Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
- Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.72 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 163.29 billion.

- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 52% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.

- Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.48 billion.

- Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $82,121.21
- Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,339.89
- Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $653.14
- Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $88.82.
- Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.4.
⚖️2. Xeerarka & Sharciyada Suuqa
- Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa si kulul u beenisay eedeymaha loo jeediyay oo la xariirta in kooxo tuugo ah oo ka howl-gala dalkeeda in ay xadeen hanti Crypto aad u badan.
- Aqalka Senate-ka Maraykanka ayaa horumar weyn ka sameeyay sharciga CLARITY Act, kaas oo lagu heshiiyay in la xaddido faa’iidada tooska ah ee Stablecoins.
- Qiimaha saamiyada shirkadaha Circle (CRCL) iyo Coinbase (COIN) ayaa suuqa saamiyada sare u kacay in ka badan 18% iyo 7% siday u kala horreeyaan, ka dib wararka wanaagsan ee sharciga Stablecoin-ka ka soo baxay.
🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha Waa-weyn
- Shirkadda Strategy ayaa si kumeel gaar ah u hakisay iibsigeedii joogtada ahaa ee Bitcoin ka hor inta aysan shaacin warbixinteeda maaliyadeed ee Q1, iyadoo haatan haysata 818,000 BTC.
- Shirkadda SOL Strategies ayaa ku dhawaaqday inay iibsatay mashruuca HoudiniSwap lacag dhan $18 Milyan, si ay ugu xoojiso adeegyadeeda (cross-chain)
🪙4. Coins-ka Cusub & Token-ada
- BitcoinOS (BOS): Waa token cusub oo manta suuqa wacdaro ka dhigay isagoo kor u kacay +92.57%, wuxuuna soo jiitay indhaha maalgashadayaasha.
🐋5. Maalgashiga Whales-ka
- Xogta Onchine muujinaysa in Strategy, oo ah nibiriga ugu weyn (Whale) ee dhanka shirkadaha, ay hantideeda guud ee Bitcoin gaartay celcelis ahaan in ka badan $61 bilyan, taas oo muujinaysa aaminaadda fog ee hay’adahaan Bitcoin ku qabto.
- Ganacsatada Options ayaa maanta boosas waa-weyn suuqa sameeyay iyagoo rajaynaya in qiimaha Bitcoin uu ka sii gudbi doono $81,000 si uu u gaaro dhaqaaq heerar cusub ah.
⛓️6. Tiknoolajiyadda Blockchain
- Ku darsiga tignoolajiyada isku xirka (Cross-chain) ayaa maanta xoogeystay ka dib markii shabakadda Solana ay heshay taageero dheeraad ah oo xagga isku-xirka sirta (privacy-focused routing) iyadoo la adeegsanayo nidaamka HoudiniSwap oo lagu dhex daray qaabdhismeedkeeda.
🤖7. AI & Web 3.0
- Isdhexgalka AI iyo Web3 ayaa sii kordhaya iyadoo madalada DeFi ay bilaabeen inay adeegsadaan AI si ay u falanqeeyaan saamaynta xeerarka cusub sida CLARITY Act ay ku yeelan karaan dakhliga macaamiisha mustaqbalka.
🚨 8. Amniga
- Warbixin cusub ay soo saartay hay’adda amniga ee TRM Labs ayaa ku sheegtay in kooxaha Hackers-ka ku sugan Kuuriyada Waqooyi (Lazarus Group) ay dhacayn sanadkan 2026, lacag crypto ka badan $577 million.
- Shirkadaha sarrifka iyo maamulayaasha Blockchain-ka ayaa sare u qaaday digniinaha ku aaddan weerarada ka dhasha borotokoollada la isku xiro (Cross-chain bridges), iyagoo ku baaqaya in la adkeeyo amniga “Smart Contracts-ka“.
Ogaysiis
Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan: https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/


