu talagalay saamiyada shirkadaha.

🤖7. AI & Web 3.0

- Available -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now
  • MoonPay iyo Mesh ayaa maanta labaduba soo bandhigay Whalets iyo Cards u oggolaanaya AI-da inay bixiso lacagta iyadoon bini-aadam u baahneyn.

🚨 8. Amniga

  • Shirkadda Binance ayaa maanta soo bandhigtay nidaam cusub oo macaamiisha ka difaacaya weerrada nooca (Physical threats) ee loo adeegsado in dadka lagu khasbo inay furayaasha bixiyaan.

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan: https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article