Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
- Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.80 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 160.81 billion.
- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 36% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
- Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.48 billion.
- Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $86,585.21
- Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,834.89
- Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $847.14
- Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $130.82.
- Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $2.03.
⚖️2. Xeerarka & Sharciyada (Regulation)
- Yurub ayaa soo saartay qodobbo cusub oo xayiraad lagu saarayo soo dejinta aaladaha lagu qodo Bitcoin ee ku wajahan gobolka Bariga Dhexe.
- Hay’adda Maaliyadda ee Japan ayaa shuruud adag ku xirtay dadka aan dalkaas deggenayn inay lacagaha Crypto-ga u beddeshaan lacagta Yen-ka, si looga hortago cararka hantida dalalka Aasiya iyo Bariga Dhexe.
🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
- Shirkadda Strategy ee uu hoggaamiyo Michael Saylor ayaa maanta ku dhawaaqday inay iibsatay 4,871 BTC oo dheeraad ah (oo ku kacaya $330 Milyan), taas oo ka dhigaysa kaydkooda guud 766,970 BTC.
- In kasta oo xaaladda adduunku kacsan tahay, sanduuqyada Spot Bitcoin ETF ayaa bishii la soo dhaafay helay ku dhawaad 50,000 oo Bitcoin.
🪙4. Coins-ka Cusub & Token-ada
- Waxaa gobolka carabta aad uga dhex faa-fay lacago cusub oo loo yaqaan ‘Mubarak Token’ taasoo oo u shaqeeya sidii ‘Xusuus qor dhaqameed dhijitaal ah’ (Digital Cultural Souvenirs) oo bulshadu is-dhaafsato.
🐋5. Maalgashiga “Whales” (Whale Investments)
- Xogta shirkadda CryptoQuant ayaa shaacisay in (Whales) ay si qarsoodi ah u uruursadeen in ka badan 44,000 oo Bitcoin soddonkii maalmood ee la soo dhaafay.
- Shirkadda Circle ayaa xaqiijisay in toddobaadkan la daabacay qaddarkii ugu badnaa abid ee lacagta USDC shabakadda Solana, taas oo caddaynaysa in Whales-ku ay lacag caddaan ah u diyaarsanayaan iibsi.
⛓️6. Tiknoolajiyadda Blockchain
- Tignoolajiyada RaaS ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay, taas oo u oggolaanaysa shirkadaha inay 90% qiimo jaban ku dhistaan shabakado Blockchain ah oo iyaga u gaar ah maalmo gudahood.
🤖7. AI & Web 3.0
- Xarumaha sarrifka waaweyn ayaa isku daray Web3 iyo AI si ay uga hortagaan “Deepfakes-ka” casriga ah ee tuugadu u isticmaalayaan inay ku furtaan xisaabaad sarrif oo been abuur ah.
🚨 8. Amniga
- Xarunta sarrifka ee Iiraan ugu weyn ee Nobitex ayaa la kulantay argagax kadib markii dadku ay 870% kordhiyeen lacagaha ay la baxayaan (Withdrawals) isla markii Maraykanku soo saaray hanjabaadda 48-ka saac ah.
Ogaysiis
Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan: https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/


